Sunday, January 14, 2007

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY SADDEXDA XISBI QARAN EE SOMALILAND

Ujeeddo:

1- Baanaabaxyo ku saabsan Adkeynta Madax-banaanida Qarannimada JSL iyo u digniinta kooxda Imbagati .

2- War galinta shacbiga Somaliland iyo abaabulkooda si ay ugu diyaar garoobaan gardaro kaga timaadda Kooxda Cabdilaahi Yuusuf.


Haddii aanu nahay saddexda xisbi qaran iyo dhamaan shacbiga Somaliland waxaan uga digaynaa adduun weynaha in hadallada ka soo baxaya madaxda kooxda Imbaagti ay keeni karto dagaal hor leh oo ka dhex dhaca labada Shacbi ee Somaliland iyo Soomaliya , haddii aan la aqoonsan madaxbaaninada Somaliland, oo aanu diyaar u nahay in aanu ku difaacno jiritaankayaga dhiig ka badan kii aanu ku xoraynay Somaliland 1991. dadkaygana uga badbaadino Xasuuq dambe iyo Dabargoyn

Somaliland 16 Sano waxay ku dhaqmaysay nabad, horumar iyo hirgalinta demoqraadiyadda kana badbaaday qalalaasihii siyaasadeed ee soomaaliya isla markaana aan ka qayb qaadan dagaaladii iyo qaskii ka soday Soomaliya.

Laakiin hadda waxay u egtahay in kooxda Imbagati oo bilaabay in ay sheegtaan madaxnimada Somaliland , ay keeni karto dagaal hor leh oo saameeya Geeska Afrika., tiiyo Soomaliland xaq u leedahay difaaca qarnimadeeda iyo sharafta ummadeeda

Waxaan si wada-jir ah ugu baaqaynaa shacbiga reer Somaliland mid gudha jooga iyo mid dibada joogaba in la sameeyo banan-baxyo lagu taageerayo jirtaanka, nabadda iyo Madaxbanaanida JSL maalinta Salaasada ee bishu tahay 16ka Jan 2007.

Waxaanu adduunka ugu baaqynaa in si loo helo nabad waarta iyo horumar dhamaan gobolka geeska Afrika oo caadaystay daganaansha la’aan iyo nolol xumi siiba dhulka ay ku dhaqan yihiin dadka soomaaliyeed in la kala furdaamiyo Somaliland iyo Soomaliya.

Waxaanu ugu baaqynaa bulshada caalamka , siiba UN, AU in laga faa’iidaysto fursadan qaaliga ah ee ka abuurantay Soomaliya , oo la xalilo mashaakilka Soomaliya ee socday 16ka sano gaystayna burbur , dhimasho iyo saxriir badan.

Waxaanu qabnaa in lagu dhameyn karo mushkiladda dib u hiishiisiin dhab ah oo ay ka qayb qaataan dhamaan bulshada Soomaliya.

Faysal Cali Waraabe

Gudoomiyha Xisbiga UCID


Maxamuud Saalax Nuur Fagare

Gudoomiye Ku/Xig/kawaad ee Xisbiga Kulmiye

Maxamed Ismaaciil Bulaale

Xoghayaa Guud ee UDUB

No comments: