Sunday, February 25, 2007

Xarunta Komishanka Oo La Geeyey Ciidan Cusub Oo Boolis Ah Oo Ka Amarqaadanaya Agaasimaha Maamulka

Hargeysa (Somaliland.org) – Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta la geeyey ciidan cusub oo boolis ah, kuwaas oo lagu beddelay askartii booliska ahayd ee hore halkaas u joogtey. Waxaana la sheegay in ciidankaas amar lagu siiyey in ay ka amarqaataan Agaasimaha Maamulka.
Warkani waxa uu soo baxay kadib mar maanta barqadii uu xarunta Komishanka tegey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubad, halkaas oo la sheegay inuu kulan kula yeeshay agaasimaha maamulka.
Wax war ah oo rasmi ah lagama helin kulanka Taliyaha iyo Agaasimaha Komishanka, balse waxa la ogaadey in taliyuhu beddelay dhammaan askartii ilaalada ahayd ee joogtey xarunta, askar cusubna uu keenay. Waxa kale oo la sheegay in askarta cusub la faray in aanay albaabka ka siideyn cid aanu amrin inay soo daayaan Agaasimaha Maamulka, taas oo loo fahmey in loola jeedo xubnaha Komishankii hore.

Madaxweyne Riyaale ayaa dhowaan warqad uu u kala diray xubnaha Komishanka waxa uu ku wargeliyey in shaqadii ka dhammaatay, xilkana ay ku wareejiyaan Agaasimaha Maamulka.

Hase yeeshee, Xubnaha Komishanka ayaa qoraal Jawaabcelin ah oo ay Madaxweynaha u direen waxay ku tilmaameen mid aan milgahooda ama munaasib ku ahayn inay xilka ku wareejiyaan Agaasimaha, iyaga oo sheegay in go’aankii Golaha Wakiillada ee mudda loogu kordhiyey aanu jirin go’aan kale oo buriyey, sidaas Warar aan sugnayn oo caawa soo baxay ayaa sheegaya in ciidamo kale oo koofiyad cas ah la geeyey xarunta Komishanka.

Komishanka Doorashooyinka oo wakhtigiisa xilku dhammaaday 21kii January, ayaa Golaha Wakiilladu u cusboonaysiiyey laba sannadood oo kale.

Warar kale oo caawa soo baxay ayaa sheegaya in Madaxweyne Riyaale Golaha Wakiillada u qoray warqad uu kaga jawaabayo Mooshinkii Goluhu ku ansixiyey muddo kordhinta Komishanka.

C/risaaq M. Dubbad,

Hargeysa.

No comments: