Thursday, March 22, 2007

MAAMUL XUMADA SOMALILAND MAXKAMADAHA KA KOW AH

(Waridaad)Waxa muuqata in caddaalada Somaliland tahay mid aan wax u kordhin tan iyo intii ay unkantay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa hubaal ah in labada Gole ee Sharci Dejintu ay kaalin buuxda ka qaateen dhismaha dimuquraaddiyada iyo dhidinbinta nabadda. Haddaba waxa muuqata in hab maamulka dawladeed ay tahay mid laangadhaynaysa, iyadoo dhardhaarka seddex geesoodka ah, ay lugi tahay mid aad u nafo ah. Sharcigii Golayaashu dajiyeen, ee ay ahayd in Golaha fulintu dhaqan gelyo. Qaybta cadaaladuna ay ku kormeerto ku dhaqanka sharciga ayaa ah mid aan marna talaabsan. Lugtii caddaaladda, ayaa ah mid hawsheeda ka gaabisay. Waliba waxaad moodaa. inay noqdeen qaar ku milmay qaybta fulinta, ee ay ahayd inay ka madax bannaanaadaan.

Go’aanka Maxkamadda Gobalku ku gaadhay inay saxafiyiinta Haatuf xadhi ku xunto, iyagoo xukunka ku qaaday xabsi gudihii, wargeyskana ganaaxday, isla markaas amartayna in la xidho, ayaa ah mid niyad jab ku riday muwaadiniinta Somaliland gudo iyo debedba. Waxa la yaab ah gaanaax iyo in hawsha Haatuf joogsataa sida ay caqliyan u wado socon karaan. Waxa la ganaaxaa meel hawli ka socoto. Waxay ka dhigantay ninkii dilka lagu xukumay, laguna ganaaxay inuu bixiyo qiimaha rasaasta lagu dili doono.

Waxa ka horeeyey go,aan ka soo baxay Maxkamadda Sare oo muddo bil iyo badh ah la aamusneed arrin fajac iyo amakaag inagu riday. Waxay go’aamisay in sharcigii saxaafadda ee Somaliland la laalo, laguna tilmaamo mid aan qiimo lahayn, laguna beddelo sharcigii ciqaabta ee 1962 lagu dabraayey kacdoonkii ugu horreeyey ee reer Somaliland rabeen inay la soo noqdaan qarannimadooda. Waa kacdoonkii uu hogaaminaayey Alle ha u naxariistee Xasan Kayd .
Waxa tani tahay Maxkamadii oo dumisay sharcigii ay ku dhaqmi lahayd, lana wareegtay xilkii sharci dejinta. Waana dhaawac weyn oo ku yimid dimuquraadiyada iyo hab-maamul wanaaga aynu naf iyo maalba u hurnay. Waxa hubaal ah in. dooda dhex martay xukaamta maxkamadda sare ay ka weynaatay danta shakhsi. Tani waxay shakiga ka saartay xaqiiqda ahayd in dacwaddani tahay mid go’aankeed dacwad lehu xaakim, xeer-ilaaliye iyo askariba ka yahay..Waxa Maxkamadda looga baahday shaanbad xaal mastuur.ah oo keliya. Go,aankina waxa uu soo baxay isagoo dacwadlehu maqanyahay, si aan loo helin fursad lagaga gilgisho dacwaddana lagu daadafeeyey.Waxa taas si qurxoon u sheegay saaxiibkay Dr. Tani oo ku tilmaamay “in Madxweynahu dacwadda ula cararay xabsiga Mandheera oo cabsiyi u geysay, isla markaasna cabsi darted dhawaaqa maxkamadda ku beegay xili uu maqan yahay oo aanu baqdin darted wejihi karin dadweynha Somaliland.”

Waxa arrinta ka gilgishay dadweyne mucaarid iyo muxaafidba, waxa fajaciso ku noqotay inta Somaliland wanaaga la jecel, qurbo-jooga Somaliland waxay ku noqotay naxdin. Waxa qaylo baaqyo ahi ka timid ururada xuquuqul iinsaanka gudo iyo debedba, waxa ka damqaday ururada ay ka mid yihiin SSE , Somaliland Focus, Saxafiyiinta aan xuduudka lahayn, Qaramada Midoobay, Dawladda Maraykanka, Ingiriiska, Ururka Yurub. Dhinaca kale waxa ku farxay inta neceb horukaca Somaliland, oo u arkay in arrintani bilow ka tahay dib-u-dhac u horseedi kara dawlad xumo bulshadu qomamayso.

Waa barlamaanka kan sharciga dejiyaa, waxa se maxkamadda looga baahnaa inay waajibkeeda gudato oo ah inay sharciyada dalka ay u dejiyeen barlamaanku ay ku dhaqanto. Waxa yaab ah inay si toos ah u tidhi SHARCIGA BARLAMAANKU DEJIYEY WAA QALAD WAANU TUURNAY SHARCIGA SAXAAFADDA, WAXAANU KU DHAQMAYNAA SHARCIGA CIQAABTA EE SOOMAALIYA.

Guddoomiyaha Maxkamdda Sare waxa uu ogyahay in dhawaaqa maxkamaddu yahay mid gefsan sharciga, waxuuna isku dayey inuu go’aankan mid ka gedisan ka soo baxo, sida ay sheegeen rag u dhow dhowi Waxaa dabray distoorka oo u seeteeyey inuu noqdo nin aan sinaba uga madax banaanayn madaxweyaaha. Maxkammadda Sare waxay ka koobantay toddoba xaakim. Waxa la yaab leh in toddobada xaakim uu magacaabaayo Madaxweynahu, bal se uu barlamaanka oggolaansho uga doonaayo GUDDOOMIYAHA OO KELIYA. LIXDA KALE LOOGAMA BAAHNA OGGOLAANSHO. ERIGOODA IYO HAWLGALKOODABA WAXA ISKA LEH MADAXWEYNAHA OO KELIYA. WAA SHAQAALE MADAXTOOYO, SIDA UU QABO DISTOORKA SOOMALILAND.

Waa halkaas halka sartu ka qudhuntay. GUDDOOMIYAHU waa keligii kan hawl-galkiisa iyo erigiisu u baahan yahay oggolaansho barlamaan. Inta kale waxa erigoodu su’aal la’aan ku siman yahay qalanka iyo afka madaxweynaha. Haddana go’aanka maxkamaddu waxa uu ku imanayaa codeen, oo ah kolba halka ay xukaamtu u badanto.

Guddoomiyaha oo keligii u hawl galay inuu qanciyo xukuumta kale in lagu dhaqmo sharciga saxaafadda, waxa uu mari waayey xukaamta kale oo distoorku ka dhigay SHAQAALE MADAXWEYNE. WAXA HABBOON IN XUKAAMTA LAGA FURO XAKAMAHA DISTOORKU SAARAY XADHIGIISANA UU U GACAN GALIYEY MADAXWEYNAHA.

Aan jaleeco dhacdo kale oo marag u ah habowga caddaaladda dalkeena.Waxa xusid mudan xadhiga sharci darrada ah ee danyarta maalin walba lagu xidho, kolka ay cabsho la yimaadaan. Waa xadhig aan xaakim, qareen, iyo maxkamad toona u baahnayn Waxana ugu dambeeyey hilib-layaasha Hargeysa, oo xukunka degdega ah lagu qaaday. Xukunkaas oo ka baxsan sharciyada iyo distoorka Somaliland, waa mid laga naqilay xukunkii askariga ahaa ee aynu ka dagaalanay. Waxa ayaan darro ah in xukunkan oo xataa xaakimkii hore ee Maxkamadda Sare Mudane Faysal hore ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, barlamankii hore iyo kan maatuna sidoo kale uga hadleen, in haddana uu yahay mid dhaqan gal ah. Waa sharci lid ku ah qaranimadeena iyo nidaamka aynu dhiganay.

Waxa loo baahan yahay in diiradda si dhab ah loo saaro hay’adaha caddaalada ooy ugu horeeyaan maxkamaduhu, lagana riixo waxii u diidaaya inay noqdaan qaar si madax bannaani ah hawshooda u guta. Waa in bulshadu ka doodaa, laguna dirqiyaa cidda hor taagan in laga riixo. Mushkuladaha bulsho, dhaqaale, iyo siyaasiyadeedba waxaa fure u ah sida loo kobciyo Waxaadda cadaaladda ee fadhiidka ah. Iyadaa xaqiijin karta hab-maamul wanaag ka dhiga Somaliland dal muwaadinku ku faano, asaageedna ka dhex mudha. Waa saldhiga horumarka bulsho dhinac walba. Waxa inala gudboon inaynu u guntano dhismaha waaxdan oo lagu tilmaamo cududda dhista dawlad dimuquraadi ah, dadkeedu sharciga u siman yahay, sidoo kale dheefteeda iyo dhibteedaba dadweynahu wadaago.

WAA INOO MAQAAL KALE OON KU SOO BANDHIGI DOONO QAYBAHA KA HADHSAN WAAXDA CADAALADDA…

Ahmed Arwo

Cardiff, U.K

Ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: