Saturday, March 24, 2007

Madaxweyne Riyaale oo u magacaabay Afhayeen cusub Madaxtooyada

(Waridaad)- Hargeysa- Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa magacaabay Afhayeenka cusub ee Madaxtooyada maanta, toddobaad ka dib geerida Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada, Marxuum Cabdi Idiris Ducaale.

Madaxweyne Riyaale oo xeer Madaxweyne oo uu maanta soo saaray, waxa uu magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada isla markaana ah taliyihiisa dhinaca arrimaha Warbaahinta mudane: Siciid Caddaani Mooge.

Afhayeenka cusub ee Madaxtooyada, ayaa ah nin magaciisu ku cusub yahay Saxaafadda gudaha Somaliland. Waxaana la sheegay inuu mar ka tirsanaa shaqaalaha Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

No comments: