
Golaha u qaabilsan Arrimaha Dibedda ururkaasi ayaa dowladda KMG ah ugu baaqay inay fuliso dhowr qodob si ay u hesho caaawimaadda dalalka reer Yurub loona maal geliyo ciidamada Afrikanka ah ee dalka la keenayo. Golaha ayaa hore ugu baaqay dowladda KMG ah ee Somalia inay hir geliso wada hadallo sal balaadhan oo ay dhinacyo badan ka qeyb galaan, si loogu guuleysto xasilooni kusoo dabbaalidda dalka Somalia iyo dib u heshiisiinta.
Golaha waxa uu dib u xaqiijiyay sida Ururka Midowga yurub uu u rajeynayo inuu caawiyo dadaalada nabad iyo dib u heshiisiin qaran looga hirgelinayo dalka Somalia.
Waxa kale oo uu golaha bayaankiisa ku yidhi inuu aad u dhararsanayo in la sameeyo jawi baarlamanka Somalia u ogolaanaya inuu shaqadiisa ka bilaabo Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Midowga Yurub waxa uu sheegay inuu dhinaca maaliyadda ka taageeri doono howlgalka AMISOM, mar kasta oo la fuliyo qodabada uu ururka dalbanayo.
No comments:
Post a Comment