Sunday, February 25, 2007

Jawaab Celin Yooyootanka Maqaalka: “Muuqaalka Dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye, Qaybtii 1’aad”

Maqalkan yooyootanka ah ee micne darrada ah ee noociisa oo kale ay waa hore Reer Somaliland ka koreen iyo huuhaada ku ladhan ee aan manta loo fadhiyin cinwaankiisuna yahay, “Muqaalka Dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye, Qaybtii 1’aad” kaasoo uu soo malmaluuqay Md. Abdi M. Suleiman (Mingiste) kuna soo baxay shabakadda www.qarannews.com kana akhrisan karto www.qarannews.com/show/12732.html taariikhdiisuna tahay February 19, 2007 ee inta qof ee akhrisatay wakhtigan xaadirka ah ee aan jawaab celintiisa ku guda jiro ay dhan yihiin 522 qof sida ku cad diiwaangelinta akhristayaasha qoraalada shabakaddas, ayaan halkan ku yara kala qaad qaadaya si loo fahmo ujeedada mugdiga ah ee laga leeyahay.

Marka hore, qorahu, waxaad mooda inuu jecelyahay doodaha iyo yooyootanka raqiiska ah sida badanaa ku cad qoraaladiisa waxaanu badanaa wax ku soo qoraa shabakadda www.qarannews.com taasoo caadeysatay soo dhejinta maqaalada naxliga iyo midnimo dhantaalka huwan huwan ee raqiiska ah, yooyootanka maalaayacniga ah, hoosaasiinta xabaarsan, iyo majaro habaabinta shacbigeena samirka badan ee dulman ku saabsan aad u tixgelisa maqaalada xalaasha ahna ee xambaarsan wadaniyada, midnimada, danta Guud, waanada, canaanta kulul, cambaareynta adag, musuqmaasuqa dhinac walba saameeyey, sharci darrada, horumar la’aanta, kelitalisnimada, ku cariisga, ku jiq siinta, iyo caga jugleynta la caadeystay ee guud ahaan lagu hayo qadyadeena iyo jiritaanka Somaliland ee loo soo jeediyo Xukumadda Riyaale ama Cawil iyo xulafadooda si hagar la’aan ah oo joogto ah u cabudhisa inkastoo ay judhiiba soo dhejiso qoraalada ku wajahan cadowga qaar gaar ahaan Majeerteniya iyo wixii ku saabsan Dagaal Ooge Cabdillaahi Yusuf.
Horta, qof kasta xaq ayuu u leeyahay inuu doorto ama la macaamilo shabakada uu doono ee tixgelinaysa qoraaladiisa inkastoo aan anigu qoraaladayda ay qaarna xiiseeyaan qaarna neceb yihiin u kala qaybiyo shabakadaha iyo jariidaha Somaliland ee caanka ah ee dheereeya kuwaasoo ay isugu jiraan qaar cabudhiya qoraaladeyda aan cadowga, nacabkeena, iyo dabadhilifkeena ku tooganayo iyo qaar fahamsan halka aan ka halgamayo oo si weyn u tixgeliya qadyadeena, geedi socodkeena, iyo halka aanu hiigsaneyno markiiba soo dhejiya sidaasna ugu faa’ideeya akhristayaashooda.

Xitaa mararka qaar, waxaan qoraaladeyda u gudbiyaa shabakadaha Somalia sida www.somaliweyn.com iyo qaar kale si arrimaha ina dhex yaal aan dhinaceena wax uga tuso kuwaasoo iyana marmarka qaarkood soo dhejiya badanaana cabudhiya qoraaladeyda; taasina dhib ma aha maadaama maamulayaasha shabakadahaasi iyo cida ku xeeran ay akhristaan qoraalada loo soo diro ama la dareensiiyey siyaasadda iyo fikradaha dhinaca kale laga qabo taasoo dareen kale ku abuuri karta ama caqli celin u noqon karta ama aakhirkii wax ka bedeli karta mooqifyadooda iyo waxyaabaha raqiiska ah ee ay aaminsan yihiin ee ay dhinac uula yuuruuraan ee Aadnimada, Xadaaradda, Dhaqanka, Diinta, Runta, Xaqa, Cadaaladda, Dantooda Guud. Maslaxadooda, iyo guud ahaan Horumarkooda ka indhasaabay ee ay la bayhoofayaan haatana uu cadow shisheeye kor ka qabsaday lana damacsan yahay in dib loo guumeysto taasoo iska xoreynteedu uu dhiig badan ku daadan doono.

Marka xigta, qorahu, cinwaan indhaha soo jiidanaya oo balaadhan (broad topic) oo aanu ka dabaalan karin oo aad u malayn karto inuu ku qotomiyey daraasad dheer iyo cilmi baadhis culus, ayuu qoraalkiisa ku socodsiiyey taasoo keentay in markiiba ay 522 qof oo aan ku jiro akhristaan qaar kalena aan filaayo inay akhrisan doonaan; taasina (cinwaanka) dhib maleh oo waa xarfad qoraa kasta isticmaalo kana dhabeeyo ujeedada uu u doortay, hase yeeshe, waxaanu qoraaga halkan uga fadhina daraasaddaas qotada dheer iyo cilmi baadhistaas culus ee uu ina tuhunsiiyey ee uu ku sameeyey waxa uu ku sheegay, “Muqaalka Dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye” ee uu ku andacoonayo inuu si hagar la’aan ah oo hufan inoogu soo bandhigo.

Intaas waxa ii dheer, micnaha ay leedahay kelmadda “Muuqaal” ama “Muuqaalka” Af Soomaali ahaan iyo waxa uu qorahu uu uula jeedo taasoo isticmaalkeedu aan u maleynaayo inaaney ku habooneyn ama ka muuqan ama ka turjumayn waxyaabaha uu ku soo bandhigay qaybta koowaad ee qoraalkiisan.

Haddii, aniga la ii weydiiyo, maxaad ku micneyn karta ama waa maxay “Muuqaalka Dhabta ah ee Xisbiga KULMIYE”, waxaan kaga jawaabi karaa xaqiiqadan cidina iska indho tiri karin lana asaraari karin ee hoos ku xusan:

In Xisbiga KULMIYE uu yahay xisbigii ugu dambeeyey ee la diiwan geliyo.
In Xisbiga KULMIYE uu yahay Xisbi Qaran.
In Xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi si hagar la’aan ah loogu ogol yahay inuu ka mid noqdo muwaadin kasta oo rag iyo dumar ah oo daacadnimo, cilmi, iyo aqoon leh oo bulshada ka kasban kara taageero shaqsiyan iyo xisbi ahaan guul soo hoyn kara kuna adag qadyada iyo jiritaanka Somaliland si habsami la’aan ahna u hogaansama Siyaasadda, Mabaadiida, Barnaamijka, iyo Shuruucda xisbiga daacadna ah oo sharaftiisa, sharafta kuwa kula jira xisbiga, sharafta xisbiga, iyo guud ahaan haybada, karaamada, iyo qarannimada Somaliland dhowraya diyaarna ah fulinta Midnimada iyo Horumarinta Somaliland.
In Xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi tayo leh oo u taagan Midnimada iyo Horumarinta Somaliland.

In Xisbiga KULMIYE uu u badan yahay siyaasiin tayo leh oo cid walba leh oo wada ruug cadaa ah iyo mas’uuliin sharaf, haybad, aqoon, iyo khibrad lehi oo u badan aqoonyahano.

In Xisbiga KULMIYE ay ku jiraan mas’uuliin ka kooban dhamaan beelaha iyo lixda (6) gobol ee dalka oo shaqsiyan caanna ah, wadaniyiin ah, daacad ah, xoreynta shacbigan iyo dalkana u soo halgamay soona hooyey guul taariikhi ah oo Halyey ah lana soo tijaabiyey lafahooda cadcadna la garanayo mustaqbalkana sidoo kale inay guul weyn inoo soo hoyn karaan kana qaadi doonaan dulmigan iyo bahdilaadan inagu wada haabsaday.

In Xisbiga KULMIYE uu taageero balaadhan ku leeyahay dhamaan lixda (6) gobol ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo muwaadiniinta Qurba Jooga ah.
In Xisbiga KULMIYE uu yahay xisbiga ugu balaadhan ee Mucaaradka Jamhuuriyad Somaliland (Official Official Opposition party of the Republic of Somaliland).

In Xisbiga KULMIYE uu doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii 2003 uu Xisbiga UDUB ee talada haya uu kaga badiyey afarta (4) gobol ee ugu weyn dalka (Sanaag, Sool, Togdheer, iyo Maroodi Jeex.

In Xisbiga KULMIYE ay sideetan (80) foot oo qudha oo xaaraan ah uu Xisbiga UDUB kaga badiyey sidaasna talada dalka ku haysto inkastoo waxyaabadan oo kalena xiligaas la is dhaaf dhaafiyey sida sanduuqi footka ee degmada Bali Calanle ee cid waliba sida cadaanka u aragtay ee ka buuxay codadkii muwaadiniinta taageersanaa Xisbiga KULMIYE aan ilaa iyo maanta la xisaabin ama si sharci ah looga takhaluusin (cancelled) kaasoo Maxkamadda Sarre ee loo gudbiyey xiligaas aaney ilaa iyo haatan sababeyn ka bixin xaaladdiisa!!

In Xisbiga KULMIYE uu taageeradiisu maalinba maalinta ka dambeysa uu sii kordhaayo oo marka la isu barbar dhigo kuraastii Baarlamaankii hore ee Qaab Beeleedka uu ku lahaa iyo kuraasta uga soo korodhay doorashadii dhoweyd ee Wakiilada ee sannadka 2005 ee uu haatan ku haysto Golaha Wakiilada Somaliland.

In Xisbiga KULMIYE uu diyaar u yahay inuu doorkan si cad uga oo weyn uu uga guuleysto Xisbiga UDUB ee talada haya ee la isla wada arkay ee ra’yiga ka aradan, indhaha iyo dhegahana la’, Kelitalisnimada la soo baxay, dulmiga shacbiga caadeystay, xoriyatal qawlkii iyo dhamaan xuquuqal insaankii muwaadiniinta ku tuntay, geedi socodkeeni wiiqday, yuhuunteeni waxyeeleeyey, aayaheeni meel guracan ku wada, dimoqraadiyaddii curdan dhadhin raba, shuruucdii dalka u tiilay si cadaan ah ugu tuntay, ku hawlan afduubka iyo burburinta madaxbanaanidii Qaybta Garsoorka iyo Golaha Gurtida, Golaha Wakiilada weerarka qaawan iyo wadashaqeyn la’aanta ee aan munaasabka ahay ku haya, musuqmaasuqu hadheeyey, dhaqaalihii dalka wiiqay, Sanaag Bari iyo Sool Bari dayacay aakhirkiina cadowga tamar yar gacanta u geshay, ciidankii qaranka hawshooda ka hortaagan kuna jacdidinaya jiidaha hore ee Bari, cadowgeena gudaha iyo debedana inoo nugliyey, Beeleysiga iyo qabyaalada ku adeegta, Madax Dhaqaameedyadii bir ma geydada ahaa sharaftooda iyo milgahooda ku tumanaya iskana xidhxidhaya, Mujaahidiinta tabaaleysan laga cunaqabteeyey midhihii halganka iyo xoreynta ummadan iyo dalkanna iska xidh xidhaysa kibir awgeed, haatana ku hawlan sidii dagaal sokeeye dalka looga ridi lahaa sida midi la soo maleegay ee ka dhacday Hargeisa (Dumbuluq), tii dhowaan ka dhacday Bariga Berbera, Yeyle, ta haatan ka aloosan Daroor ee lagu hoobtay, iwm), iyo guud ahaan sida ay uu ugu fashilmay siyaasadda gudaha dalka iyo debeda iyo kalsooni la’aanta ka soo wajahday guud ahaan shacbiga Somaliland ee ku baraarugay danahiisa fog ee mugdigu ku jiro una diyaar ah inay iska qabtaan badana cabsiiyaan.
In Xisbiga KULMIYE uu kalsooni uu kasbaday kalsooni shacbiga Somaliland kalsooni weyna ka qabo inuu ku guuleysan doono Doorashada Golaha Gurtida ee xiligii loo igmaday uu dhamaaday ee haatana sharci darrada ku jooga.
In Xisbiga KULMIYE uu u heelan yahay inuu doorkan door weyn oo wax ku ool ah uu ka ciyaaro doorashada Golaha Degaanka ee fooda inagu soo haysa.
In Xisbiga KULMIYE uu u heelan yahay inuu doorkan ku guuleysto Doorashooyinka Golaha Degaanka.

In Xisbiga KULMIYE u heelan yahay inuu doorkan ku guuleysto doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa.

In Xisbiga KULMIYE aqoonteeda leeyahay una bisil yahay hanashada xukunka dalka Somaliland.

Sidaas daraadeed, anigu intaas iyo in ka badan oo aan halkan lagu soo koobi karin, ayaan u arkaa “Muqaalka Dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye” waxaanan fasiraada kelmadan “Muuqaalka” ahi iyo isticmaalkeeda kala duwan u dhaafayaa akhristayaasha ama ashqaasha ku xeel dheer Af Soomaaliga iyo naxwahiisa iyo suugaanyahanka Soomaaliyeed ee iga aqoonta roon.
Hadaba, haddii aan u soo dhaadhaco faaqidaada caloosha maqaalkan “daraasadda iyo cilmi baadhista” xambaarsan, ugu horeyn, qorahu afeef ayuu iska sii horeysiiyey sida hoos ku cad:

“(F.G. Waxaan la socodsiinaya dhamaan akhristayaasha sharafta leh, marka aan ka hadlaayo Kulmiye, in aanan u jeedin cid gaar ah, laakiin waxa aan ka hadlaya Xisbiga Kulmiye).”

Waxa hore loo yidhi: Timir laf baa ku jirta. Bal maxaa keenay inuu qorahu ka afeef dhigto inaanu cid gaar ah u jeedin maadaama cinwaanka maqaalkiisu ay si cad u muujinayso inu ka hadlaayo xisbi ama waxa uu ku sheegay: “Muqaalka Dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye, Qaybtii 1’aad”!!
Hadaba, su’aalaha afeeftaas ka soo dhex bixi kara, waxa weeye kuwan hoos ku xusan ee bal raamsada oo dhuuxa:

Qorahu, marka uu leeyahay “…in aanan u jeedin cid gaar ah…”, ma waxa uu ka cabsi qabaa in loo fahmo inuu u jeedo Md. Ahmed Silanyo, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye?

Qorahu, ma beel ahaantiisa sharafta leh ayuu ka cabsi qabaa in loo maleeyo inuu u jeedo beesha uu ka soo jeedo Md. Ahmed Silanyo?
Qorahu, ma wuxuu ka mid yahay kuwa khaldan ee Xisbiga KULMIYE ka uriya beel ahaanta Md. Ahmed Silanyo ama Md. Maxamed Kaahin inkastoo beel ahaan iyo inta xilka sare ka haysa xisbiga looga badan yahay sida ku cad Gudiga Fulinta iyo Gudiyada kale ee Xisbiga?

Qorahu, ma wuxu ka mid yahay kuwa laga dhaadhiciyey ama kuwa aaminsan ama kuwa hore iskudeyey haatana ku hawlan inay sida foosha xun ee nacabnimadu ku jirto ay Xisbiga KULMIYE ku shaabadeeyaan inuu yahay xisbi ku abtirsada ama Reer Bari ah oo Beesha Bariga Burco ah?

Qorahu, maadaama uu u xagleeyo ama taageero ama ka mid yahay xubnaha Xisbiga UDUB ee Qurba Jooga, ma waxa uu ka xun yahay daciifida lixaadka leh, fashilaada baaxada weyn, iyo burburka uu qarka u saraan yahay xisbigiisa manta halkaa ina dhigay oo ma wuxu ka xun yahay ama ximinaya ama xaasidaya Xisbiga KULMIYE ee aan beel u taagneyn ee u taagan Midnimada iyo Horumarinta Somaliland ee tan iyo aasaaskiisi ilaa iyo manta tageerada weyn ku leh dhamaan lixda (6) gobol ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo muwaadiniinta Qurba Jooga?

Qorahu, muxuu uu burush wasakh ah uu marmarinaya Xisbiga KULMIYE iyo Dastuurkiisa?

Qorahu, maxaa ku kelifay inuu yooyootan ina soo dhex dhigo xiligan welwelka badan iyo ciilka weyn lehi ee uu dhiiga walaalaheenu uu sida macno darada ah ku daadanayo Daroor iyo nawaaxigeeda dhowaana uu dhiigeenu ku daatay Berbera iyo Yeyle ee guud ahaan shacbigeeni iyo dalkeeniba ay soo wajahday marxalad adag oo khataraheda lehi kana aloosan mandaqadan Geeska Afrika?
Qorahu, ma Riyaale, Cawil, iyo UDUB baa soo dirtay oo kula talisay inuu yooyootankan ina soo dhex dhigo maadama Miisaaniyaddii 2007 shalay loo soo gudbiyey Golaha Wakiilada si shacbiga looga jeediyo arrinta meesha taala foolxumooyinka ku soo bixi doona?

Qorahu, muxuu inoogu soo tuuraya maxaana ku kelifay inuu xiligan inagu bilaabo yooyootan hor leh oo aan loo fadhiyin ee micno darrada, maalaa awalka , iyo huuhaada ah? Maxaa karka ka keenay? Maxaa dheriga karka ka keenay? Maxaa daaray mudanaha? Mey ki daare mudane? Mey ki weere mudane adi lee ka koy?

La soco qaybta labaad ee aan wadnaha maqaalkan ku qali doono…..

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

(farah.jama@alumni.uottawa.ca).

No comments: