Thursday, March 15, 2007

Afhayeenkii Madaxtooyada JSL oo geeriyooday iyo Tacsi.



Alle ha u naxariistee waxa saaka waaberigii Cisbitaalka Edna ee Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Cabdi Idiris Ducaale oo ahaa Afhayeenkii Madaxtooyada Somaliland.

Alle ha u naxariiste waxa saaka waaberigii Cisbitaalka Edna ee magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Cabdi Idiris Ducaale oo ahaa Afhayeenkii Madaxtooyada Somaliland....

Marxuum Cabdi Idiris, sida ay Geeska Afrika u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha Madaxtooyada Somaliland, waxa la filayaa in maanta gelinka dambe lagu aaso xabaalaha qaranka ee magaalada Hargeysa.

Marxuum Cabdi Idiris Ducaale muddo dheer ayuu Ahaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, isaga oo ahaa Suxufi caan ah.Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdi Idiris Ducaale oo ha u nuuro Xabaasha, Iilka Neecoow u dgooniyo ha ku siiyo Naruuro.

Aamiin..Aamin









No comments: