Sida aydun ula socotaan, waxaan qaybii koowaad ee maqaalkan idiin soo gudbiyey waxyaabo ku saabsan qoraha maqaalka aanu ka hadleyno dabeecad ahaan kaasoo igu muuqda nin jecel doodaha, muranka, iyo yooyootanka ho-erena aan u arkay maqaalo uu qoray oo ku soo baxay shabakadda www.qarannews.com iyo muwadiniin farabadan oo ka daba qaatay oo ku hadaaqaya: Mingistow, walba sidaa iyo sidaa…Waar Mingistoow…Mingistow!
Waxa kale oo aan ka hadlay in maqaalada qorahu ay badanaa ku baxaan shabakadda www.qarannews.com oo uu macaamil hoose la leeyahay iyo sida ay shabakaddaasi u daneyso maqaalada naxliga iyo yooyootanka macno darrada xambaarsam ee loogu talo galay in lagu jahawareeriyo laguna hoosaasiiyo shacbigeenan samirka badan ee tabaaleysan ee dulman.
Intaas waxa ii dheeraa, cinwaankii xambaarsanaa mowduucii balaadhnaa (broad topic) ee uu qorahu doortay iyo waxyaabihii uu qorahu inagu tuhunsiiyey iney ka mid yihiin daraasad qoto dheer iyo cilmi baadhis uu ku sameeyey waxa uu ku sheegay “Muuqaalka dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye, Qaybtii 1’aad”, iyo isticmaalka kelmada “Muuqaal” ama “Muuqaalka”, sharaxaadii koobnayd ee aan ka bixiyey ee la xidhiidhay, waxa aan anigu u arko “Muuqaalka” Xisbiga KULMIYE, iyo su’aalihii ka dhashay afeeftii uu qorahu iska soo horeysiiyey taasoo qiiq isku qaris ahayd.
Sidaas daraadeed, waxan qaybantan labaad ee maqaalkan, ku qali doonaa wadnaha maqaalkii qaraha waana sida hoos ku cad:
Qorahu, isagoo iska dhigaya khabiir weyn si cadna u xaqiraya guud ahaan garaadka shacbigan geesiga ah ee Reer Somaliland, ayaa wuxuu ku andacooday in:
“Inta badan dadka reer Somaliland may fahmin muuqaalka dhabta ah ee saddexda xisbi ee maanta ka jira Somaliland waa UDUB-Kulmiye iyo UCID, haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa maqaalo taxane ah, kuwaas aan is leeyahay waxay sawir guud indiinka siin doonaan qaabka iyo ujeedoonka saddexda xisbi Qaran ee dadka reer Somaliland ay leeyihiin.”
Taas waxaan ka leeyahay: KHABIIROW, WAA KHALAD…WAA KHALAD! iyo MAANDHOW, MA DURBA! (Weedhahan gaaban ee aan yara bedelay, waxa aan ku keeney, qiso gaaban oo magaalada Galkacyo ka dhacday xiligii dagaalada sokeeye ee 1990s-kii ee hoos kala soco).
Sidoo kale, waxa kor ku cad in qorahu uu judhiiba:
Meel ka dhac iyo gef weyn u geystay garaadka Reer Somaliland.
Khalad ku sameeyey magaca Xisbiga UDUB.
Khalad ku sameeyey magaca Xisbiga KULMIYE, iyo
Sawir xun ka bixiyey, waxa uu ku andacoonayo ee uu ku sheegay: “Inta badan dadka reer Somaliland may fahmin muuqaalka dhabta ah ee saddexda xisbi ee maanta ka jira Somaliland…” taasoo keenaysa in laga shakiyo qoraalada taxana ah ee uu sheegay inuu inoo soo wado!!
Run ahaantii, saddexda xisbi ee ka jira Somaliland, waxa ay kala yihiin: Xisbiga UDUB, Xisbiga KULMIYE, iyo Xisbiga UCID.
Magaca rasmiga ah oo la soo gaabshay ee Xisbiga UDUB, waa UDUB ee ma’aha UDUB-Kulmiye sida kor ku cad taasoo muujinaysa hal xisbi oo ka kooban laba xisbi oo bahoobay (Coalition parties); Magaca rasmiga ah ee Xisbiga KULMIYE, waa KULMIYE ee ma’aha UDUB-Kulmiye taasoo iyana muujinaysa hal xisbi oo ka kooban laba xisbi oo bahoobay. Dhinaca kale, magaca Xisbiga KULMIYE, waa KULMIYE ee ma’aha “Kulmiye” taasoo noqonaysa kelmad caadi ah oo Soomaali ah sida ku cad Dastuurka Xisbiga ee cadeynaya magaca saxda ah ee xisbiga, waxaad ka heli karta mareegtan:
(www.kulmiye.com/manifesto/dastuur.asp); Sidoo kale, magaca Xisbiga UDUB lagama dhigi karo “udub” taasoo iyana noqonaysa kelmed caadi ah oo Soomaali ah.
Sidaas daraadeed, qorahu, waa in uu isagu horta kala fahmaa magacyada saddexda xisbi ee ka jira Somaliland waana inuu saaxadda maskaxeed ee shacbigana uu ka dhowraa yooyootan macno daro ah oo an maanta loo fadhiyin; waana in uu qorahu, fahmaa in Reer Somaliland ay xadaaradoodu, garaadkood, iyo aqoontoodu ay aad u sareeyso oo ay si cad oo aan muran ku jirin u kala yaqaaniin Mgacyada, Dastuurka, Manifeestada, iyo Mas’uuliinta xisbiyada, iyo wacyiga jira iyo marxalda adag ee ka aloosan mandaqada Geeska Afrika ama caalamkaba.
Hadaba, maadama uu qorahu durbadiiba khaladaad waaweyn uu sameeyey intaan xitaa loo dhaadhicin qormadiisa gaaban ee halka bog ah, ayaa waxaan soo xasuustay wedha: MAANDHOW, MA DURBA! ee aan hore kor idiinku muujiyey waana tan qisadii la xidhiidhay:
Sida aad ula socotaan magaalada Galkacyo, waa magaalo kala qaybsan oo laamiga dhex mara uu kala qaybsho waxaana dhinac ka degan Beesha Cumar Maxamuud (Majeerteen) dhinaca kalena, waxaa ka dega Besha Sacad (Habar Gidir). Sannadihii sagaashannadiina (1990s-kii), labadan beelood colaad xun oo sokeeye, ayaa ka dhex taagneyd waxaana xiligaas aad u hubeysnaa beesha Sacad culeys weyna ku haysay beesha kale.
Mar ay Besha Sacad weerar xoogan ku soo qaaday Besha Cumar Maxamuud oo iyagu ay is dagaal yaqaaniin beesha kale, ayaa waxay ka fursan weyday inay qaylo dhan u dirsadaan dhamaan walaalahooda Majeerteen kuwaasoo si deg deg ah ugu soo gurmaday si ay cadowga uga dhiciyaan magaaladuna aaney u dhaxal wareegin.
Ciidan beeleed ka yimi ilaa iyo Bariga shishe sida Qardho, Bosaso, Ceelaanyo, Raas Xafuun, iwm oo aan iyagu is dagaal aqoon Habar Gidir maadaama aaney isku degaan ahayn, ayaa gurmad ahaan soo gaadhay magaalada Galkacyo. Hase yeeshee, halkii ay magaalada duleedkeeda baabuurtii kaga degi lahaayeen lugna ku soo geli lahaayen barta cidan beeleedkooda kale uu dhufeyska kaga jiro, ayaa waxay daf soo yidhaahdeen badhtamaha magaalada Galkacyo iyagoo isfatooxinaya doonayana in cid waliba ay arkaan inay u soo gurmadeen walaalahooda Reer Galkacyo ee waqooyiga Mudug.
Intaaney baabuurkii ka deginba, ayaa xabad lagaga soo riday guryaha magaalada mid ka mida ee dhinaca Habar Gidir taasoo nin ka mida ciidaan beeleedkii soo gurmaday dhafoorka kaga dhacday markiibana dhulka ayuu ku dhacay naftiina wey ka baxday. Qaar ka mid ah kuwii baabuurka saarnaa, ayaa ninkii sagxada baabuurka kor uga soo qaadey oo is yidhi bal dhaawaciisa dhaya, saa waaba mayd. Mid baa markaa kor u dhawaaqay oo yidhi:
MAANDHOW, WAA DHINTAY…WAA DHINTAY!! Mid kale aad ula yaabay sida fudud ee il bidhiqsiga ah ee uu ninkaasi ku dhintay, ayaa isna markiiba cod dheer ku dhawaaqay: MAANDHOW, MA DURBA? Markaasey iyagoo wada argagaxsan baabuurkii ka daateen oo qaarna baabuurka hoostiisa naf ka dayeen qaarna cagaha wax ka deyeen si ay isu badbaadiyaan.
Sidoo kale, judhiiba qorahu wuu khaldamay oo waxuu galay khalaadaadka waa weyn kuwaasoo uu xitaa magacyadii xisbiyada ka galay, waxaan sidoo kale ku leeyahay: MAANDHOW, MA DURBA!
Qorahu, isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu sii dhex galay bad kale oo aanu ka dabaalan karin sida hoos ku cad:
“Magaca xisbigu waa “KULMIYE” ma jirto cid fahmi karta sababta xisbiga loogu bixiyey “KULMIYE”, mana jirto cid fahmi karta macnaha dhabta ah ee ka dambeeya in xisbiga loo bixiyo magaca Kulmiye.”
Qorahu, marka hore, waxa uu u badheedhay inuu si aan munaasab ahayn u aflagaadeeyo Xisbiga KULMIYE maadaama uu ku haysto magacooda. Marka xigta, waxa uu si cad u dadafeynaya magaca xisbiga iyo sababta loogu bixiyey iyo macnaha uu xambaarsan yahay kaasoo aan la asaraari karin. Taasi, waxay cadeynaysaa shaki abuurka iyo been abuurka uu ku qotomin rabo yooyootankiisa maalaayacniga ah iyo waxa uu ku andacoonayo ee uu ku sheegay, “Muuqaalka dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye…”
Dhinaca kale, mar magacii xisbiga ee rasmiga ahaa ee “KULMIYE” ayuu isticmaaley sida ku cad Dastuurka Xisbiga, marna magacii xisbiga ayuu mar kale khalday oo waxa uu ku sheegay “Kulmiye”
Horta, arrin diciifnimo ah weeye inaad ummad, qabiil, urur, qof, meherad, degaan, dal, iwm aad ku qabsato magacooda ama aad isku hawliso inaad qod qodo halka uu magacoodu ka soo jeedo iyo micnaha uu xambaarsan yahay adigoo xumaan ula jeeda. Taasi, waxay ina xasuusinaysa sida aanu uga xumaano kuwa dacalada ina haysta ee inaga hadhi la’ ee hadh iyo habeen yooyootanka iyo af xumada inagu haya ee xaasidnimo iyo nacabnimo awgeed inagu haysta magaca dalkeena hooyo ee Somaliland ee ilaa sannadkii 1884 ilaa maanta la inoo yaqaan kuwaasoo inoo quudhi la’ magiac yar ee weliba inagu sheega “Maamulka isku magacaabay Somaliland”, iwm.
Su’aalaha meesha yaalana, waxa weeye: Bal, qorahu, maxaa ka galay ama uga shan iyo toban ah magaca Xisbiga KULMIYE halkuu ka soo jeedo iyo micnaha uu xambaarsan yahay ee cid waliba garayso? Miyaaney taasi gar darro cadaan ah ahayn? Miyaan aflagaadado ahay” Miyaan dacwad (libel suit) lagu soo taagi karin gudaha dalka iyo debediisaba? Khabiirku, isagoo weliba isla quman oo is faaninaya, ayaa wuxuu ku andacooday waxyaaban hoos ku cad:
“Hadaba baadhis dheer ka dib ayaa waxaan ku ogaaday amase aan si fiican u fahmay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran iyo weliba qaar kale oo farabadan oo aad ka heli doonto maqaalada dambe:”
Sida aydun ula socotaan, qorahu, waxa uu isticmaalay kelmado cul culus sida “baadhis dheer” (extensive investigation) taasoo ah kelmado madhan oo uu iska yidhi isagoo xariifnimo is bidaya kuwaasoo aan ka muuqan qormadan uu soo malmaluuqay ee micno darrada ahi.
“Ereyga “KULMIYE” wuxuu ka soo jeeda magacyada laga baxo Somaliya, gaar ahaan beelaha dega inta u dhaxaysa Beledweyn iyo Gobolka Shabeelada Hoose.”
Qorahu, isagoo weli Xisbiga KULMIYE magaciisa ku haysta, ayaa waxa uu hada cadeystay inuu magaca xisbiga ula dhaadhaco xagaa iyo Somalia isagoo is leh waad Faqasheyn kartaa is moodsiinayana inu been abuurkiisaas caanteynka ah marsiin karo shabigan feejigan ee geesiga ah ee Reer Somaliland ee xisbigooda lafahiisa cad cad yaqaan.
Qorahu, miyaanu garaneyn in kelmada “Kulmiye” inay ka mid tahay kelmedaha ku jira af Soomaaliga ama afkeena hooyo? Ma Somalia ayaa iska leh kelmadan?
Qorahu, ma ka jawaabi kara beelaha iyo degaanada isticmaala iyo macnaha uu xambaarsan yahay magacan ama naaneystan “Mingiste” ee xabashiga ah ee gacan ku dhiiglahii Ethiopia ee gaalka ahaa loo yiqiin taasoo aanu uba haysan inay meel ka dhac ku tahay Diinta Islaamka ee suuban, gef iyo dembina ku tahay inuu isticmaalo magac gaal isagoo qof Muslim ah?
Qorahu, ma ka jawaabi kara sababta magacyada qaar ee Reer Somaliland asal ahaan ay u leeyihiin sida Kenediid, Saxardiid, Caydiid, iwm loogu bixiyey awowgi Gen. Maxamed Faarax Caydiid oo degaan ahaan ka soo jeeda Koonfurta Mudug?
Qorahu, ma waxa ka maqan aqoonta in magac la wadaagi karo sida Radio Kulmis magacaasoo ka soo farcamay kelmada “Kulmiye” taasoo xiliyadii hore ay jabhadaha SSDF iyo SNM si wadajir ah u isticmaali jireen idaacadaas?
Qorahu, ma la socdaa, in gar iyo gardaroba Reer Somalia ay hada inala wadaagaan magacyo badan sida Madax Dhaqaameed, Suldaan, Guurtida, Golaha Wakiilada, Turxaan Bixin, iwm? Miyaanu qoraal ku arag ama maqal iyadoo la hadal hayo Golaha Wakiilada Puntland halka magacooda asalka ahi uu yahay Baarlamaanka Puntland sida ku qeexan Dastuurkooda? Miyaanu qoraal ku arag ama maqal iyadoo la hadal hayo Guurtida Hawiye?
“Macnaha “KULMIYE:” AfSomali ahaa macnaha ereyga Kulmiye waa “Isu-Keenid” sida Ummad, Qoys, Qaraabo, iwm kuwaas oo ay dhex martay dhibaato, sida dhibaato dagaal amase waxa la odhan kara isu keenida cid kala cadheyd.”
Qorahu, qarda jeex ayuu ku socdaa. Ceesh calaa yooyootan! Tolow, khabiirkan magacyada Soomaaliyeed ku takhasuusay, wax ma nooga sheegi karaa degaanada uu ka soo jeedo magaca BIXI iyo macnaha uu xambaarsan yahay iyo sababta keentay in Col. Ina Bixi ee Mareexaan ee Reer Garba Haarey ah iyo Col. Ina Bixi ee Isaaq ee Reer Hargeisa ah ay isku magac noqdaan?
“Yaa loo bixiyaa Kulmiye:- Kulmiye waxaa loo bixiyaa WIILKA ay iska dhalaan laba beelood oo colaadi ka dhaxaysay, dhalashadiisuna noqoto mid keenta heshiish ka dhex mara labadii beelood waxa kaloo loo bixiyaa Wiilka ay iska dhalaan laba Qoys ama ARDAA oo iyana colaadi ka dhaxaysay, dhalasha wiilkaasi ka dhex abuurto nabad, waxa isagana loo bixiyaa wiilka ay qoys kala cadhaysnaa iska dhalaan, wiilkaasina noqdo mid Qoyska nabad waarta ee soo hooya.”
Bal, maxaa khuraadkaas oo dhan ka khuseeya Xisbiga KULMIYE ee Jamhuuriyada Somaliland? Qorahu, cinwaakiisii uu isla fatooxinayey ee ahaa waxa uu ku sheegay, “Muuqaalka dhabta ah ee Xisbiga Kulmiye…” iyo daraasaddii cilmiyeysneyd ama cilmi baadhistii iyo baadhitaankiisii dheeraa ee uu siro badan iyo waxyaabo kale oo badan ku fahmay, ma dhooqadan uu inoo malmaluuqayo baa? Bal, dadow, sheeko caruureedan daya! Ma sidaas raqiiska ah ayaa FAQASH iyo SOMALIWENYN loogu shaambadeyn karaa Xisbiga KULMIYE? Bal, dadow daya oo daya…daya burushkaas wasakhda ah ee Xisbiga KULMIYE la marmarinayo!
“Astaanta Xisbiga Kulmiye: Waxay ka kooban tahay laba gacmood oo isi salaamaya, waxaana iga yaabisay cida ay yihiin labadaa gacmood ee weliba kala midabka. Ka dib baadhis dheer waxay ii sheegeen xubno ka tirsan hogaanka sare ee Kulmiye, in laba gacmood yihiin Somalia iyo Somaliland, Xisbiga Kulmiyena uu yahay mid ka shaqaynaya sidii laysugu soo dhoweyn lahaa Somalia iyo Somaliland.”
Qorahu, “baadhis dheer” ka dib, waxay daraasadii uu soo sameeyey ay haatan la gashay futo jiir waxaana halkaas ka muuqata guul daro iyo fool xumo baaxad weyn!!
Tolow, qorahu, maxuu ku macneyn doonaa astaanta hay’ada, United States Agency for International Development (USAID) ee ah laba gacmood oo iyana isa salaamaya?
Mareegtan guji si aad u aragtid astaantan: www.usaid.gov/ .
Tolow, qorahu, ma la yaabi doona labadan gacmood ee isa salaamaya ee Astaanta USAID cida ay yihiin? Mise wuxu misna ku andacoon doona in “Ka dib baadhis dheer” ay u “…sheegeen xubno ka tirsan hogaanka sare…” ee USAID, “…in laba gacmood yihiin Somalia iyo…” Mareekanka, USAID-na “…uu yahay mid ka shaqaynaya sidii lasugu soo dhoweyn lahaa Somalia…” iyo Mareekanka?
Hadaba, si uu qorahu uu ula sii yaabo astaamo laba gacmood ama laba guri oo isa salaamaya oo Somalia iyo Somaliweynta madaxiisa ka guuxaysa khuseeya mareegahan hoos ku xusan guji:
www.fotosearch.com/IMZ117/tjo0018
www.biblepicturegallery.com/pictures/symbols/Two%20hands%20shaking%20ca.htm
www.thehindubusinessline.com/ew/2005/02/07/stories/2005020700160400.htm
www.somaliweyn.com/pages/news/Feb_07/19Feb29.html
www.wellho.co.uk/net/images.php4?img=co
Dhinaca kale, tolow, qorahu ma is weydiiyey, sababta ka dambeysa magaca xisbigiisa ee ah, “Ururka Dimoqraadiga Ummadda Bahawday” cida “Bahawday” iyo sababta magaca xisbigan oo la soo gaabshay (UDUB) loogu ekeysiiyey kelmada “udub” ee af Soomaliga ah kaasoo micnaheedu yahay tiir dhexaadka aqal Soomaaliga? Yaa “Bahoobay” ama yaa la “Baheeyey”?
Haddii, aanu u fikirno sida khaldan ee qorahu, miyaan la odhan karin “Ummadda Bahawday”, waa Somaliland iyo Somalia? Ama Somaliweyn?
Dhinaca kale, qorahu, ma is weydiiyey, waxa astaanta Xisbiga UDUB ka dhigay afar gees akhtar ah oo uu dhexda kaga sawiran yahay “udub” cad oo ay xarfaha UDUB ku qoran yahiin? Halkan guji si aad u aragtid astaanta: www.xisbiga-udub.com
Qorahu, ma is weydiiyey, waxa astaanta Xisbiga UCID ka dhigay miisaan iyo wan madax madow? Haddii, la yidhaahdo miisaanku cadaalad ayuu metelayaa maadaama xisbiga magaciisa oo buuxa uu yahay “Ururka Caddaalada Iyo Daryeelka (UCID), muwuu wanka madaxa madow metelayaa?
Khabiirow, bal su’aalahaas oo dhan daraasad iyo baadhis dheer ku soo samee si aanu u fahamno waxyaabo badan iyo siro badan sidaada.
“Hadal iyo dhamaan waxa halkan idiinku soo gudbinayaa Dastuurka Xisbiga Kulmiiye qaybtiisa 1aad, oo an ka soo qaatay Webside-ka Xisbiga Kulmiye, daliil cad u ah arrimaha aan halkan ka hadlaayo.”
Qorahu, isagoo huuhaadiisa sii wata, ayaa wuxu hada sidii duqsi fuud ku dhacay uu talaq yidhi badweynta Dastuur Xisbiga KULMIYE kaasoo gar yaqaan iyo aqoonyahan ruug cadaa ah mooye aaney cid kale ka dabaalan karin.
Bal, aanu eegno sida qorahu uu ugu saleeyo sheeko caruureerdkiisa Dastuurka Xisbiga KULMIYE. La soco qaybta saddexaad ee ugu dambeysa maqaalkan…..
Farah Ali Jama,
Ottawa, Canada.
No comments:
Post a Comment