Sida la ogsoonyahay gabayaaga iyo heesaagu bulshada inteeda kale way ka aragti dheer yihiin oo hadba dhacdooyinka ka aloosan meesha ay ku nool yihiin ayey si gaar ah wax uga iftiimiyaan. Waxa laga yaabaa in aan dadka badankiisu ahamiyad siin waxyaabahaa ka soo burqanaya maansoyahanka laakinse xili dambi dib la isu weydiiyo. Suugaatuna waa kayd d'aiba d'a ka dhaxasho oo taariikhdii ummadduna barbar socoto. Waxase ummaddaba aynigeed jabay marka wixii shalay laga damqada inta si kala loo soo maldaho oo hadba inta talada haysaaa iska dhaadhiciso in cidii igmatay aanay waxaba ka duwaneyn xawayaanka dareen iyo diidmo toona.
Reer Somalilandow illaa hadda cidina ma isweydiisey Xeer Ciqaabeetkan dadkii iyo dalkiiba jahawareerka ku riday asalkiisa, iyo hiddihiisu muxu yahay? Goormuu dhaqan galay?Arrinta ugu weyneyd ee loogu talagalay in lagu maareeyo maxay ahayd? Xeerkani halkuu tariikhdii madoobayd ee qaranka Soomaaliyeed kaga jirey?. Runtu waxa weeye sheekado way ka qoto dheertahay xadhiga Suxufiyiinta Haatuf.
Inta aynaan su’aallahaas ka jawaabin, bal waxooga an dib ugu laabano horraantii todobaataneeyyadii:
Waxan uga socdaa in aan akhristaha xasuusiyo muddo hadda ku dhow afartameeyo sannadood ayaa waxa soo baxday silsiladii la odhan jirey SIINLEEY oo ay isugu jawaabayeen niman abwaano ah oo ay ka mid yihiin Cabdi Aden Qays, Maxamed Ibrahim Warsame 'Hadraawi", Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye", Cali Saleeban, Reeraash iyo qaar kale.
Cabdi Aden Qays oo oo markaa ku sugnaa magaalada Jibuuti ayaa soo direy gabay uu heeseeyey isagoo saaxiibkii Hadraawi oy midhihiisa ka mid ahayd:
"INA WALANWALOW SAMIR HAWEENKA ISA SEEGTE SIDEED NABAR ADOO QABA WAA KAA KII SAGAALAAD SEEDAHA KU GOOYE."
Iyadoo xaal sidaas yahay ayaa Profasoor Calin sarbeebtii isna u rogay xisaabtii kakkulasta oo wuxu yidhi:
" TIRO SIMAN SAGAAL GO, SODON KEEN, SIDEED HO..."
Ninkan haddba ka badbaadaya riddooyinkan sagaalka nasiib badanaa oo naf adaga. Sannadkii 1972 ayaa ardaydii iyo macalimiintii kuliyaddii Lafoole waxay alifeen riwaayad magaalooyinkii dalkii Soomaaliya intooda badan laga dhigay. Sheekadii warankii weerarka ahaa mar labaad ayuu riyawaadana ka soo dhex mudh yidhi. Ninkii la goobayey oo heesayaa isna wuxu yidhi:
" MAXA WARAN LA ILA DOONA, HABEENIMO LA ILA WAAYEY, NASIIBKAY KA WAABERIISTEY.."
Akhristow bal isweydii sideedan iyo sagaalkan nabar maxay kala ahaayeen? Xeerka xadhiga suxufiyiinta Haatuf loo cuskaday ayaa ka mid ah sagaalka aad hore u qabtay ee abwaanadu tilmaameen. Wa laba arrimood oon sinaba isu geyine ee sidaa ma ula socotaan?!?!?!?!?
Ogsoonaada Xeerka Ciqaabta Guud waa nabarka labaad ee abwaanadu ka dhawaajiyeen!! Ka kowaadna xilimuu ku cuskaday? Haddii aan la is diidsiineyn waxa gantaalkan lagu helay maalintaad adoo dheeman mar la arag ah walwaalaya ay si lama filaan ah musqul Xamar ku taal kaaga siibatay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare go'aankiisa ah in aan Xeerka Saxaafaadu ku salaysanayn " ..caqli, aqoon, sharci, iyo dhaqan midna... isla markaana ka soo horjeeda Shareecada Islaamka iyo Distoorka Qaranka.." miyaanu meel ka dhac ku ahayn golayaashii sharci dejinta iyo waaxdii fulinta ee intuba ansixiyey Xeerka Saxaafadda? Maxkmadda Gobolka Hargeysa, Maxkamadda Racfaanka, iyo Maxkmaddda Sare seddexduba wey ku xadkudbeenka Distoorkii Qaranka ka dib markay isku raaceen ku dhaqanka xeerka Ciqaabta Guud ee asalkiisu ka soo farcamay isku dhafan shuruucdii Talyaanigu Soomaali koonfureed u dejiyey iyo xeerkii Ciqaabta ee Baaniyaalka. Xeerarka noocaas ahi Shareecada Islaamka iyo jiritaanka Soomaliland intaba waa ku liddi. Su’aal: Maxkamadda Gobolka iyo Maxkamadda racfaanku xaq miyey u leeyihiin fasiraada iyo laalista xeerarka golayaasha sharci dejintu hore u ansixiyeen? Jawaabtu hadday maya tahay sow sifihii loo maray iyo xukunka lagu riday suxufiyiinta Haatuf waxba kama jiraan iyo xaqdaro ma ah? Koleyba sumcad xumo wax aan ahayn lagama korodhsan xadiga wariyeyaasha Haatufe xoryadood shuruud la’aan ha loogu soo celiyo.
Sida ku cad xeerarka saxaafadda ee dunidu inteeda badani ku dhaqanto wixii gef ah ama meelka dhac ee saxaafadda madaxa bannani geysato waxa lagu maareeyaa sharciyada MADANIGA ah waana mid caalamku ka siman yahay. Sida aynu ogsoonahay dacwaddii dilka ahayd ee lagu soo oogay ninka Maraykanka ah ee la yidhaa O.J.Simpson markii lagu waayey, waxay markiiba dacwaddii isu bedeshey madani, xukunkiina wuxu ku dhammaaday in O.J.Simpson uu bixiyo adduun magdhow ah bixiyo.
XEERKA SAXAAFADDA SOMALILAND
Dalkeena waxa ka dhaqan galay xeer saxaafaddeed oy nsixiyeen golayaasha sharci dejintu, Madaxweynuhu saxeexay, warbaahinta rasmiga ahna lagu faafiyey. Distoorkii ummaddu u codaysayna wuxu qeexayaa in uu reeban yahay ku dhaqanka shuruucda lidka ku ah shareecada Islaamka iyo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. Xaqiiqada jirta haddii ay sidaas tahay maxaa garsoorka iyo ha'adaha hoose yimaada ku kalifey in ay adeegsadaan Xeerka Ciqaabta Guud? Xadhiga suxufiyiinta Haatuf wuxu galaaftay sumcaddii aynu adduunweynaha ku lahayn siiba markii laga war helay in maxkamaddu xukunka ku riday xabsi gudihiis taas oon caalamka aynu ku noolnahay dhaqan u ahayn. Dhaawaca arrintani dalka u geysatay ka soo kabashadeeduna muddo dheer ayey inagu qaadandoontaa. Mar haddaan eedaysanayaashu ahayn dar khiyaamo qaran ku oogantahay, maxaa kalifey in xabsi dhexdii lagaga dhawaaqo go’aanka maxkamadda? Waa dhaco adduunyada ku uguba.
Iyadoo tan hore ummaddu la amakaagsantahay ayaa maarayntii Gudigii Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Wakiiladu u kordhiyey muddadii ay xilka sii haynlahaayeen muran iyo isafgaranwaa ka dhex abuurtay waaxdii sharci dejinta iyo tii fulinta. Miyaanay haboonayn in axsaabta qaranka, golayaasha, iyo xukuumaddu marka hore ku heshiiyaan tirada, saami qeybsiga, iyo muddo kordhinta intaba. Xalku wuxu ahaa in dhinacyada arrintu khuseysaa wadatashi iyo isu tanaasul sameeyaan ama muddo kordhinta Komishankii hore ha noqoto ama xulidda ku cusuba ha noqote.
Marka horeba waxay ahayd in la isla meeldhigo cidda leh awooda muddo kordhinta. Sideebay wada shaqayni uga dhex abuurmaysaa Xukuumaddii iyo Golihii sharci dejinta? Mar haddii hawshu ahayd mid muddaysan xilwareejini waa hubaal, hase ahaate iyadoon ciddii xilka la kala wareegi lahayd kal dhimantahay maxaa xukuumadda ku ajburay in maalin Jimce ah oon cidiba shaqaynayn ay xilwareejin sameyso? Haddii sidan arrimuhu ku sii socdaan waa burburkii dalka oo bilowday.
Sida xeerka saxaafadda qeexayow haddii shakhsi mihnadiisu saxaafadda la xidhiidhaa xad uu gub geysto sifaha loola dhaqmayaa waa in ahaato mid wafaaqsaan xeerka madaniga ah. Distoorka dalka iyo shareecadda Islaamka midna ma ogola in muwaadinka sumcadiisa, karaamadiisa shakhsiyeed, sharaftiisa, iyo dadnimadiisa midna meel lagaga dhaco ama lagu waxyeeleeyo warbaahinta. Arrimaha noocaas ah waxa la yidha ceebayn, magac dil iwm.[ defamation, libel, slander etc] waxana luga dhaqaa xeer madani ah sidaan kor ku soo sheegay. Mar haddii arrintu sidas tahay Wargeyska Haatuf waxan uu soo daabacay oo wax ka qoray fadeexad musuqmaasuq [Corruption scandal]. Qarnigii dhammaaday fadeexadihii dhulgariika siyaasadeed abuuray waxa ka mid aha tii 1963 ku habsatay Wasiirkii Gaashaan dhiga Ingriiska ee la odhan Jirey Mr. John Profoumo ee sababtay iscasilaadii Ra’iisul Wasaare Harold Macmillan; waxa kaloo jirtey fadeexadii “Watergate” ee Madaxweyne Richard M. Nixon galaafatay; sido kale Ra’iisul Wasaarihii Talyaaniga Mr. Bettino Craxi isna fadeexad musuqmaasuq ayaa maxkamad lagu soo taagay. Haba yarate ma jirto xukuumad fadeexad la’aan muddadeedii ku dhammaysatay.
TAARIIKHDA XEERKA CIQAABTA GUUD:
Xeerka Ciqaabta Guud wuxu ka mid ahaa shuruucdii dalkii la isku odhan jirey jamhuuradda Soomaaliya waxana la ansixiyey 1962. Xiligaas waxa wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa Abdirezak "Taarwale" Haji Hussein; wasiirka Cadaaladdana waxa la odhan jirey Ahmed Gheele Hassan[May 1962-April 1965]. Kani ma aha Gheele dad qalkii Maxkamadda wareegta ee sarajooga dilka ku xukumi jirey.
Meesha waxa ku jirta mucjisad ka weyn xadhiga suxufiyiinta Haatuf. Sida dadka qaarkii xusuusanyahay Dec. 10dii 1961 waxa Somaliland ka dhacay afgambi dhiicisoobey. Sarakiishii "Somaliland Scouts" ee afgambigu ka dhicisoobey waxa lagu oogay dacwad deldelaad ah, kiiskuna wuxu dhammaaday 1963. Sida aad aragtaan Xeerkan Ciqaabta Guud waxa loogu talagalay in ragii afgambiga hormoodka ka ahaa lagu khaarajiyo. Taas ma dhicin oo eedaysanayaashii ayaa noqon waayey muwaadiniin u dhalatay dalkii dacwada ku soo oogay.
Si loo cabiro dareenka dadweynaha reer Somaliland ayaa waxa xamar ka yimid 1962 wefti uu hoggaaminayo Abdirezak iyo xubno ka tirsanaa golihii wakiilada ee wakhtigaas. waxa iyana xiligaas isasoo tarayey warar sheegaya in Saraakiisha reer Somaliland dil toogashu ah lagu xukumidoono. Weftigii oo Hargeysa ku sugan ayaa habeen niman waxgarad ahi ka hadleen fagaaraha khayriyada Hargeysa. Waxa ugu horeyntii madasha ka hadlay nin Alle naxariiste la odhan jirey Cumar Hadraawi oo ka yara walaacsan toogashada. Ka dib waxa hadlay nin isna la odhan jirey Alle ha u naxariiste Jaamac Saalax. Jaamac hadalkiisii wuxu ku bilaabay oo yidhi, " Wallaahi baan lagu dhicin in la toogto. Ma annaga oo nool aya ubaxii dalkayaga nalagu hor toogan? Wallee in aan taasu dhacayn." Ubaxa uu Jaamac Saalax ku dhaaranayey waxa ka mid ahaa Cawil Cali Ducaale- Wasiirka maaliyadda ee Somaliland oo maanta ka mid ah xisbiga talada dalka haya. Waxan filayaa in Cawil Cali Ducaale xasuusanyahay maalintii afgambigu dhicisoobey ee isaga oo dhaawac fudud qoorta kaga yaalo la laga soo qabtey Berbera lana keenay "Payment Ward" ka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa. Maalintaa dadweynihii Hargeysa ku dhaqnaa waxay isku xeereen Cisbitaalka si aan halkaa loogala bixin. Cawilow xildhibaanada ku dhuumalaysana xaydaanka Golaha wakiilada ma waxa isla garateen Xisbi ahaan in aad Somaliland ka dhaqan gelisaan Xeerkii adiga iyo saaxiibada la idin kula beegsaday deldelaada?
TAARIIKH LAMA ILLAAWAAN
Iyaba waa cibaaro Alle filimkan mareegtiisu dib u socotaa muxu daaranyahay? Shan iyo afartan sanno ka hor arrinta sidaa looga dhidhiyey maxaa dib inoogu soo celiyey? Su'aalahan jawaabtood waxaynu ka sugi xildhibaanada seddexda maalmood gaafwareegayey xaydaanka Golaha Wakiilada si aanu u qabsoomin kooraamka shirkii dib loogu eegayey xeerka saxaafadda. Mudanayaashu iayaga oo mahadsan ha is waafajiyeen mabda'a aynu aaminsanahay ee ka midaysanahay ee ah in wixii la isku odhan jirey Jamhuuriyadda Soomaaliya lagu kala guuray, iyo ku dhaqanka Xeerka Ciqaabta ee loo sameystey in muwaadiniin inaga mid ah lagu deldelo. Haddii taa la waayo macnaheedu so ma aha: war ma qabtaane maalin dhowna ka dhegeysta idaacda "Sama diido dabinbaa ku dhigan lagugu dili doono." Xildhibaanow bal ummadda ka dhaadhiciya sababta aad ugu dhegantihiin xeerkii dalka aynu kala go'nay. Bal si kale an u dhignee: mar haddaad aaminsantihiin ku dhaqanka xeerarkii Soomaaliya ka badheedha oo dhaha lama kala go'ine weli gobol ka mid ah ayeynu nahay?
Xildhibaanada sidaa u dhaqmayoow ummaddii idin igmatay waxaad u sheegteen hadaba inta xukunka haysa ayaa dadka iyo dalkuba u afduubayihiin? Miyeydaanse maqal gabaygii Alle ha naxariiste Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Jaamac uu lahaa:
Waxan ahay ni waayaha adduun wax uga muuqdaane
Waxyi iguma soo dego haddana wax ima seegaane
Nin Wadiifad haystaa hadduu wadi aqoonwaayo
Wakhtiguu u jecelyahay ayaa kursiga laga wareejaae
Nin kalo gabyey isna wuxu yidhi:
Aahin yaa shacbu low kunta tadrii maa waraa'a sitaarin min mawji hamsin
“Shacbiyow hadii aad ogtahayhoos u xanshashaqa daaha dabadiisa”
La nafa alnowmu min jufuunika sawtun haalanii samcahu
“Cod maqalkiisu iga argagixiyey hurdoba dhaban maad dhigteen”
Aahin yaa shacbu kam min cumrika tamdii fii dalam al-assa wa axsaani An-nafsi
“Shacbiyow intee baad noloshaada ku qaadantoona mugdi iyo tiiraanyo”
GEBAGEBO IYO GUNAANAD
Hirdanka iyo loolanka ka dhexeeya axsaabta mucaaridka ah iyo xukuumadda Somaliland macneheedu ma ah in ummadda jahawareer siyaasadeed lagu rido. Mabaadii’da iyo afkaarta ha lagu kala duwanaado, laakiinse waa in laga midaysnaada isku aragtina laga yeesha mustaqbalka iyo halka aynu higsanayno. Waa in aan marnaba la ilaawin duruufah siyaasadeed ee mandiqadda ka jira iyo siyaabaha ay arrimahaasi saamayn inoogu yeelan karaan. Danta ummadda aya marwalba ka horeysa ta xisbiga iyo ta shakhsigaba. Xil qabashaduna waa waajib wadani ah oo muwaadinku xaq ayuu leeyahay in uu aqoontiisa, waayo aragnimadiisa, iyo hantidiisaba dalkiisa wax ugu qabto waana u siman nahay.
Wa Billaahi At-Tawfiiq
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse iyo Mustafa Cabdi cartan
March 10, 2007.
No comments:
Post a Comment