
Si rasmi ah daboolka loogama qaadin siideynta suxufiyiintaas.
Hase yeeshee, warar aanu ka helay Ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne Riyaale saaka saxeexay warqad uu cafis ugu fidiyey suxufiyiinta xidhan, taas oo maalmihii u dambeeyeyba laga filayey Madaxweynaha, balse uu la naawilayey in odayayn qabiil oo uu doonayey inay ku soo qanciyaan Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo suxufiyiinta la xidhan inay aqbalaan cafiska, labada dhinacbana (Madaxtooyada iyo suxufiyiinta Haatuf) is raalli geliyaan, ka hor inta aanay soo gaadhin wefti Midowga Yurub.
Hase yeeshee, weftiga Midowga Yurub oo ku soo kediyey ayaa saaka ka soo deggey gegida diyaaradaha madaarka magaalada Hargeysa, isla markaana toos u tegey jeelka Mandheera ee ay ku xidhan yihiin suxufiyiinta Haatuf, halkaas oo ay kaga sii horreysey warqadda cafiska siideyntu.
Dad aad u fara badan ayaa u tegey Mandheera si ay u soo gelbiyaan suxufiyiintaas.
C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa
No comments:
Post a Comment