Saturday, February 10, 2007

Daarood waa Zubaydiyiin - Yemen ka soo cararay

Cabdillaahi Yuusuf -Yey “Ma ogtahay in awoowgey la yiraahdo C/raxmaan Ismaaciil C/samad Al-jabarti, waxay-na awooweyaashey ka soo haajireen dalka Yeman”(Wareysi dheer oo xiiso leh).

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu asalkiisu yahay Yemani ka soo jeeda magaalada Zubeyd, Beesha Jabarti, wuxuuna wareysi dheer oo arrintan uu ku faahfaahinayo iyo xaaladda Soomaaliya siiyay weriye Wakaalada wararka ee dalka Yeman SABA oo u soo martisay.

“Ma ogtahay in awoowgey la yiraahdo C/raxmaan Ismaaciil C/samad Aljabarti, waxay awooweyaashey kasoo haajireen dalka Yeman iyagoo khilaaf Yeman ka dhacay ay uga soo carareen, sidaas ayaa naaneys looga dhigay beesheyda (Daarood), waana beesha uu ka soo jeeday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, waana Beesha ugu badan Soomaalida” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Wuxuu sharaxay beelaha kale ee Soomaalida isagoo yiri: “Waxaa kaloo Soomaaliya ku nool Beelaha Hawiye ee ay kasoo jeedaan madaxweynihii hore ee Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad Xasan, waxaa kaloo Beesha Hawiye aha inta badan qabqableyaasha dagaalka iyo madaxdii Maxkamadaha”.

Wuxuu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu warrmay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho (Villa Somalia) wakaalada wararka ee dalka Yeman SABA wuxuuna weriyaha wareysiga ka qaaday inuu sheegay inuu kula hadlay hadal degan oo kalsooni ay ka muuqatay isagoo weliba ku sugnaa caasimadda Muqdisho oo aanay imaan ilaa markii la doortay sanadkii 2004-ta, waxayna u muuqataa in maxkamadihii islaamiga ay howl weyn u qabteen markiii ay ka nadiifiyeen caasimadda qabqableyaashii dagaalka.

C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa Warbaabinta dalka Yeman iyo kuwa Carabta inay joogaan Muqdisho iyo Soomaaliya oo iyagu xaaladda Soomaaliya tebiyaan halkii ay ka qaadan lahaayeen wakaalada reer Galbeedka.

Guji halkan si aad u sii akhridid



No comments: