Thursday, March 22, 2007

'Dagaalku Wuu Sii Soconayaa Inta Maleeshiyadda Puntland Ka Baxayso Muqdisho' Madax Dhaqameedka Hawiye

Muqdisho (Somaliland.Org) Madax dhaqameedka beelaha Hawiye oo maalmahan shirar is daba jog ah uga soconayeen magaaladda Muqdisho ayaa baaqaq kala duwan ka soo saaray colaadda kazoo cusboonatay koonfurta Somaliya, gaar ahaan magaaladda Muqdisho. Baaq ay soo saaren shalay kadib shirar maalmahan u socday ayaa madax dhaqameedku waxay sheegeen in dagaalada shalay ka bilowday magaaladda Muqdisho ay sii socon doonaan inta ciidamada Puntland ay joogaan magaalada Muqdisho.

Nabadoon Cabdi Shariif Max'ed Diini oo ka mid ah madax dhaqamedka beelaha Hawiye ayaa waxa uu si kulul uga hadlay dagaaladii shalay ka dhacay caasimadda, isagoo ku eedeeyay in ay soo qaadeen maleeshiyo uu sheegay in laga keenay dhinaca Puntland oo dowladda KMG ah ay soo gelisay magaalada Muqdisho; isagoo sheegay in dagaaladaasi ay si rasmi ah isaga horyimaadeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah iyo Beelaha Hawiye oo u dul qaadan waayay dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada maamulka Puntland magaalada Muqdisho iyo deegaanada dalka qaarkii.

Waxa kale oo uu Nabadoonku xusay in ilaa iyo inta ciidamo ka socda maamul goboleedka Puntland ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho isla markaana Madaxweyne C/laahi Yuusuf uusan joojin ku xadgudubka awood qeybsiga dowladda uu dagaalku sii socon doono.

Xafiiska Wararka Somaliland.Org ee Muqdisho

No comments: