Sida aydun ula socotaan, waxaan qormadaydii hore idiinku soo bandhigay: Curyaamin Idaacad Qaran taasoo ku saabsanayd, waxa loogu talo galay Idaacad Qaran oo aan wada gaadhin Dalka gudahiisa iyo Debediisa; Warfaafin iyo Wacyigelin la’aanta ka taagan dalka: Sida dhegaha iyo maanka shacbiga loogu afduubay fidinta barnaamijyada iyo barobagaandaha Somaliweyn gaar ahaan barobagaandaha cadowga tamarta yar ee qabiileystaha ahi ee Maamul Goboledka Majeerteeniya, Argagixisada ONLF, TFG-da Mbagathi, Dagaal Oogeyaasha Muqdisho, BBC-da Yusuf Garaad, VOA-da cusub, iwm kuwaasoo la xidhiidha Khiyaamada Qaran ee Riyaale iyo Xukumadiisa ay ka Gashay Ummadda iyo Dalka, Qaybtii Koowaad arrimahaasoo aydun xusuus ahaan ka akhrisan kartaan: Cadadka Jaraa’idka Haatuf # 1365 ee taariikhda March 16, 2007 ama mareegtan:
www.haatuf.net/Archive2003/000136500.htm#12
Hadaba, intaanan qormadeydan labaad u gelin mawduuca: Curyaamin Dekeda Qaranka ee Berbera, waxaan hordhac ahaan halkan hoose idiinku soo bandhigaya afar dembi oo kale oo wada Khiyaamo Qaran iyo Qaran Dumis ah oo gaar ah oo iyagu iskood u taagan kuwaasoo si dadban iyo si toos ahba la xidhiidha curyaaminta guud ee gaar ahaaneed ee lagu hayo Dekeda Berbera maadama ay tahay barta ay wax inooga soo degaan waxna aanu ka dhoofsano kuwaasoo ka mid ah Khiyaamada Qaran ee Riyaale iyo Xukumaddiisa ay ka Gashay Ummadda iyo Dalka Somaliland.
Run ahaantii, waxa marag ma doonto ah sida silsilada ah ee ay u xidhiidhsan yihiin xumahan nacabku iyo cadowtinimadu ku jirto ee la inoo maleegay iyo sida indhaheena oo shan ah, hadh cad la inoogu badheedhay in dhamaan ilaha dhaqaalaha ee Ummaddeena iyo Dalkeena hooyo ee Somaliland la minjo xaabiyo laguna fuliyo shirqoolo qaawan oo qorsheysan oo dhaqaale curyaamin ah oo baaxad weyn kuwaasoo haatan ay qaarkood hirgaleen qaarkoodna weli lagu hayo hujuum xoog leh oo joogto ah loo awdo ama loo curyaamiyo waana sida hoos ku xusan:
Dhoofintii iyo Ganacsigii Xoolaha nool ee qadiimiga ahaa ahna laf dhabarka dhaqaalaha Ummaddan iyo Dalkan saboolka ahi uu weligii ku taagnaa oo guud ahaan la curyaamiyey taasoo ka aamusnaanteedu, wax kaqabasho la’aanteedu, hagrashada suuq kale raadinteedu, majaro habaabinteedu, been abuurkeedu, iyo hoosaasinteeduba; ay dhamaan ka turjumayaan Khiyaamo Qaran oo aan la asaraari karin oo Ummaddan iyo Dalkan lagu fuliyey.
Ganacsigii qadiimiga ah ee isaga kala goosha Somaliland iyo Djibouti in xayiraad iyo cunaqabateyn xaaran ah lagu curyaamiyey ka dib, markii badeecadihii xalaasha ahaa ee Dekeda Berbera laga soo dejiyey ee cashuurnaa, si shirqooleysan oo badheedha oo xaq daro iyo sharci daro ah loogu tilmaamey inay yihiin KOTOROBAAN iyadoo laga duulayo maslaxada wadan shisheeye oo qadyada iyo jiritaanka Somaliland ka soo horjeeda sidaasna lagu xayiray inay baayac mushtarkaas xalaasha ahi uu ka talaabo Kastamka Looya Caddo iyo goobo kale toona taasoo iyana ah Khiyaamo Qaran oo ilaha dhaqaala Ummadan iyo Dalkan lagu minjo xaabiyey.
Ganacsigii soo kobcayey ee xawliga ku socday ee ka socday degaanka HARTA SHIIKH, ayaa isna waa hore la curyaamiyey kaasoo mar keliya oo xitaa bilaa digniin ah guud ahaan ganacsigii iridaha loogu laabay sidaasna lagu minjo xaabiyey iyadoo aaney laba cali is weydiin taasoo keentay in khasaare lixaad leh uu soo gaadho muwaadiniinta ganacsatada ah taasoo ka dhigtay waxba kama jiraan saaxiibtinimada iyo xidhiidhka lagu andacoodo ee lagu sheegay XIDHIIDHKA NABADGELYADA iyo GANACSIGA ee u dhaxeeya SOMALILAND iyo ETHIOPIA ee mugdigu ku gadaaman yahay ee la sheegay inay kala sixiixdeen labadaas dal deriska ahi xidhiidhkaaso iyo ganacsigaasoo aan micne sameynayn oo awelba dhinac u janjeedhay taasoo iyana ah Khiyaamo Qaran oo ilaha dhaqaalaha ee Ummaddan iyo Dalkan lagu minjo xaabiyey.
Su’aasha meesha yaalana, waxa weeye:
Muxuu ka dawo yahay xidhiidh laba dal oo mugdi ku gadaaman yahay oo dhinac keliya u janjeedha oo aan la qadarineyn; la tixgelinayn; loona cuskan karin dhibaatada meesha taala iyo cida ka dambeysa ee xidhiidhkaas jebisay iyo dhibaatada la soo gaadhsiiyey ganacsatadeeni, ganacsigeeni, iyo muwaadiniinteeniba ee ay ku hayso argagixisada Reer Ethiopia ee ONLF; laguna dacwoon karin wax ka qabasho deg deg ah iyo magdhow sharci ah?
Haddii, shacbigeenu uu dhibaatadaas oo kale uu gaadhsiiyo ama ku hayo shacbiga, maamul goboleedka Kilinka Shannada, iyo guud ahaan Dowladda Federalka ee Ethiopia, maxaa dhici lahaa?
Tolow, Ummadda iyo Dalka Ethiopia ma u adkeysan lahaayeen dhibaatadaas baaxada weyn leh oo kale oo ay Reer Somaliland, Reer Somalia, Reer Eritrea, Reer Djibouti, Reer Sudan, iyo Reer Kenya ay soo gaadhsiiyaan mudada intaas le’eg?
Ganacsigii qadiimiga ahaa ee isaga kala gooshi jiray Somaliland iyo Ethiopia gaar ahaan Kilinka Shannaad in lagu curyaamiyay shirqoolka lagu xidh xidhay dadyow la sheegay inay ONLF iyo Argagixiso yihiin oo qaarkood la iska sii daayey, qaarna Ethiopia loo gacan geshay, qaarna la xukumay haatana ku xidhan jeelasha wadanka taasoo keentay nacabnimada iyo cadaawada xad dhaafka ah ee lagu doonayo aargoosiga siyaasadeysan ee lagu gubaayo baabuurta iyo xamuulka saran ee mudaniyiinta Somaliland aan waxba galabsan arrimahaasoo keentay in xoogsato badan oo aan dhib geysan si dulmi ah oo kibir ku jiro loogu dilay, loogu jidh dilay, looguna dhacay wax ka qabashadeeduna aaney xukumadani iyo mida dalka Ethiopia toona isku hawlin sidaasna ay curyaamintaas dhaqaale ee gardarada iyo xaq darrada ahi weli la inoogu fulinaayo taasoo xitaa wiigan gudahiisa mar kale, lagu gubay baabuur iyo xamuulkii saarna oo dhan dembigaasoo sida caadada u ahayd ay Xukumadduna dhegaha ka fureysatay, indhaha daboolatay, afkana ka xidhatay si ay hawlahaas shirqooleysani ee hore la inoogu soo maleegay ay mesha uga sii socdan taasoo iyana cadeynaysa Khiyaamo Qaran oo ilaha dhaqaalaha ee Ummaddan iyo Dalkan lagu minjo xaabinayo.
Arrimahaas kor ku cad oo dhami, waa wada Khiyaamo Qaran oo mid waliba ay iskeed u taagan tahay oo Ummaddan iyo Dalkan saboolka ah laga galay kuwaasoo guud ahaan loogu talo galay in lagu awdo ilaha dhaqaalaha ee Somaliland taasoo aan eegasho dambe lahayn una baahan gurmad qaran iyo wax ka qabasho deg deg ah; waxaanan haatana halkan idiinku soo bandhigaya guud ahaan curyaaminta lagu hayo Dekeda Berbera waana sida hoos ku xusan:
Curyaamin Dekeda Qaranka ee Berbera:
Habka la adeegsaday ee lagu curyaaminayo ama lagu curyaamiyeyba Dekeda Qaranka ee Berbera, waxaa ka mid ah:
In Maamulka Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera, lagu sar gooyo shaqsiyaad tilmaaman oo daneysteyaal ah oo seed bursi Qaab Beeled ah lagu keenay oo aad moodo inay dhaxaltooyo mansabyada sar sare u heleen oo aan ummadda iyo dalka laxe jeclo ka qabin oo xigto iyo ehel la moodayo oo wada muunad ah taasoo keentay in dhamaan shanta beelood ee wada dega Gobolka iyo Degmada Berbera sida Zubeer Awal, Habar Jeclo, Habar Yoonis, Issa, iyo Gabooye aaney wax adeeg bulsho ah iyo talo iyo awood toona ku lahayn taasoo keentay in goobo kale ay degaanka dusha ka qabsadaan looga taliyo oo arrimahooda gaar ahaaneed, mida degaankooda, iyo khayraadkoodaba ay cid kale iska daabulato sidaasna iyagii lagu cunaqabateeyey lana tabaaleysan yihiin; Dhaqaalaha degaanadooda ka soo baxana oo aan waxba loogu qaban si toos ahna oo sharci, ceeb, cuqubo, iyo Eebe ka cabsi toona lahayn loogu xawilo Riyaale iyo Madaxtooyadiisa oo aan ka hadal dambe iyo xisaabtan dambe cidna ka ogolayn taasoo misna keentay in guud ahaan mujtamaca ku nool Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera ee ay nolol xumadu ku haabsatay ay tiradoodu si weyn hoos ugu dhacay loogana hayaamay degaano kale sida Gobolka Togdheer (Burco) iyo Gobolka Maroodi Jeex (Hargeisa) oo inta yar ee ku xadhsan ee u dhabar adeygtay dhibaatadaas iyo busaaradaas baaxada weyna, ay iyana iskaga hayaamaan xiliyada xagaaga koronto la’aan awgeed kuna soo noqdaan markay hawadu hagaagto, hase yeeshee, intii badneyd ee hore u hayaantay aaney gobolka iyo degmada dib ugu soo laaban, marka laga reebo xiliyada doorashada mooyaane taasoo markay dhamaatona, ay dib ugu laabtaan halkoodi hore arrimahaasoo dhan oo si cad u muujinaya dhibaatadaas meesha taala iyo inta yar ee muwaadiniinta gobolkan weyn ee hodanka ah iyo degmadan qadiimiga ah ee muhiimka ah loo adeegsaday ee shirqoolkan habeysan ee nacabnimadu iyo cadowtinimadu ku jirto sida arxan darada ah ugu fulinaya ee misna sida gafanaha ugu dhegan ee dhiig miiradka ah ee afduubka xaaraanta iyo sharci darada ah ku haysata taasoo gurmad qaran iyo dibu xoreyn deg deg ah u baahan!!
In shirqoolada loo adeegsaday curyaaminta Dekeda Qaranka ee Berbera, ay wejiyo badan yihiin sida a) Shirqoolka la xidhiidha mida guud ahaan lagu curyaaminayo ilaha dhaqaalaha ee Ummada iyo Dalka Somaliland b) Shirqool lagu curyaaminayo in Dekeda laga wareejiyo Ganacsiga iyo Dhoofinta Xoola Nool loona duwo Dekeda Djibouti taasoo marki shacbigu fahmay kana hor yimi dhinac kale arrinta looga wareegay oo misna la soo maleegay shirqool kale oo hor leh kaasoo ah mida ay Xukumada Djibouti iyo Maamul Goboleedka Qabiileystaha ahi ee Majeerteeniya, ay dhowaan ku kala saxiixdeen Heshiis Bayaacmushteri taasoo ku sabsan in Xolaha Nool ee laga dhoofin doono Dekeda Bosaso dib loo soo mariyo Dekeda Djibouti taasoo xoolahaas dib ugu dhoofin doonta Wadamada Carabta ee iyada u fasaxan ee xoolaheena iyo xoolaha Soomaaliyeed ee kale xayiraada xagdarada ah saartay taasoo haddii, aan mar kale laga hor tegin kelifi karta inay xoolaheenu iyo dhaqaalaheenu uu dhinacaas u jabo oo ay halkaas wada maraan sidaasna lagu afduubto laf dhabarkii dhaqaalaheena c) Shirqool lagu curyaaminayo laguna lunsanayo cashuuraadka dalka d) Shirqoolka lagu curyaaminayo koboca Gobolka Saxil iyo Degmada qadiimiga ah ee Berbera e) Shirqool lagu curyaaminayo midnimada Ummada iyo Dalka kaasoo ku saleysan aragtida gaaban ee Goboleysiga iyo Beeleysiga f) Shirqool lagu curyaaminayo shaqo abuurida Gobolka, Degmada, iyo Wadanka g) Shirqool lagu curyaaminayo guud ahaan horumarka Gobolka, Degmada, iyo Wadanka (eeg magaalooyinkii yar yara ee Majeerteeniya sida Bosasao, Qardho, Garoowe, iyo Galkacayo halkay maanta marayaan iyo halka ay Berbera marayso), iyo h) Shirqoolka guud ahaan maceeshada lagu qaaligareenayo muwaadiniinta iyo dalka Somaliland, iwm.
In guud ahaan la adeegsado tabo kasta oo lagu xumeynayo straateegiyada, sumcada, iyo muhiimada Dekeda Berbera si loo curyaamiyo tartanka ay kula jirto Dekedaha kale sida Dekeda Sudan, Dekeda Asmara, Dekeda Djibouti, Dekeda Yemen, Dekeda Dabey, Dekeda, Bosaso, Dekeda Muqdisho, Dekeda Kismayo, iyo Dekeda Mombasa.
In Dekeda Berbera loo afduubo loona curyaamiyo dekedo shisheeye gaar ahaan Dekeda Djibouti iyo Dekeda Bosaso ee nacabka iyo cadowga qadyada iyo jiritaanka Somaliland.
In Dekeda Berbera loo curyaaminayo si guud ahaan ilaha iyo dhaqaalaha ee wadankeena hooyo loo dhaxal wareejiyo laguna xidho dhaqaalaha soo kobcaya ee nacabka iyo cadowga gaar ahaan mida Maamuul Goboleedka Qabiileystaha ahi ee Majeerteeniya taasoo loogu sii xoojinayo a) Maamul fidin la’aanta Gobolada Bari sida Gobolka Togdheer, Gobolka Sanaag, iyo Gobolka Sool b) Lacagta Somaliland oo loogu talo galay inaan Gobolaada Bari la gaadhsiin lagana hirgelin c) Wax ka qabsho la’aanta muranka qabyaaladeed, dhuleed, iyo siyaasadeed ee been abuurka ah ee uu nacabkaasi tamarta yari uu ku haysto qaybo balaadhan oo ka mid ah dhulka Somaliland c) Lacagta Giimbaarta ah ee Gobolada Bari laga isticmaalo ee sharci darada ah taasoo xitaa haddii, maanta laga wada bedelo aan micne sameynayn soona wareejin karin ganacsiga mujtamaca degaanadaas ku nool, intay maamul xumadu, eexashadu, musuq maasuqu, iyo cashuuraadka Dekeda Qaranka ee Berbera circa sare yihiin, mida nacabka ee Dekeda Bosasona, ay sagxada hoose yihiin taasoo ka turjumeysa shirqoolka habeysan ee Qaran Dumiska ah ee ay Xukumadani si dadban inoogu fulisay taasoo keentay inay saddexdii gobol ee dalka ugu weynaa, ay dhaqaale ahaan iyo Bulsho ahaan ugu xidhmaan Majeerteeniya iyo Somalweyn arrintaasoo hore loogu talo galay in lagu fogeeyo 60% ee mujtamaceena halkaas ku nool iyo 65% ee jiidahaasi ka kooban yiniin dhulka Somaliland sidaasna lagu afduubto dhaqaalaha goboladaas iyo mida dalkaba aakhirtaankiina lagu minjo xaabiyo xoriyadda, nabadgelyada, midnimada, qadyada, aqoonsiga, iyo jiritaanka Somaliland taasoo inoo ah doqonimo weyn eegasho dambena aan lahayn una baahan gurmad qaran iyo wax ka qabasho deg deg ah.
In Maamul xumo, eexasho, cashuur qaali ah, iyo musuq maasuq baaxad weyn lagu curyaamiyo habsami u socodka hawlaha iyo adeega Dekeda Berbera si hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatada ee adeega fiican iyo fa’idadoodaba ilaashanaya, uga wareegaan dekedo kale oo ka maamul fiican kana cahuur jaban gaar ahaan Dekeda Bosaso sidaasna lagu minjo xaabiyo cashuuraad badan oo dekedeena inooga soo hoyan lahaa taasoo hada lagu naas nuujiyo nacabka iyo cadowga Majeerteeniya ee hubka iyo sannaada militeri inoo urursanaya!!
In Ganacsatada waaweyn ee dalka ee iyagu iska xejin kara cashuuraadkaas curyaaminta iyo xad dhaafka ahi iyagoo dhamaan ku dhib qaba habka guracan ee loo maamulayo Dekeda Qaranka ee Berbera sida Dhabshiil, Indho Deero, iyo qaar kale, ay Xukumadu u adeegsato shirqoolo kala duwan oo dadban si ay tamartooda ganacsi ee shaqsi ahaaneed iyo guud ahaan tayada ganacsiga dalka ku wiiqdo sida a) Hab AMAAHEED ama AMAAH joogto ah oo aan la aqoon waxa loo amaahanayo iyo halkay ku baxaan toona si ay u yareyso hantidooda kaash ahaaneed (cash capital) taasoo ay weliba si xad dhaaf ah ula raagto bixintooda ama aaney bixinba, iyo b) In Ganacsatada waaweyn qaarkood si badheedh ah oo geed uga soo gabasho lahayn la isku dayo in dalka laga buriyo hantidoodadana la khasaareeyo sidii dhowaan ku dhacday Shirkada Ilma Xarbi taasoo dalka soo gelisay Shiidaal xalaal iyo sharci ah, hase yeeshee, markii ay Xukumadu is hortaagtay inay shidaalka ku shubto Haamaha Qaranka ee Berbera la gaadhsiiyey sharaf dhac weyn, gardaro, dulmi, iyo khasaare hantiyeed oo baaxad weyn taasoo ka mid ah shirqoolka kala duwan ee lagu doonayo in Ganasatada iyo Ganacsiga dalka lagu minjo xaabiyo si garoonka ganacsi loogu baneeyo ganacsato iyo shirkado shisheeye sida Boore iyo Shirkada Total ee Ina Gheelaha Djibouti ee cadowgeena ahi uu iska leeyahay kuwaasoo ay shaqsiyaad Xukumada ku jira ay khitmad yar oo lagu yeesho shirkadahaas ama laaluush yar oo laga qaato si sharci daro ah loogu gacan gelinayo goobaha muhiimka ah ee ganacsiga dalka hababkaasoo looga dan leeyahay in guud ahaan la inooga faramoorsado ganacsiga gudaha iyo debeda ee dalka si ay ugu suurowdo inay guud ahaan afduubtaan dhaqaalaheena oo marka la doonana maceeshada la inagu qaaligareeyo, marka la doonana la wada minjo xaabiyo oo nacabka iyo cadowgana la ina hoos geeyo!!
Hadal iyo dhamaantii, Mashruuc Shirqool oo wejiyo badan hadana meel keliya ku wada aroora oo habeysan oo si xawli ah iyo habsami la’aan ahba u socda, ayaa Ummaddan gobta ah iyo Dalkan saboolka ah loo maleegay laguna fulinayaa mashruucaasoo fulintiisa iyo hirgelintiisa, ay wadamo shisheeye dushaas ka hagaan kuna bixiyeen lacagyo farabadan iyo balanqaadyo badan.
Lagacyaha Mashruucan Shirqool lagu bixiyey, inna waxa la dhigtay bangiyo shisheeye; inna waxa lagu jeexday ama iibsaday daaro waaweyn oo badan; inna gundhiga ayaa la dhigtay oo waxa lala sugaya carqaladeynta doorashada, iibsiga footka, iyo boobka footka iyo rabitaanka ummadda; inna faraqa ayaaba lagu haystaayo, waxa lagu bixiyaa hawlaha mugdigu ku jiro ee foosha xun ee la xidhiidha dhaameelka taasoo inoo horseeday Maamul xumadan baahsan iyo musuq maasuqa dalka hadheeyey; iyo Curyaaminta nidaamkeena Dimoqraadiga ah; Curyaaminta nidaamka xisbiyada badan iyo Xisbiyada Mucaaridka ee Qaranka; Curyaaminta hawlaha Qaranka—Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan, iyo Bulsho ahaan; Ku Tumashada Dastuurka iyo Shuruucda Dalka u yaala; Isku Dayga lagu wiiqayo laguna burburin rabo dhamaan saddexda waaxood ee hab dowligeena—sida Madaxtooyada, Xeer Dejinta, iyo Cadaalada iyo dhamaan hay’adaha kale ee muhiimka ah sida Guddgiga Doorashooyinka, iwm; Abuurida iyo hirgelinta nidaamka foosha xun ee Keli Talisnimada; Ku dhaqanka Caddalad darada iyo Dulmiga dhinac walba saameyey; kibirka, cagajugleynta, iyo aflagaadada joogtada ah; Ku xadgudubka muwaadiniinta sida fool xumada iyo tacadiga loo geeystay Jariirada Haatuf, mas’uuliinteedi, iyo saxaafiyiinteedi ee mudadaas dheer bilaa sharciga u xidhan Riyaale iyo Marwadiisa, iwm.
Run ahaantii, ilaha dhaqaala horaa loo wada awday guud ahaana dhaqaalahii wadanka horaa loo xilwareejiyey waxaana hada la isku haya qabta aanu ku ridno wey bisil yihiine iyo u yara kaadiya weli waa yacyacood oo ma bisla ee iyo sidii gebi ahaan dalka la inooga faramoorsan lahaa; waxaana Khiyaamadan Qaran ee Qaran Dumiska ahi ee baaxadaas le’eg Ummadan iyo Dalkan ka galay Maamul iyo Mas’uuliyiin ku-sheeg daneystayaal ah oo inoo soo shaqo tegay oo aan Ummaddan iyo Dalkan lexejeclo ka qabin kuwaasoo aan inaga waayo aragsaneyn; inaga cilmi badneyn; inaga aqoon badneyn; inaga khibrad badneyn; inaga raganimo badneyn; inaga geesinimo badneyn; inaga tab iyo xeelad badneyn; inaga tamar badneyn; inaga hub iyo taageero badneyn, iwm ahna Cadowga Gudaha kuwaasoo beesado yar ama dhadhamo yar siistay qadyada iyo jiritaanka Somaliland una baahan in si deg deg ah looga hortago.
Hadaba, Mashruucaas Shirqool ee wejiyada badan, mid walba wuxuu si cad oo aan asaraar lahayn oo marag ma doonto ah uu u muujinaya Khiyaamada Qaran ee Riyaale iyo Xukumadiisa ay ka Gashay Ummadda iyo Dalka taasoo loo baahan yahay in si wadanimo ku jirto loo soo wada af jaro deg degna wax looga qabto.
TALO:
In Riyaale iyo Xukumadiisa xilka laga xayuubiyo intay goori goor tahay.
In Mas’uulinta dalka ee heer Qaran, Gobol, Degmo, iyo Tuulo ee Mashruuca Shirqoolka ah soo maleegay kuna adeegsatay ama fulintiisa iyo hirgelintiisa loo adeegsaday, waa in si deg deg ah looga qaada taalaabo sharciga waafaqsan oo arrintooda la xidhiidha.
In dhibaatada Kilinka Shannaad ka aloosan ee la xidhiidha argagixisada, dilka, jidh dilka, dhaca, iyo gubista hantida baabuurta iyo xamuulka saaran ee ay iska leeyihiin muwaadiniinta Somaliland ee aan waxba galabsan, in HEER QARAN loo galaa loona magacaaba Gudi Qaran oo soo qiimeeya guud ahaan hantida khasaartay iyo magta dadka la dilay ama la jidh dilay bixintoodana la weydiistaa a) Dowlada Federalka ee Ethiopia b) Dowlad Goboleedka Kilinka Shannaad, iyo c) Beesha Absame ee ehelka iyo taageerada u ah Argagixisada ONLF.
In guud ahaan la qaado xayiraada iyo cunaqabateynta sharci darada ah ee lagu hayo baayac mushtarkii sharciyeysnaa ee qadiimiga ahaa ee isaga kala gooshi jiray Gobolka Saaxil iyo Awdal ama Degmada Berbera iyo Demada Lowya Cado ama Degmada Lowya Cado iyo Djibouti.
In Cashuuraadka Dekeda Qaranka ee Berbera lala simo ama laga hooseesiiyo mida nacabka iyo cadowga ee Dekeda Bosaso.
In Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada uu xisaab baadhis qoto dheer (forensic auditing) uu ku sameeyo Dekeda Qaranka ee Berbera iyo Shariikadda Total.
In dhamaan xilka laga xayuubiyo mas’uuliinta sare ee Dekeda Qaranka ee Berbera meeshoodana la keeno kuwo daacad ah, cilmi sare leh, aqoon dheer u leh—maamulka, xisaabaadka, cashuuraadka, iwm oo isu dheeli tiran oo metela dhamaan beelaha wada dega ee Degmada iyo Gobolka.
In Dekeda Qaranka ee Berbera loo xilsaaro Hay’ad dhex dhexaad ah oo madax banaan.
In Mayar-ka Degmada Berbera la rido maadaama uu lumiyey kalsoonidii mujtamaca degaanka iyo xilkiisii qarannimo oo uu gudan waayey kana mid yahay kuwa dhibka keenay ee hor istaagi waayey ama suurta geliyey in cashuuraadkii muwaadiniinta laga qaaday iyo dhaqaalihii dhamaa ee degmada wax loogu qaban lahaa si sharci daro ah loogu xawilo Riyaale iyo Madaxtooyadiisa.
In xilka lagu wareejiyo Mayar cusub oo ka mid ah beelaha kale si horumar, cadaalad, iyo isbedel wax ku ool ah u yimaado.
(la soco qaybta 3-aad ee ku saabsan Ciidanka Qaranka….).
Farah Ali Jama,
Ottawa, Canada
No comments:
Post a Comment