Tuesday, February 13, 2007

Baarlamaanka Somaliland Oo Ganafka Ku Dhuftay Gudigii Doorashada Ee Madaxweyne Riyaale U Gudbiyay

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, guddoomiyaha Golaha Wakiilladu, ayaa waxa uu caddeeyey in diidmadooda lixdaasi xubnood ay ku saleeyeen in aanay isu-dheellitirkii gobollada Somaliland ka muuqanin.

Waxaa ka maqan xubnaha qaarkood, haweenkii oo laga reebay magacaabistaasi in ay ku jiraan iyo waayaragnimadii looga baahnaa xubinta ka mid noqonaysa Guddiga sare ee doorashooyinka, iyo waayo-arganimada loo baahnaan.

Golaha Somaliland waxa kaloo ay cod aqlabiyad ah ku diideen oo ay dib u celiyeen xisaab-xirkii dowladda ee sannadkii 2005-tii, oo uu soo hordhigay golahaasi si ay u ansixiyaan hanti-dhowraha guud ee dowladda.

Golaha wakiilladu waxay sheegeen in xisaab-xirkaasi uu ka muuqdo khaladaad badan, sidaasi darteedna hanti-dhowraha guud la siiyey muddo labo bilood ah si u soo saxo khaladaadkaasi.

Xigasho:Somaliland.Org

No comments: