Wednesday, February 14, 2007

Cabdullaahi Yuusufow: Bahal Ceyriin ma daayo, Ninna caadadii ma daayo! W. Q. Ingiriis

ILAAHEY marka uu qowm halligayo wuxuu ku sallidaa qabqable dagaal oo jaahil ah, naxariis daran, badow ah oo aan haba yaraatee wax xikmad ah lagu arag xarakaadkiisa. Musiibada lagu salliday Soomaaliya waxaa si sahlan looga dheehan karaa sheegashada madaxtinimo ee Col Cabdullaahi Yuusuf oo ah nin mar kasta si bareer ah ugu dooda inuu yahay kii billaabay basanbaaska, burburka iyo baa ba’a ku dhacay Soomaaliya.

Haddaba intaanan guda-gelin falalka iyo ficillada dagaal-ooge Col Cabdullaahi Yuusuf, waxaan marka hore qooraansaneynaa taariikhdiisa oo kooban: Subax aroor ah sannadkii 1950-kii ayaa Cabdullaahi Yuusuf oo Geel ka waraabinaya tuulo waqooyi kaga beeggan Gaalkacyo oo ay degaan jufadiisu waxaa loo soo qoray Ciidanka Soomaaliya.

Wuxuu markaa ahaa nin dhallinyaro ah oo Geeljire ah, waxaana saddex bilood ciidammada kaga horreeyey Gen Maxamed Faarax Caydiid. Caadada ciidammada waxaa ka mid ah in askariga cusub ee la soo qoro madaxa laga xiiro. Sidaa awgeed, dadka la socda taariikhda ciidanka waxay sheegaan in Caydiid uu ahaa ninkii u madax xiiray Cabdullaahi Yuusuf.

Billowgii sannadihii kontameeyadii wuxuu Cabdullaahi Yuusuf nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo raacii labaad rag loogu qaadayey leyli sarkaalnimo waddanka Talyaaniga. Raggii maalintaas lala qaaday waxaa ka mid ahaa Gen Caydiid, Gen Salaad Gabeyre, Col Ibraahin Rooble Warfaa (Doonyaale), Col Maxamed Nuur (Baarqab), Col Cilmi Nuur Tarabi, Gen Nuur Caddow, Gen Abuukar Suulaleey, Col Abuukar Gacal, Gen Cabdalla Maxamed Faadil, Gen Maxamed Cali Sharmaan iyo Col Cabdiqaadir Dheel. Waxaa raggii maalintaas baxay maanta ka nool Gen Maxamed Cali Samatar iyo Col Xasan Gaamuri oo haatan deggan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Xarumihii uu ka soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Baydhabo iyo Bakool. Dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Ethiopia sannadkii 1964-kii, Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidankii uu watay ma aysan
gelin duullaan ee waxay difaac kaga jireen jiidda Bakool. Markii uu dhashay kacaankii militariga ayaa isaga iyo Caydiid waxaa loo kala magacaabay Qunsulka Soomaaliya ee Tanzania iyo Sudan. Markey diideen ayaa la dhigay xabsiga, waxaana ay soo liqeen lix sano.

Col Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ku jiray saraakiishii gashay dagaalkii 1977-kii, hase ahaatee dagaalka oo aan si dhab ah u soo afjarmin ayuu u fakaday dhinaca Kenya, markii dambena Ethiopia, kaddib markii isaga iyo saraakiil kale oo ay isku reer ahaayeen ay isku dayeen inay xukunka qaab qabiil kula wareegaan.

Isaga iyo rag kale ayaa dalka Ethiopia ka aasaasay jabhad qoys oo markii hore la oran jiray SODAF, markii dambena loo bixiyey SSDF. Jabhaddan ayaa iskeed isaga burburtay markii Cabdullaahi Yuusuf uu jufadii uu ka dhashay u kala qaybiyey laba jilib oo uu hubka isugu dhiibay (Reer Khalaf vs Reer Mahad). Muddadii ay jirtay SSDF uma suuragelin inay hal taako oo ciidda Soomaaliya ah ay soo galaan.

Iyadoo uu jiro tuhun ku saabsan inuu ka dambeeyey dilka rag magac lahaa oo ka mid ahaa mucaaradkii aaday Ethiopia, sida Iikar Xaaji Maxamed Xuseen, Cabdiraxmaan Caydiid iyo Cabdilqaadir Cirrid Yaambo oo seedigii ahaa ayaa Col Cabdullaahi Yuusuf wuxuu heshiis qarsoodi ah oo hoose la saxiixday Maxamed Siyaad Barre. Markii mukhaabaraadka Ethiopia ay jiritaanka heshiiskaas wargeliyeen keligii-taliyihii Ethiopia, Mingiste Xayle Mariam oo taageeri jiray SSDF ayaa jeelka la dhigay Cabdullaahi Yuusuf iyo rag kale oo raacsanaa.

Markii la xiray ayaa xubnihii jabhadda SSDF oo ay ka muuqato diif iyo daal waxay isu soo dhiibeen Maxamed Siyaad Barre, iyagoo ka qoomameynaya aadistii ay aadeen Ethiopia. Ragga soo soo gurya-noqday oo ahaa 90% jabhaddii SSDF, waxaa ku jiray magacyo waaweyn oo sida la sheego raadiyaha kaga hantaatacay “Aabbe Siyaadow i cafi anigoo Sheydaan i duufsaday ayaan mucaarad noqdaye.” Waxaa ragga qaarkiis laga hayaa “U tag tala-xume, ka tag tala-xume, waa tabtaan ahay.”

Ugu yaraan saddex goor ayaa meel aan joogay wuxuu Col Cabdullaahi Yuusuf kaga dooday in sababta loo xiray ay ahayd isagoo ka diiday Ethiopia in calankeeda la suro Goldogob, hase yeeshee waxaa caddaan ah inuu Cabdllaahi Yuusuf aaminsan yahay in Soomaalidu ay isaga ka garasho hooseeyaan. Cabdullaahi Yuusuf, wuxuu is-diidsiinayaa in marka ay Ethiopia qabsatay Balanballe iyo Goldogob ee ay surtay calankeeda ay ahayd 1982, markii isaga la xirayna ay ahayd 1986. Haddaba, maxaa iska quseeya labada dhacdo oo ay u dhexeysay afar sannadood?

Ugu yaraan saddex goor ayaa meel aan joogay wuxuu Col Cabdullaahi Yuusuf kaga dooday in sababta loo xiray ay ahayd isagoo ka diiday Ethiopia in calankeeda la suro Goldogob, hase yeeshee waxaa caddaan ah inuu Cabdllaahi Yuusuf aaminsan yahay in Soomaalidu ay isaga ka garasho hooseeyaan. Cabdullaahi Yuusuf, wuxuu is-diidsiinayaa in marka ay Ethiopia qabsatay Balanballe iyo Goldogob ee ay surtay calankeeda ay ahayd 1982, markii isaga la xirayna ay ahayd 1986. Haddaba, maxaa iska quseeya labada dhacdo oo ay u dhexeysay afar sannadood?

Dhismihii maamulkaas ayuu ku soo baxay doorasho ku-shubasho iyo musuq badan uu hareeyey oo dhacday 1998-kii. Markii uu dhammaaday xilligii maamulkaas oo ku aaddanayd 2001 ayuu diiday inuu aqbalo ninkii isaga beddelay oo ahaa Jaamac Cali Jaamac, waxaana isagoo kaashanaya xoogagga Ethiopia uu ku qasbay Jaamac inuu isaga cararo Waqooyi Bari.

Sannadkii 2002 ayaa warbixin ku saabsan tacaddiyadda Xuquuqda Aadanaha oo ay qortay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxaa hoosta lagaga xarriiqay in ilaalada Col Cabdullaahi Yuusuf ay mas’uul ka ahaayeen dilkii nin suldaan ah oo la oran jiray Axmed Maxamed Hurre oo haystay dhalashada Britain iyo dilal kale oo ka dambeeyey oo laga geystay Bari iyo Baydhabo.

Col Cabdullaahi Yuusuf ayaa wuxuu yahay nin dakano badan oo dadku aysan jecleyn. Wuxuu la mid yahay Dhurwaagii duqoobay ee weydiistay carruurtiisa inay qaadaan oo ay geeyaan meel nabadeed oo uu ku alleysto. Markey meel geeyaanba wuxuu yiraahdaa “halkaan waxaan ku cunay Lax heblaayo.” Meel kale markey u raadiyaan wuxuu ku calaacalaa “halkaanna waxaan habeen ku cunay Rati hebel oo ay habar heblaayo keligii ka lahayd.” Markii dambe ayay carruurtii Dhurwaagu yiraahdeen “hadde Aabbe xaggeen ku dhignaa?” Wuxuu ugu jawaabay “weligiinba kor ii sida.” Haddaba, Col Cabdullaahi Yuusuf wuxuu doonayaa inay weligii kor u sidaan Ethiopia ama ciidan kale oo ajnabi ah.

Taariikhdaas kooban kaddib, waxaan qooraansaneynaa sida uu dadka wax ugu qaybiyo ninkan. Dhab ahaantii, ma jiro halbeeg iyo miisaan lagu cabiri karo caddaaladda Cabdullaahi Yuusuf, waana wax ka hor imaanaya caqli kasta oo fayow oo saliim ah, waxayse ka dhigan tahay tiisu maahmaahdii ahayd “Bahal Ceyriin ma daayo, Ninna caadadii ma daayo.


”Dhanka Ciidammada


1. Wasiirka Gaashaandhigga Barre Aadan Shire (Hiiraale) - Mareexan

2. Abaanduulaha ciidammada Axmed Mahdi Cabdisalaan – Ogaadeen

3. Taliyaha ciidanka Booliska Cali Madoobe - Mareexaan

4. Taliyaha Ciidammada Cabdullaahi Cali Cumar (Ina libaaxsankataabte) – Majeerteen/Carab Saalax

5. Taliyaha ciidanka Sirdoonka Col Maxamed Darwiish – Majeerteen

6. Taliyaha guutada 1-aad Cabdirisaaq Afguduud – Majeerteen

7. Taliyaha guutada 2-aad Cabdullaahi Fartaag – Mareexaan

8. Taliyaha guutada 3-aad Xiif Cali Taar – Majeerteen

9. Taliyaha guutada 4-aad Col Cabdullaahi Carays – Majeerteen

10. Taliyaha dekedda iyo airport-ka Xamar Laba Xiddigle Joocaar - Majeerteen


Dhanka Madaxtooyada


1. Yuusuf Cumar Al-Azhari, La Taliyaha Madaxweynaha dhinaca siyaasada - Majeerteen

2. Jamaal Cumar, La Taliyaha Madaxweynaha dhinaca sharciga - Majeerteen

3. Yuusuf Cusmaan Baribari, Afhayeenka Madaxweynaha, ahna safiirka Brussels - Majeerteen

4. Cabdirashiid Seed, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha- Majeerteen

5. Daahir Mire Jibriil, Agaasimaha Madaxtooyada - Majeerteen

6. Cabdirisaaq Axmed Cali, Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada - Majeerteen

7. Axmed Yuusuf, Xoghaynta gaarka ah ee Madaxweynaha - Majeerteen

8. Cabdullaahi Dheere, Madaxa ilaalada Madaxweynaha - Majeerteen

9. Cali Jiis, Waardiyaha gaarka ah ee Madaxweynaha - Majeerteen

10. Axmed Cabdullaahi Yuusuf, wiilka Madaxweynaha, ahna qasnajiga Madaxtooyada - Majeerteen

11. Yuusuf Weyrax, La Taliyaha Madaxweynaha dhinaca Dhaqaalaha - Majeerteen

12. Xasan Cali Yuusuf, Madaxa borotokoolka Madaxweynaha - Majeerteen

13. Hibo Maxamed Cilmi, La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca xiriirka bulshada - Majeerteen

14. Agaasimaha Madaxtooyada Baydhabo - Xuseen Cali Seelaan - Majeerteen

15. Xoghaynta Gaarka ee Madaxweynaha - C/risaaq Durqun - Majeerteen


Haddaba, waxaa muuqata in dowladda Cabdullaahi Yuusuf aysan xitaa ahayn dowlad qabiil ee ay tahay dowlad qoys iyo mid jufo. Sidaa awgeed, ma ahan mid qaadan karta term-ka ‘dowlad’ ee waa jabhad lagu dhisay qaab xaaraan ah, Soomaaliduna waxay tiraahdaa “Hal xaaraan ah, Nirig xalaal ah ma dhasho.


’Tixraac (References)1. Somalia: From Dawn to Civilization to Modern Times by Mohamed Farah Aidid and Dr Satya Pal Ruhela.2. Somalia: Nation in Search of a State by David Laitin and Said S. Samatar.3. Whatever Happened to Somalia by John Drysdale.


Waxaa Qoray:


Maxamed Xaaji (Ingiriis)


No comments: