Wednesday, March 21, 2007

Madaxweyne Rayaale Oo U gudbiyey Maxkamada Sare Go’aankii ay Wakiilada Ugu Cusboonaysiiyeen mudadii xilka Komiishanka Doorashooyinka

(Hadhwanaagnews) Hargey(HWN):Madaxweynaha Somaliland Md, Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay inuu shalay Madaxkamada sare u gudbiyey go’aankii ay golaha wakiiladu mudada labada sanadood ah xilka ugu cusboonaysiiyeen Komiishanka doorashooyinka qaranka, kadib markii uu goluhu hor joogsaday ama uu dib u celiyey xubno komiishan cusub ah ee uu madaxweyne Riyaale u soo gudbiyey golaha, sidaa waxa xaqiijiyey ilo xogagaal ah oo ku dhowdhow madaxtooayda, waxaanay wararku intaas ku dareen inay u jeedada uu madaxweyne Rayaale go’aankaas ugu gudbiyey maxkamada sare ay tahay inay daadufadeyso, isla markaana ku tilmaamto go’aan sharci darro ah.

Riyaale oo filaya inay maxkamadu tiisa raacdo, taasoo u saamaxaysa inuu dib ugu celiyo golahu wakiilada. Madaxweyne Riyaale ayaa kaanbeyn culus ugu jira inuu ka meel mariyo komiishankii ay Golaha wakiiladu dib xilka ugu cusboonaysiiyeen, waxaanu madaxweyne Rayaale uu filayaa inay maxkamada sare jawaab degdega ka siiso arrintaas.

Weriye, Mustafe-Janaale

Hargeysa,Somaliland

janaale94@yahoo.com

No comments: