Saturday, March 24, 2007

Buubaa oo waji qabax la yuurura gabi cidla ah

(Waridaad) Sida ay ku soo warameen sxb-da safka hore JSL waxa la soo sheegay in loo xoog sheegtay Ismaaciil Buubaa. Ismaaciil Buubaa waxa laga hor-is-taagay safar shaqo uu ku tegi lahaa Sacuudiga.

Buubaa oo lagu martiqaaday in uu uga qayb galo DF-da Imbigaati shir ay dalalka Carbeed ku leeyhiin dalka Sacuudiga. Halkaas oo dayuuradii loo soo diray ay madhnaan ku laabatay iyada oo aanu ku guulaysan in ay sii qaado Buubaa salaasadii hore. Waxaa isla maanta ka dhoofay Muqdisho Geedi oo ka qayb gelaya shirkaas markii hore lagu casumay Buubaa oo looga itaal roonaaday in lagaga reebo.

Geedi oo looga fiican yahay afka Carabiga lama garan sababta uu xataa u sii kaxaysan waayay Buubaa oo markii horeba Carabaha ku soo xidhay DF-da Imbagathi.Si kastaba ha ahaatee waxa Buubaa ku soo baxday xikmaddii ahayd in aan xiniinyo kuwa kugu jira ahayn ee ay yihiin kuwa lagula garab taagan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, maanta Buubaa Kenya ayuu godoon ku yahay.




No comments: