Tuesday, February 20, 2007

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Wakiilada Ka Codsaday Inay Si degdega U Ansixiyaan Odoroska Miisaaniyada 2007-ka

Hadhwanaag 2007-02-19 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Md, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa maanta horgeeyey Golaha wakiilada odoroska Miisaaniyad Sanadeedkan 2007-ka oo dhan 212,945019599 Sl, Shilin, kanabadan miisaaniyadii hore 30,090,865,704 Sl Shlilin, waxaanay qiiyaastii dhameyd miisaaniyadii 2006-ku164, 6691033000 Sl Shilin.Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada Somaliland oo uu gudoominayey Gudoomiyaha Golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro) oo ugu horeynba ka hadlay halkaasi ayaa xildhibaanada Golaha wakiilada ku wargeliyey in loo soo gudbiyey Miisaaniyada qaranka ee 2007-ka.

Riix halkan si aad u sii akhridid

No comments: