Friday, February 09, 2007

Afar lo' ah oo ku xidhan Saldhiga Boorama

Hashim Goth, ANN =
BOORAMA, 07 Feb. 2007--Xayn lo' ah oo tiradeedu gaadhayso 4 sac ayaa muddo dhawr todobaad ah ku xidhan Saldhiga magaalada Boorama.
Isagoo ka jawaabaya su'aaloAwdalnews Network ka weydiisay Taliyaha Saldhigga Boorama Muuse Kaadhiin sobobta lo'da wuxu sheegay in lo'dan afarta ah Saldhiga la keenay ka dib markii laba reer oo gacal ahi uu khilaaf gacan gaadhay kala dhexmaray.
"Lo'da gabadh ayaa laga yarad bixiyay dabadeedna gabadhii ayaa aabaheed dhaawac la gaadhsiiyey. gabadhiina aqalkeedii iyo aqalo kale ayey gubtay, ka dibna markaas ayaa laga soo kaxaystay lo'dii laga bixiyay oo dib looga qaatay," ayuu yidhi Taliyuhu.

Wuxuu intaa ku daray in xeerkii geedka arrinta lagu dhammeeyey sidaas ayaa xoolaha lagu soo celiyey oo Saldhiga lagu keenay

Mar la weydiiyey xolaaha wakhtigii hore lagu xidhi jiray Seeraha oo Folastari ilaalin jirey baad iyo biyana ay heli jirtay, markaa Saldhiga ma wuxuu noqday meel dadka iyo xoolaha lagu xidho ? Miyaanay jirin meel kale oo aad ku haystaan oo caws leh ?, wuxuu ku Jawaabay Taliye Muuse, horta magaalada ayaaba dhaaftay seerihii, dhulkiina ma jiro meel seero ah oo xoolo lagu geeyo, Foolastari ilaaliyaana ma jiro. Wuxu sheegay in caleenta iyo biyaha loo keeno oo askartu dhigto.

Intaas ka dib ayuu weriyaha Awdalnews weydiiyay Taliyaha, ka warran haddii lagu yidhaa Taliyaha xoolaha iyo dadka ?

Taliyuhu isaga oo qoslaya ayuu ku jawaabay: "Waa run haddii xoolaha la isku dili lahaa, oo qofku dhiman lahaa, taasi intay dhici lahayd waa in aan xoolaha hayaa, oo aan wax siiyaa si loo kala badbaado, ilaa inta arrinta la dhamaystirayo ee maxkamad ama xeer dhaqan lagu kala baxayo, sidaas ayaan ku noqonayaa taliyaha xoolaha iyo dadka."

Qisadani waa markii u horaysa ee ay ka dhacdo xafiisyada Dawlada, mana aha mid hore loo arki jiray xoolo la xidho wakhtiyadii hore, waana arrin cusub oo soo korodhay.

No comments: