Thursday, March 15, 2007

Somaliland: Khiyaamada Qaran ee Riyaale iyo Xukumaddiisa ay ka Gashay Ummada iyo Dalka #1

(Waridaad)Rumeysta ama ha rumeysanina; Heerka la idinla gaadhay yaqiinsada ama isla qabweynaada oo kiiska iska waala; U guuxa oo ayidda ama dhayalsada khiyaamada la idinla beegsaday; Ku soo toosa xumaha iyo nacabka oo baraaruga ama hurdadiinii iyo khuuradiini dheerayd dib ugu noqda; Ka dhiidhiya oo wax iska caabiya ama Sahashada dulmiga la idinku fulinayo kuna hadaaqa “Ma anaaga waalan, mise Cadan baa laga heesaya”; Khataraha la idiin dabaalsiinayo dhabarka u sii rita ama ka muquurta oo is daba qabta oo ummada iyo dalka badbaadiya”.

“Si kastaba ha ahaate, waxa la idinkula kacay ee idinku fulaya, waa burburkiina, baaba’iina, hoogiina, iyo jabkiina (Eebe kama dhigoe) taasoo la idinla rabo guumeysi dambe, dulmi dambe, gumaad dambe, dhaxal wareejin dhuleed oo dambe, iyo gunnimo baaxad weyn taasoo ah xaqiiqo cadaana oo aan asaraar la gelin karayn oo marag ma doonto ah; arrinkuna waxa weeye, marna taagtaa marna tamartaa iyo adiga lee waaye”.

Curyaamin Idaacad Qaran:

Ifka iyo Caalamka laguma arag ummad iyo dal dhan oo doonaya inay caalamka ka iibiyaan qadyadooda xaqa ah iyo jiritaanka dalkooda hooyo misna dalkoodi iyo ummadoodi uu cadow tamar yari kala dhantaalay qayb dhano balaadhana iska haysto oo Xukuumaddoodii looga baahnaa difaacooda, mideytooda, wargelintooda, iyo wacyi-gelintoodaba ay ku sii daawanayso idaacadaha farabadan ee nacabka iyo cadowgu uu u adeegsado shacbigeedii si ay baroobagaandahooda iyo munaafaqadooda ay ugu fidiyaan oo ay dhegaha kaga buuqaan oo ay khalkhaliyaan oo wadaninimadooda, midnimadooda, maskaxdooda, maankooda, iyo yuhuuntoodaba waxyeeleeyaan taasoo si kas ah oo marag ma doonto ah ay xukumadaasii 16 sannadood ka dib, ay weli meesha la soo yuururto Idaacad yar oo daciif ah (Radio Hargeisa) oo tiiro gaaban oo aan magaalo madaxda Hargeisa dhaafin oo aan ummadda iyo dalkana wada gaadiin; misna sannad walbana si been abuur ah miisaaniyada ugu darsata boqolaal kun oo doolar iyadoo ku andacoonaysa “waxaan soo iibinaya idaacad shacbiga iyo dalka oo dhan gaadha” sidaasna lagu lunsado hantida yar ee ummada iyo qaranka; misna muwaadiniinteediina ka hor taagaan inay iyagu keensadaan idaacado, mabdacado, iyo joornaalo gufeeya galdaloolooyinkaas nacabku iyo cadowgu ka soo dhex dusayo!! Hadaba, waxa halkaa inoogu cad shirqool habeysan oo lagu fulanayo ummaddan iyo dalkan taasoo ujeeda laga leeyahay uu yahay:

  1. In la curyaamiyo gebi ahaan Wasaarada Warfaafiinta iyo Wacyi Gelinta Jamhuuriyada Somaliland.

  2. In la curyaamiyo Idaacada Qaranka ee Radio Hargeisa ee Jamhuuriyada Somaliland.

  3. In la curyaamiyo guud ahaan hawlaha kala duwan ee Qaranka ee Warfaafineed iyo Wacyi Gelinneed ee Jamhuuriyada Somaliland.

  4. In la curyaamiyo hawlaha Qaran ee la xidhiidha Kicinta, Abaabulka, iyo Baroobagaadaha Jamhuuriyada Somaliland.

  5. In la curyaamiyo hawlaha warfaafineed iyo Wacyi Gelinneed ee xisbiyada mucaaradka ee Jamhuuriyada Somaliland si aaney ugu adeegsan Idaacad Qaran oo ummadda iyo dalka wada gaadha.

  6. In la curyaamiyo dhamaan wararka ku saabsan hawlaha siyaasadeed, dhaqaaleed, iyo bulsheed ee Jamhuuriyada Somaliland; iyo guud ahaan qaabka ay shacbigeenu ka helaan wararka gudaha iyo debeda.

  7. In loo fasaxo lagana hortegin Idaacadaha shisheeye si ay ummaddeena iyo dalkeena ugu fushadaan Warfaafiintooda iyo Wacyi Gelintooda iyo baroobagaadahooda nacabnimadu iyo cadowtinimadu ku jirto sida kuwa maamulka tamarta yar ee qabiileystaha ah ee Majeerteeniya, kuwa Dagaal Oogeyaasha Muqdisho, BBC-da, VOA-da cusub, iwm kuwaasoo waxyeelo weyn ku haya shacbigeena Gobolada Bari gaar ahaan Gobolka Togdheer, Gobolka Sanaag, iyo Gobolka Sool.

  8. In loo fasaxo Idaacadaha nacabka iyo cadowga barobagaadahooda xoogan ee joogtada ah si loo xumeeyo yuhuunta shacbigeena oo shaki iyo wis wis laga geliyo xornimadooda, nabadgelyadooda, geedi socodkooda, aayahooda, iyo qadyada iyo jiritaanka Somaliland loona adeegsado beer la xawsi ku saabsan midnimo been abuur ah, federaalnimo aan waxba ka jirin, iyo mabda’a Somaliweyn ee waa hore dhintay lana aasay.

  9. In loo fasaxo idaacada shisheeye ee naxliga iyo xumaha xambaarsan, in marka uu dagaal ina dhex maro, ay shacbigeena loo adeegsado barobagaando xoog leh oo xawli u socda si ay inoogu soo waalaan warar xambaarsan dhiilo, jab, hoog, iyo halaag inagu dhacay oo been abuur ah si loo niyad jebiyo loona cabsi geliyo ciidamadeena, shacbigeena, iyo qarankeena.

Sidaas daraadeed, halkaa waxa ku cad oo aan la asaraari karin: Khiyaamada Qaran ee Riyaale iyo Xukumadiisu ay ka gashay Ummadda iyo Dalka Somaliland taasoo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto sharcigana la soo taago cidii dembigaas Qaran Dumiska ah weli inagu fulinaysa. Hadaba, marxaladan adag ee ina soo food saartay ee ka aloosan geyigan Geeska Afrika, ayaa inoo saamaxayn inaanu arrintan sii eegano waxaana loo baahan yahay Idaacad aanu u adeegsano hawlaha muhiimka ah ee Warfaafiinta iyo Wacyi Gelinta, iyo Kicinta iyo Abaabulka iskagana caabino barobagaandaha sumeysan ee idaacada shisheeye gaar ahaan kuwa Majeerteeniya iyo kuwa TFG-da; waana:

TALO

In mudo bil gudaheed ay Xukumaddu ku keentaa Idaacad FM ah oo ummadda iyo dalka wada gaadha, inta Radio Hargeisa dib loo habeenayo.
In mudo bil gudaheed ay Xukumaddu u fasaxdaa in muwaadiniintu keensan karaan Idaacad FM ah oo ummadda iyo dalka wada gaadha haddii, aaney iyadu wadaninimo, karti, dhaqaale u hayn.
(la soco qaybta # 2 oo aan kaga hadli doono Dekeda Qaranka ee Berbera….).

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

No comments: