Tuesday, March 13, 2007

Gen. Moorgan Oo Loo Xilsaaray Sifaynta Muqdisho.


Col/Yey ayaa u magacaabay Gen. Max'ed Sicid Xirsi Moorgan inuu hogaamiyo howl gal loogu magac daray Sifaynta Muqdisho oo dhawaan ay Muqdisho ka fulin doonaan maleeshiyaadka Puntland oo kaashanaya ciidamada Itoobiya iyo Ugaandha.

Magacaabiskta Gen. Moorgan ayaa ah midii ugu dambaysay xilal muhiim ah oo loo dhiibay taageerayaasha Col C/lahi Yusuf kuwooda kasoo jeeda gobolada Putland. Taageerayasha Korneelka ee ka yimid Puntland ayaa ku guulaystay inay la wareegaan gacan ku haynta Kismaayo, waxayna hada ku talo jiraan inay tijaabiyaan Muqdisho iyo sida ay gacanta ugu dhigi karaan.

Gen. Moorgan ayaa sanadahan dambe ku noolaa Muqdisho kadib markii lagu soo jabiyay weeraradii uu ku qaaday Kismaayo, wuxuna daganaa hoteelada Saxafi, Hotelka Nabada iyo ugu dambayntii oo uu usoo guuray xarunta Villa Somaliya markii uu halkaas soo dagay Mad. C/lahi Yusuf.

No comments: