Friday, February 09, 2007

"Ha iga xidhina Cawil inta aan ka ogaanayo sirtii Qaranka meesha uu geeyey."

Hadalkan waxa ku jawaabey Siyaad Barre oo la weydiiyey waxa uu u xidhi waayey Cawil cali Ducaale ka dib markii uu sirtii ciidanka ee ku saabsanayd dagaalkii Soomaaliya la gashay Itoobiya 77kii uu la baxsaday ulana gudbey dhinaca Kiiniya isla markaana u faafiyey.

1977kii waxa ka dhex dilaacay Soomaliya iyo Itoobiya dagaal ballaadhan. Waxa la isugu yeedhay ciidamadii qaranka. Cawil oo markaa joogey Safaarada Soomaaliya ee Kiiniya ayaa isna loo yeedhay si uu dagaalka ugu biiro isagoo hore uga tirsanaan jirey Ciidanka Qaranka. Cawil waxa loo diray dagaalka waxaana loo dhiibey siro badan oo ciidanka qaranku leeyahay. Dhinacaaba uma baydhine, waxa uu ka dusey Mandheera oo xadka Kiiniya ah, sirtii ciidankana waxa uu Nairobi kaga sariftay doolar. Cawil wuxuu ku soo noqday Xamar lamana xidhin, markii Siyaad Barre la weydiiyey waxa uu u xidhi waayeyna waxa uu ku jawaabey, " inta aan ka soo mantajinayo ha iga xidhina." markii uu Siyaad Barre ogaadey shakhsiyadda Cawilna waxa uu u dirtay shaqo gaara ah oo labadooda uun ka dhaxaysey balse iska soo shaac baxday oo markii dambe suuqa timid.

Jaamac Maxamed Qaalib ( Jaamac yare) oo uu Cawil mar badihiisa galay ayaa Cawil weydiiyey su'aasha ah Waxa uu Siyaad Barre u qaban jirey ee uu ku saamaxay waxay ahayd, welina cawil kama hadlin arrinkaa.

Shaqo labaad ayuu Siyaad barre Cawil u xilsaaray waxaanay ahayd inuu soo basaaso SNM iyo madaxdeeda. Cawil waxa uu si hagar la'aan ah uga shaqeeyey inuu madaxda SNM jawaano ku soo daabulo oo xamar ka soo dejiyo. Saaxiibo kale ayaa arrinkaa kala shaqeynayey. Jaamac Yare oo qoraalo taxane ah ay Cawil isku weydaaresadeen shabakadaha wararka ayaa sheegay magacyada saraakiil, siyaasiyiin, ganacsato uu Cawil xadhigooda ama dilkooda ku lug lahaa. Waxa kale oo jirey niman Hawiye ah oo Kiiniya joogey oo Afwene ku mucaarid ahaa oo Cawil jawaano ku soo geliyey Villa Soomaaliya. Waxa ka mid aha nin ay ilmaadeer yihiin Cabdiqaasim Salaad. Si Afweyne uu cafiyo Cawil waxa uu ogolaaday inuu shaqo kasta oo shaydaanba tuurta u rito. Jaamac Yare oo qoraalada aan soo sheegay ugu magac daray, "Waa Kuma Cawil" waxa uu iyada oo la isku kacaan ahaa , aqoon gaar ahna la isu lahaa ku soo uruuriyey sooyaalka Cawil ereyada ah Waa nin u dhashay xumaato oo been sheegga, maslaxadiisana meel kasta ugu taga.
Iyaba waa quduro'e gudcur madow ayuu Cawil Somaliland daaqad uga soo dusey. Wuxuu maqlay saaxiibkiisii ay isku shaqada ahaayeen ee Riyaale ayaa Somaliland loo caleemo saaray inuu Madaxweyne ka noqdo. oo hadaa maana ku qadaya intuu yidhi ayuu madaxtooyadaba si sariic ah ugu shubay.

" Waar Alle ma ku keenay. Xil weyn baan kuu hayaaye maxaad isla haysaa" ayuu Riyaale ku salaamay cawil oo uu ogyahay inuu yahay xertiisa.

" waana aynu is ogeyn, malaha warkaygana waad haysaaye, Kiiniya iyo Itoobiyana koorasyo dheeraad ah oo shaqadeenii ah ayaan ka soo korodhsaday dee waxaan sitaa PHD" ayuu Cawil ugu jawaabey Riyaale.

Markiiba waxa uu cawil isha mariyey canaasiirta Riyaale hareera fadhiya waxana uu muuqatay inuu banaysan karo oo aan laga xigsan Riyaale. Hawlba kuma yeelan. Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale oo khibrad u leh iska horkeenka iyo musuq-maasuqa ayaa la diiwaan geliyey. Markii ugu dambeysey ee Cawil saxaafada lagu weydiiyey waxa uu ku mutaystay inuu noqdo wasiirka ugu dhow Madaxweyne Riyaale waxa uu ku jawaabey," Walaahay madaxweynuhu waa nin daacad ah anigana daacadnimada ayuu iigu kalsoonyahay". Hoostaan ka idhi waar kan meel kale loogama iman ee waxa laga racay Kitaabka oo mar walba baallaha jarayo.

Reer Burco oo Cawil marar badan ula soo boqoolay shandad lacagtoodii ka buuxdo oo uu gacan ku sito iyo gacanta kale oo uu naxli, iska hor keen iyo fitnad ku wado ayaa u muuqata in hadda la isbartay. waxa farxad ii ah iyadoo aanu marna ku guuleysan shuqul shaydaanka uu ka soo maleegey malcaamada qoosha ee madaxtooyada ee laga soo walaaqo dibin-daabyada. Doorashadii ayaynu ogeyn inuu Cawil Burco la fadhiistay hantidii ummadda si uu u shirqoolo waxgaradka dalku u baahanyahay sida Cabdiramaan Cabilqaadir, Dr Cabdi Aw Daahir iyo kuwa kale oo badan.

Bal akhristow ila eeg naxligan Cawil meel fagaare ah ka jeediey isaga oo guddoomiye u ah koox wafdi ah oo Burco ugu socdaalay si loo dhameeyo arrin ku soo korodhay magaalada Burco oo saxaafadu werisey.

"Habar jeclo iyada ayaa dalka keenta nin kasta oo xun, Seyidkii waxa keenay ninka la odhan jirey Ina shixiri, Maxamed Siyaad Barre waxa keenay Ismaaciil Cali Abokor, tan iminkana Habar Jeclo ayaa wadda oo Xamar ka keentay oo u dhiibtey Habar Yoonis".

Wasiirka afkii dawladda ku hadlaya ee akhristow beeshaada ereyadan isla hortaaga bal waxa aad ka odhan lahayd iiga soo jawaab. Mise waxaynu ka war sugnaa Dhanxiir.

Dawladdu inay duulimaad iska horkeen ah Burco ugu talo gashay waxa u daliil ah markii Cawil iyo wasiirada kale ku guul daraysteen qorshohoodii waxa magaalada la soo geliyey ciidamo dheeraad ah waxana gobolka amar lagu siiyey inay mid-mid u ugaadhsadaan ugu horreyn madax-dhaqameedyada iyo odayaasha. Beelaha Burco oo hore uga shaqeeyey nabadgelayada oo la iska kaashado guulna ka gaadhey arrinkaa ayaa dawladda ka degi la'a. Wasiirada Burco yimid isku aragti ayay ahaayeen, cawilna waa ugu af xumaaye meel bay arrinka wada mariyeen iyagoo Beesha bariga Burco ku tiiq-tiiqsanaya. Waxa dawladdu rumaysan la'dahay dhowaan markii Suldaan Cismaan laga afduubay gurigiisa sida wada jirka ah ee reer Burco arrinka uga hadleen ama dareenkooda u muujiyeen.

Malaha wax kale ayaaba meesha ka salag leh oo hadhuub ayaa ku buuxsamey Cawilkan soo noqnoqanaya oo waxa loga furi doonaa Burco xisaabtan lagu eedeynayo inamadii reer Burco ee ku dhintay dagaalkii 77 markii ciidankooda sirtiisii Cawil si dhib yar u gatay iyo kuwii ku shahiidey ama loo xidhxidhy halgankii SNM ee uu Cawil wax ka basaasay.

Xukuumada Riyaale ee soo xulatay Cawil iyo inta la camalka ah oo dawladda ka buuxa bulshooy ha ka filina horumar iyo nabad. Waxa arrinkoodu isugsoo ururay Qaybi oo Xukun. Haddii aynaan si wada jir ah uga hortegin maanta waa Habarjeclo, berrina waa ......., saadambena waa ........, saakuubna waa.........

Cabdi X. Ciise

Abu Dhabi -UAE

macalin54@hotmail.com

No comments: