Tuesday, March 13, 2007

Dawladda Imbagathi Oo Isu Diyaarinaysa Hub Ka Dhigis Kama Dambays Ah Iyo Cabsida Laga Qabo Dagaal-Weyne Ka Dhex Qarxa Hawiye Iyo Daarood

Muqdisho, March 13, 2007 (Haatuf) – Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda waxa ka socda laba diyaar garaw oo iska soo horjeeda, waxaana la saadaalinayaa in maalmaha fooda inagu soo haya, uu isbedel weyni saameeyo jawiga magaalada Muqdisho.

Labada diyaar garaw mid waxa ku hawlan dawladda C/laahi Yuusuf oo doonaysa inay dhawrka todobaad ee fooda inagu soo haya hub ka dhigis kama dambays ah ku samayso kooxaha iyo dadka hubaysan ee reer Muqdisho. Sidoo kale dhinaca kalena waxa socda abaabul la isugu diyaarinayo in dagaal lagala hortago C/laahi Yuusuf iyo ciidamadiisa.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ee dawladda Imbagathi Salaad Cali Jeelle oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dawladiisu muddo soddon maalmood gudahood ah si kama dambays ah u sugi doonto amaanka Muqdisho, hubkana dadka uga dhigi doonto.

Sida ay sheegeen wararka aanu ka helnay magaalada Muqdisho in ku dhaw shan kun oo askari oo soo dhamaystay tababar ciidan ayey dawladda C/laahi Yuusuf labadii maalmood ee ina dhaafay afka kaga shubtay magaalada Muqdisho, waxayna wararku tilmaamayaan in dhamaadka todobaadkan ay magaalada Muqdisho ka bilaabayaan hawlgalo culus oo la sheegay inay ku sugayaan amniga magaalada, kuna samaynayaan hub ka dhigis kama dambays ah, taasna waxa la saadaalinayaa inay dhimi doonto ama hoos u dhigi doonto falalka argagaxa leh ee ay sida joogtada ah magaalada Muqdisho uga fuliyaan kooxo hubaysan oo aan la suuradin halka ay ka soo jeedaan, iyadoo ay magaalada Muqdisho tan iyo markii ay qabsadeen ciidamada huwanta dawladda Imbagathi iyo Itoobiya ay ka dhacayeen dagaalo la isticmaalayo qoryaha darandooriga u dhaca iyo hoobiyayaasha wax lagu duqeeyo, waxayna hawlgalada caynkaas ah oo si joogto ah magaalada Muqdisho uga dhacaa sababeen khal-khal weyn oo dhinaca amaanka ah iyo barakac laxaad leh.

Inkasta oo la saadaalinayo in todobaadada soo socda isbedel weyn lagu sameeyo dhinaca amaanka oo ay ciidamada cusub ee dawladda Imbagathi gacan bir ah ku qaban doonaan nabadgelyada magaalada Muqdisho, haddana waxa dhinaca kale wadnaha farta lagaga hayaa dagaalo riiq dheeraada oo ka dhex qarxa beelaha ku kala abtirsada jabhadihii SSDF iyo USC (Daarood iyo Hawiye).

Hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye ayaa todobaadadii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ka waday olole ku saabsan abaabul dagaal oo ay ku quraan saarayaan khilaafaadka u dhaxeeya beelaha Hawiye, waxayna dadka beeshooda ku wargelinayeen dareemo dhiilo leh iyo xaalado halis ah oo ku soo fool leh, waxaana ka mid ah waxyaabaha ay ku guubaabiyaan inay suurta gal tahay inay markale haleesho xasuuq iyo aargoosi weyni, haddii bay yidhaahdeen aan laga hortegin xoogagga dhafoor-qiiqa SSDF ee Muqdisho ku soo qul-qulaya.

Abaabulka iyo muusanawga ay wadaan hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye waxa dabada ka riixaya dadka jaaliyadaha debada ee beelaha Hawiye iyo hogaamiyayaashii kooxeedyadii awoodooda la wiiqay, waxayna dadka xaaladda Muqdisho u dhuun-daloolaa farta ku fiiqayaan inuu dagaal lama huraan yahay, waxayna wararku leeyihiin waxa socda abaabul laba dhinac ah oo ay qolyaha Hawiye-na doonayaan inay ka takhalusaan xukuumadda dawladda C/laahi Yuusuf iyo xulafadeeda, halka ay dawladda C/laahi Yuusuf iyo xulafadeeduna doonayaan inay ka takhalusaan kooxaha hubaysan ee Muqdisho, waxaase la isweydiinayaa labada qolo midka laga takhalusi doono.

Hogaamiyayaasha Hawiye iyo xataa saraakiishooda Milateri waxay rumaysan yihiin in haddii hubka xoog lagaga dhigo ay taasi ku tahay halis weyn, si ay taa uga hortagaan aanay dagaal ka fursanaynin.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah saraakiishii Milateri ee dawladdii Somalia ayaa hadal uu saxaafadda siiyey waxa uu ka digay inaan hubka xoog lagaga dhigin dadka.

Jeneraal mar uu ka hadlayey xaaladda magaalada Muqdisho waxa uu ku tilmaamay mid faraha ka baxday oo maalinba maalinta ka dambaysa ka sii daraysa, laakiin Jeneraal Galaal mar la weydiiyey, sida uu u arko in loo sameeyo hub ka dhigista waxa uu sheegay in hub ka dhigista loo sameeyo qorshe heshiis lagu yahay iyo in hub ka dhigista loo maro dariiq nabadeed, lagana fogaado in xoog lagu isticmaalo, taasi oo uu ka digay cawaaqibkeeda.

Dhinaca kalena waxay wararka Muqdisho ka soo baxay sheegeen inay Muqdisho iyo nawaaxigeeda dib ugu soo guryo noqdeen rag badan oo ka tirsan taliyayaashii ururkii maxkamadaha ee burburay, kuwaas oo la sheegay inay abaabul dagaal ka wadaan gudaha Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Taliyayaasha maxkamadaha ee Muqdisho ku soo noqday waxa ka mid ah Yuusuf Indhacade oo hore u ahaan jiray Hogaamiye kooxeed ka taliya gobolka Shabeelada hoose, markii dambena ku biiray kooxihii Maxkamadaha, wuxuuna Yuusuf Indhacade muddo ku maqnaa dalalka Sucuudiga iyo Ereteriya, waxaana la sheegay inay weheliyaan oo iyaguna Muqdisho soo galeen rag kale oo ka mid ah taliyayaashii Maxkamadaha, waxaana ka mid ah Mukhtaar Abu Maansuuri, waxayna raggaasi sida la sheegay ka soo galeen Muqdisho dhinaca badda, iyaga oo doonyo la socda.

Waxa kale oo ragga Muqdisho soo galay ka mid ah hogaamiyihii kooxdii maxkamadaha ka tirsanayd ee la magac baxday Al-Shabaab, Aadan Xaashi Cayrow, sidoo kale waxay warar aan la xaqiijini tibaaxayaan inuu Gudoomiyihii Golaha Shuurada ee Maxkamadaha Xasan Daahir Aweys isna Muqdisho soo galay, waxayna raggaasi Muqdisho ka wadaan abaabul ay dib ugu habaynayaan dagaalyahankoodii, si ay dagaal ugu qaadaan ciidamada C/laahi Yuusuf iyo xulafadiisa Itoobiya.

Ilaa hadda lama saadaalin karo sida ay xaaladu ku dambayn doonto, markase la eego dhinaca Hawiyaha waxa ka socda muusanaw iyo abaabul qabiil, dareenka caynkaasi ahina waxa la sheegay inuu yahay mid si fiican uga muuqda dadka reer Muqdisho oo qofkii aad salaantaaba ama ku salaamaaba uu ku dareensiinayo inay jirto xaalad halis ah oo ku soo fool leh.

Xigasho: haatuf.net

No comments: