Wednesday, March 14, 2007

Carab ma ihine hayna caayina

Meel kasta oo laynaga saraba waxaynu nahay dad madaw oo ku tafiiran abtirsiimo ahaan dadwawga madaw ee loo yaqaan ilma Haam.

Haddad carabku tidhaa carab baan ahaynwuu kula yaabayaa oo iskuma eekidin muqaal ahaan.

Carbtuna waa Qaxdaniyiin iyo Cadnaaniyiin beelaha ay u kala kacaanna waa la yaqaan oo waxaa jira kitaab la yidhaa : Kitaab Ansaab Al Carab. kuma jiraan qaabilka Somaliland iyo Somalida kaleba.

Nin carab ah ayaa igu yidhi : Ninka Carabka ahow? Kolkaasaan idhi Ninka Afrikaanka ahaw?

Kolkaasuu igu Yidhi: Anigu Afrikaan ma ihi. Markaasaan idhi: oo Haddaa manaa carab ah halkeed igala qaaday. Wuu ka faanayaa Afrikaanimanda ana waan ka faanayayaacarabtan iyo waxan uu sheegayo.

Ummad kasta halkuu xididkeedu ku arooro way ogtahay kuna faantaa. Sida uu sheegay walaalkeen Badmaax: Dastuurka ha laga tiro intaan beenta ah ee ku qoran. Laguma abtirsan karo cidaanad ahayn. Carabta waxay ilmadeer yihiin Yuhuuda.Yuhuudu waa Ilama Yacquub ibn Isxaaq ibn Ibrahim,Carabtu waa :

Ilma Ismaciil ibn Ibrahim oo laba walaalo ah oo kala ah Ismaciil ibn Ibrahim, iyo Isxaaq ibn Ibrahim yaa kal dhalay Halkeebay nu iska soo galnaa idinikaan idin wediiyay. Nebiguna wuxuu yidhi: " Man intasaba bi qayri abiihi fa qad kafara." Ka sheegta aabe aan dhalin wuu gaaloobay.

Kuwaa carabta la yidhaa kooda muslimka ah ayaa diintu ina kulmisay oo weliba laynooga baahanyay inaynu ka feejignaano ayagoo carabtu yihiin dad midabeeya oo diinta waxyaalo kale ugu soo gabada.

Ahmed Aw salawaad

Ahmedesa@hotmail.com

saudi Arabia

No comments: