Monday, February 19, 2007

Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Wada qorshe uu Ku badalaayo Xubnihii komooshinka ee Guurtidu Magacawday

Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo toddobaadkii hore ka soo laabtay safar shaqsi oo uu ku tegay dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga, ayaa dhowrkii maalmood ee uu dalka joogay wuxuu olole ugu jiray sidii
uu u beddeli lahaa labada xubnood ee Guurtidu u magacaabeen Komishanka cusub ee Dooshooyinka Qaranka.

Sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah Guddoomiye Saleebaan waxa uu beddelka xubnahaas la doonayaa in labadii xubnood ee Guurtidu u soo xulay Komishankii hore, kuwaas oo kala ahaa; Axmed X. Cali (Cadami) iyo Muuse Jaamac Maxamed (Muuse-xisbi), iyada oo uu hore Shirguddoonka Guurtidu muddadii uu maqnaa u gudbiyeen laba xubnood cusub oo kala ah; Muuse Axmed Cumar Maxamed (Muuse-madoobe) iyo Maxamed Cabdi Xaamud (Nine).

Ololaha Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay xilli uu Golaha Wakiilladu ishortaagay ansixinta lix ka mid ah toddobada xubnood ee uu ka kooban yahay Guddiga Doorashooyinka Qaranku oo Madaxweyne Rayaale u gudbiyey Wakiillada, kuwaas oo ay soo kala xuleen saddex Madaxweynaha ah, labada Guurtida iyo xubin xisbiga mucaaradka ah ee UCID soo xulay. Hase yeeshee, waxaan la saadaalin Karin halka uu ku dambayn doono dedaalka cusub ee Guddoomiye Saleebaan damacsan yahay.

Xulista xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka waxa hore u diiday xisbiga mucaaradka ee KULMIYE oo aan isagu ilaa hadda gudbin xubintii uu xaqa u lahaa, waxaannu xisbigu si weyn u dhaliilay qaabka xulista xubnaha cusub, taas oo uu sheegay in ay saddexda xisbi qaran hore uga wadahadleen xulistooda, si loo helo guddi loo wada dhan yahay.

Xigasho: Togdheernews

No comments: