Sunday, February 25, 2007

Baaq nabadeed oo ku wajahan colaadda ka soo cusboonaatay Darroor.

Ku: Dhammaan Goleyaasha Xukuummada

Ku: Xisbiyada Qaranka

Ku: Salaadiinta, Cuqaasha, wax-garadka iyo shicibka Soomaalilaand

Baaq nabadeed oo ku wajahan colaadda ka soo cusboonaatay Darroor.

Ururka kulmiya jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE) ayaa ugu horreyn waxa uu muujinayaa dareenka naxdinta leh ee uu ka qabo colaadda ka soo cusboonaatay deegaanka Darroor. Waa wax laga naxo in dad ay noloshooda ku waayaan dagaalkan aan macnaha ku fadhiyin isla markaana qaar badan oo ka mid ahi ay ku waayaan laxaadka qaaliga ah. Dhammaan walaalaha arrinkani sida tooska ah u khuseeyo waa muhiim in aanay marnaba hilmaamin muhimada ay nabadu leedahay iyo weliba sida ay diinteena muqadiska ahi ay meel adag uga taagantahay in dhiig la daadiyo ama colaad la huriyo.
Waa muhiim in aan marnaba laga tegin qiimaha ay nabaddu u leedahay nolosheenna. Nolol aan nabadi la jirin nolol maaha. Nabadu waa aasaaska jiritaankeena. Sidaa daraadeed, walaalaha colaaddan lugaha kula jira waxa aanu xasuusinaynaa haddii aanu nahay qurbo joogiinnii in dagaalkani uu yahay mid halaag iyo khasaare keenaya isla markaana qoomamadiisa iyo natiijadiisu ay noqonayso wax aan qoraalkan yar lagu sifeyn Karin. Nolosha qofka banii’aadamka ah Ilaahay ayay xurmeeyay. In si xaq darro ah dhiig lagu daadiyaa waa dulmi iyo cawaaqib xumo. Waxa nabad iyo is-afgarad lagu xalin waayo qori caaradii laguma xalin karo. Caqliga toosani marnaba ma ogolaanayo colaada noocan oo kale ah ee geedka hoostiisa ha loo soo noqdo oo wixii khilaaf iyo is-maandhaaf ah waa in lagu dhameeyo wada hadal. Walaalaha Daroor waxa aanu xasuusinaynaa inaynu nahay ummad leh dhaqan Islaam oo aan marnaba ogoleyn in dhiig la daadiyo.

Dhinac kale goloyaasha xukuumada, xisbiyada qaranka, salaadiinta, cuqaasha iyo wax garadka reer Somaliland waxa aanu ugu baaqaynaa inay arrinkan uga sal gaadhaan sida loo baahanyahay oo lagu dadaalo in mar danbe tan oo kale aanay soo noqon.

Inkastoo waajibku ina wada saaranyahay haddana xil gaara ayaa ka saran arrintan naxdinta leh xildhibaanada, odayaasha iyo aqoonyahanka labada dhinac ee arrinku sida gaarka ah u khuseeyo.

Dhalaankeenu uma baahna maanta inay colaad iyo dagaal ku koraan balse waxa loo baahanyahay inay ku koraan jawi caafimaad qaba iyo mustaqbal ku salaysan horumar, waxbarasho iyo nolol.

Ugu dambeyn walaalaha Daroor waxa si xushmadi ku jirto aanu uga codsanaynaa:

In colaadda sida ugu dhakhsaha loo joojiyo iyadoo wax shuruud ah lagu xidheyn.

In la dhowro xurmada qofka islaamka ah oo marnaba la ogoleyn in si fudud ama sahlan dhiig loo daadiyo.

In si bilaa shuruud ah loo ogolaado in ardaaga nabada la soo fadhiisto iyadoo la is dhageysanayo isla markaana la ixtiraamayo xeerbeegtida iyo inta samaha ka talisa.

In aan marnaba la hilmaamin ama aan laga tagin qiimaha iyo muhimada ay nabadu u leedahay nolosheena iyo horumarka aan higsanayno.

Ugu dambeyn waxa aanu Ilaahay ka baryaynaa inuu xaqa iyo wanaaga ina garansiiyo isla markaana inaga ilaaliyo dariiqa khaldan iyo ka ay mareen inta dulmiga wadaa. Waxa aanu idinku garab taaganahay NABAD. Waxa aanu ka soo horjeednaa Colaad. Waxa aanu idiinku baaqaynaa is-afgarad. Waxa aanu ka soo horjeednaa is-khilaaf ku salaysan macno darro. Noqda kuwii nabad iyo wanaag ogolaada. Noqda kuwii diida dagaal iyo dulmi.

Ilaahay xaqa ha ina wada garansiiyo (Aamiin).

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga ama maamulka SSE

No comments: