Sunday, March 11, 2007

Diinlaaweye, Dhaqanlaawe, Damiirlaawe, Maxishoode, Wax ma Xeeriye, iyo Hadhiwaaye Badow ah; Waxba Looma Qariyo

Anigoo tixraacaya, war saxaafadeedka dheer kuna dheehan yahay gefka, aflagaadada, iyo qiiq isku qariska qaawan ee uu soo saaray Axmed Xaji Daahir, Wasiirka Warfaafiinta iyo Wacyi Gelinta taariikhda March 10, 2007 kaasoo gundhigiisu ahaa weeranka naxliga huwan ee qawaan uu u geystay Md. Axmed Siilaanyo, Guddoomiya Xisbiga Mucaaridka ah ee Jamhuuriyada Somaliland; Xisbiga KULMIYE; Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland; Wakiilada Golaha Wakiilada gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Xisbiyada Mucaaridka ee doorashada iyo rabitaanka shacbiga ku yimi, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, waxa inagu wada waajib ah inaanu si cad oo madmadow ku jirin aanu shaqyaadka noociisa oo kale ah aanu runta ku cadeyno si deg deg ah isaga qabano intaaney xume kale dhacin.

Sidaas daraadeed, anigoo aan halkan ku kala qaadeyn falanqayn rasmi ah ku sameynayn war saxaafadeedkaas qori ismarisku soo bandhigay ee macno darada ah ee ujeedada gaarka ah leh u guda gelayn kana gaabsanayo qoraal dheer oo arrintan si fiican looga bogan karo, ayaa waxa aan halkan idiinku soo gudbinayaa macluumaad kooban oo ka turmaya dadnimada doorsan, dhaqanka xun, iyo ficilada ku cariigsiga ah lehi ee sida joogtada ah uu Wasiir ku-sheegani u caadeystay taasoo ay ugu wacan tahay arrimahan hoos ku xusan:

In Wasiirku uu yahay nin aan siyaasi ahayn oo xil dowladeed ama xil hay’ad madax banana aan hore uga soo qaban Somaliland, Somalia, iyo Caalamkaba.
In Wasiirku uu yahay badow mardhoof ah oo shaadh magaalo gashtay oo aan tacliin sare lahayn.

In Wasiirku uu ahaan jiray Jaadwale yar oo aan akhlaaq suuban lahayn kaasoo hadaladiisa lagaga hataari jiray marfishyada qaadka ee magaalada Toronto, Canada.

In jagada Wasiirnimad lagu siiyey qaab Beeleed, nacabnimadii uu aabihii ka dhaxlay una qabay Beel gaar ah lana wada og yahay.

In jagada Wasiirnimada lagu siiyey xaasidnimada, xinka, aflagaadeynta, iyo la dagaalanka aayadii Marwo Siraad Cali Yuusuf, Guddoomiye Xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE ahna Libaaxadda Xisbiga KULMIYE iyo Gobolka Awdal ama “The Lioness of KULMIYE party and Awdal province” taasoo uu xitaa kaga xishoon waayey waxyaheeda qaaliga ah ee ay si aadnimadu iyo raaliyanimadu ku jirto ay ugu deeqday nafteena u hurtay inay u bixiso adeerkii mid ka mida kelyaheedii sidaasna ay ku badbaadisay taasoo aakhirtaankii iyada ku keentay caafimaad daro soo gaadha!!

In Wasiirku ku dhaqmo danaysi, eexasho, iyo qabyaalad aan geed uga soo gabasho lahayn oo garab ka haysata Madaxtooyada taasoo aan waxba laga qaban sidaasna looga hadhay xumahiisaas kibirku ku jiro.

In Wasiirku uu maamul xumo, musuq maasuq, qalalaase, iyo xaalad abuur ku xidhiidhsan Madaxtooyada uu ku hayay hay’adaha ajinebiga iyo shaqaalahooda shisheeye iyo kuwa wadanigaba ah xiligii uu ahaa Wasiirka Qorsheynta taasoo aan waxba laga qaban sidaasna looga hadhay hagardaamooyinkiisaas iyo xumahiisaas shaqo curyaaminta ah.
In Wasiirku uu si baal marsan nidaamka dowliga ah iyo sharciyada iyo shuruucda dalka uu dalka uga saaray dhowr hay’adood oo ajinebi ah iyo Wakiilkii EU-da kuwaasoo aan dadkan iyo dalkan saboolka ahi aan dhib ku hayn una fidinayey gargaar samofaleed taasoo aan waxba laga qaban sidaasna looga hadhay xumahiisa Qaran curyaameynta ahi.

In Wasiirku uu si aan geed uga soo gabasho lahayn ugu tuntay Daatuurka iyo shuruucda dalka u yaala dadafeyeyna go’aankii Golaha Wakiilada ee la xidhiidhay arrintii Marwo Amina-Weris taasoo xuquuqdeedi shaqo iyo muwaadinimadeedi si badheedh ah oo cadaawo gaar ahaaneed iyo kibir ku jiro loogu tuntay taasoo ahayd dulmi weyn oo garab og waxna aan looga qaban sidaasna looga hadhay dembiyadiisaas iyo xumahiisaas qaawan.

In Wasiirku uu sii dhiiraday wax ka qabasha la’aanta dulmigii loo geystay Marwo Amina-Weris taasoo keentay inuu xume, caga jugleyn, sharaf daro, xurmo la’aan, iyo aflaagaado xun oo shaqsi ahaaneed iyo mid la xidhiidha xijaabka ay hablo ugub ahi ay ku asturnaayeen oo ah nooca la isku dilo uu u geystay hablo yar yar oo ka soo jeeda Beel isaga si gaar ah ugu tilmaaman oo shaqaale dowladeed ah taasoo iyana aan waxba looga qaban sidaasna looga hadhay xumahiisaas Aadnimada, Diinta, Dhaqanka, Sharciyada Shaqaalaha, iyo xilka loo igmadayba ka baxsan!!

In Wasiirku uu caadeystay inuu had iyo gooraale uu gef iyo aflagaado gaar ahaaneed oo aan munaasab ahayn loona fadhiyin isagana aan khuseyn oo mas’uuliyada shaqo ee loo igmaday ka baxsan uu si badheedh ah oo joogto ah uu ugu geysto Md. Axmed Siilaanyo, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Jamhuuriyadda Somaliland kaasoo aad moodo in si gaar ah loogu balamiyey kana turjumeysa hadafka war saxaafadeedkisan ugu dambeeyey!!
Hadaba, ninkan riyoonaya ee wax is moodka ah ee bilaa xadka ah ee gar darada badan ee mar walba oodaha soo jabsanaya ee u haysta in Wasiirnimadu ay tahay Liisanka (licence) u fasaxaya inuu shacbiga, hablaha, sodohaa, mas’uulinta xisbiyada, qaranka, iyo dalka; ku sameeyn karo ficilada uu doono iyo xumaha uu doono, waa in runta loo sheegaa oo aan waxba loo qarin talaabo deg deg ahna laga qaadaa.

Sidaas daraadeed, waxa aan halkan ka cadeenaya in ninkan doogta leh ee dibindabyada geystay ee looga taag la’ yahay Guddoomiyaha Xisbga Mucaarida ee KULMIYE ee Marwo Amina-Weris oo ah xaaskiisa hore u xumeeyey ee Hablihii ugub ee la dhashay ee xurmada iyo xaq dhowrka inaga wada mudnaa kana shaqeeya Wasaaradda Warfaafiinta iyo Wacyigelinta sida foosha xun u xumeeyey ee guud ahaan Beeshiisa xumeeyey waxna looga qaban ee horena sida xad dhaafka ah u xumeeyey Marwo Siraad Cali Yuusuf, Guddoomiye Xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE ee sodohda ah aayadiina ah ee guud ahaana ceebeestay Beesha uu ninkani ka soo jeedo iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland, ayaan halkan hoose idiinka cadeynayaa waxa uu yahay:

Run ahaantii, iyadoo aaney iga ahayn cadiifad, eexasho, aflaagaadeyn, iyo shaqsi weerar gaar ahaaneed, ayaa waxaan idinla socodsiinayaa anigoo hadalka yara asturaya in uu Wasiir ku-sheegani yahay: Nimow-Naageed taasoo aan u hayo marag shaqsiyadiisa si fiican u yaqaan oo beeshisa ka mid ah oo aanu saaxiib nahay oo magaaladan ila degan. Cidii aan intaas ku qanci karina ee arrintan gef u qaata, waxay dhigan karaan gogol balaadhan taasoo aanu la gudhin doono.

Ugu dambeyn, waxaan hadalkayga ku soo gunaanadaya, in ay haboon tahay in Diinlaawe, Dhaqanlaawe, Damiirlaawe, Maxishoode, Wax ma Xeeriye, iyo Hadhi Waa Badow ah aan waxba loo qarin runtana lagu cadeeyo si deg deg ahna la isaga qabtaa oo xilka laga xayuubiyaa.
Guul iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

No comments: