Tuesday, March 27, 2007

Jawaab Kooban oo Ku Socota Afhayeenka Xisbiga UCID ee Yurub

(Waridaad) - Marka hore, waxaan halkan ka cadeynayaa in “paragraph-ka” kowaad mooye, aanan wada akhriyin qoraalka Dr. Maxamuud Maxamed Cabdillahi (Cirro) oo ah Afhayeenka Saxaafada UCID ee Qaraadda Yurub ee cinwaankiisu yahay, “RAAD-TIRID: Beenta Qayaxan ee Lagula Kacay Xisbiga UCID War-Saxaafadeed Kasoo Baxay Afhayeenka Saxaafada Yurub ee Xisbiga UCID” taariikhdiisuna ahayd March 26, 2007 kaasoo aad ka akhrisan karto mareegtan: http://www.hadhwanaagnews.com/ .

Hase yeeshee, markii aan guud ahaan dushaas ka eegay War-saxaafadeedkaas, waxan ka kaaftoomay in aan wada akhristo ka dib, markii aan judhiiba ku arkay cinwaanada yar yar (sub-headings) sida: “BEEN QAAWAN”, “22 BEENOOD iyo 1 RUN AH!”, “AF-XUMO”, “CADUUR DHAW-DHAWDU UMA DHACSANA”, iyo iwm ah weedhahaasoo aan meesha qaban kana turjumayn waxyaabaha laga hadlay ahaydna aflagaado cadaan ah oo aan ku habooneyn mas’uul sarre oo Afhayeen u ah xisbi siyaasadeed, isla mar ahaantaasna, ku hadlaya magaca xisbi siyaasadeed dhan iskuna dayo inuu si qaldan oo aan ka fiirsasho lahayn uu u dadafeeyo Badheedhahii shabakada http://www.soyaal.com/ kaasoo aad ka akhrisan karto mareegtan: www.sooyaal.com/?w=show&id=2755 . Sidaas daraadeed, qaliin (surgery) ama falanqeyn buxda ku sameyn mayo qoraalkaas bilaa micnaha ah ee ceebeysan ee habka iyo dhaqan siyaasadeedka dimoqraadiyada ka dhacsan.

Dhinaca kale, waxaan halkan ka cadeenaya inaan wada akhriyey badheedhaha shabakada http://www.sooyaal.com/ ee cinwaankiisu yaahay, “Isbed Bedelka Mawqifka Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo Gaadhysiiyey Xisbiga UCID Sumcadii Ugu Hoosaysay, Waxay Reer Hargeysa Ula Baxeen Canbaro Baqash” kaasoo waxyaabo macquul ah oo jira soo bandhigay cinwaankiisuna aaney ka been sheegin iyo naaneysta Guddoomiya loola baxay oo run cad ah kaasoo aad ka akhrisan karto mareegtan: www.sooyaal.com/?w=show&id=2755 .

Intaas waxa ii dheer, in shabakaddu, ay run ka sheegtay guud ahaan badheedhaheeda kaasoo ka koobnaa 12 “paragraph” oo weliba afarta (4) paragraph ee ugu horeeyaa, ay wada run cad, faanis gaar ah, xayeysiis dadban, iyo amaan u yihiin Xisbiga UCID kuna haboonayd inaanu Afhayeenka Xisbigu iska dadafeyn!!!

Tusaale No. 1: “Muddo hal sannadood ka hor ah xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Somaliland Ee UCID waxaa lagu tirinaayey inuu ka soo kabtay taageero yaridii uu shacabka Somaliland ka haystay wakhtigaasi, isagoo doorashadii golaha Wakiiladda gobolada qaarkood labada xisbi ee kale tartan xoogleh kula gallay” taasoo aaney ka been sheegin—faanis gaar ah, xayeysiis dadban, iyo amaan weyna u ah Xisbiga UCID kuna haboonayd inaan laga abaalka dhicin iskana dadafeyn.

Tusaale No. 2: “Haddaad u fiirsato gobolada Saaxiil, iyo Hargeysa ayuu xisbiga UCID Cododkii ugu badnaa ka hellay iyadoo wakhtigaasi lagu jiray tartanka aqalka golaha wakiiladdana dad badan oo siyaasadda odorosaa ku tilmaameen inuu Xisbiga UCID si weyn uga soo kabtay guul darooyin waaweyn oo Xisbiga ka soo wajahay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday badhtamahii sannadkii 2003-dii” taasoo aaney ka been sheegin—faanis gaar ah, xayeysiis dadban, iyo amaan weyna u ah Xisbiga UCID kuna haboonayd inaan laga abaalka dhicin iskana dadafeyn.

Tusaale No. 3: “Xisbigu wuxuu gobolka Saaxiil ka hellay 4 kursi doorashada golaha wakiiladda isagoo la bar bareeyey xisbiga tallada dalka haya ee UDUB marka tirada guud ee cododka uu ka hellayna la eego wuxuu kaga horeeyey labada xisbi ee Kulmiye iyo UDUB, sidoo kale gobolka Hargeysa wuxuu Xisbiga UCID ka hellay 4 xubnood isagoo codod badan oo uu ku heli lahaa xildhibaan shanaad diriq ku sigtay” taasoo aaney ka been sheegin—faanis gaar ah, xayeysiis dadban, iyo amaan weyna u ah Xisbiga UCID kuna haboonayd inaan laga abaalka dhicin iskana dadafeyn.
Tusaale No. 4: “Waxyaabaha wakhtigaasi loo tirinaayey in xisbiga UCID ay rajadiisu soo kobacdo waxaa ugu weyna siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka xiligaasi ka dhex muuqday wajiga hore ee masraxa xisbiga UCID haddii aad u fiirsato musharaxiintii uu xisbiga UCID soo dhigay badka waxay ahaayeen kuwa ugu firfircoona ugu da'da yaraa waxaanay xagga aqoonta iyo sumcadda kaga jireen kaalinta labaad iyagoo ku soo xigay xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee Kulmiye musharaxiinta uu soo bad dhigay” taasoo aaney ka been sheegid—faanis gaar ah, xayeysiis dadban, iyo amaan weyna u ah Xisbiga UCID kuna haboonayd inaan laga abaalka dhicin iskana dadafeyn.

Dhinaca kale, waxa iyana aan muran ku jirin oo aan la asaraari karin waxyaabaha badheedhuhu xambaarsan yahay ama dhacdooyinka ku cad lixda (6) “paragraph” ee ugu dambeeya qoraalka:

Tusaale No. 5: “Ka soo qaad sannadkani 2007-da weedhahii is khilaafsana ee ugu danbeeyey ee ka soo baxay Afka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe bishii hore ee February ayaa Guddoomiyahu isagoo weraysi siinaaya telefishanka madaxa bannaan ee HCTV wuxuu ku sheegay in xadhiga suxufiyiinta wergeyska haatuf aanu lahayn qoomamo "haatuf imika lamaba iibsado, maxaa ku kelifay inay cid uun iska daba gasho, maxaa afar nin oo isku reer ah tusay, balaayiin dollar ayaa la dhacaa, waxaan garanaya ninka gaadhi iibsaday ee gaadhigii uu soo iibsaday dawladda hoose ee caasimadda ka iibiyey ee haddana isagii wata maxay haatuf kaasi u qori wayday, waxaan qabaa sheekada haatuf danno kale ayaa laga leeyahay" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, haddana laba todobaad ka dib isagoo ka hadlaya fagaaraha beerta Xorriyadda ee Caasimadda Hargeysa waxaa hadalkiisa ka mid ahaa "walaalayaal haatuf ha la soo daayo, caalamkii ayeynu ku ceebawnay, deeq bixiyayaashii waxay ku xidheen haatuf arrintooda nimankaasi xaq daro ayey ku xidhanyahiin dawladda waxaanu leenahay haatuf ha la soo daayo" taasoo run ah oo xita Habar Kuuley ee Abgaal, ay og tahay habooneydna inu Afhayenka Xisbigu ka fiirsado, waxa uu dadafeynayo iyo waxa uu jiidhsiin rabo Ummaddan aragtida dheer lehi ee feejigan.

Tusaale No. 6: “Guddoomiyahu bishii February ee sannadkani maruu weraysigaasi siinaayey telefishanka HCTV wuxuu ku sheegay inay soo dhawaynayaan isbedel lagu sameeyo sharciga koomiishanka oo loo qaybsado 3 xubnood, haddana maalmo ka dib wuxuu sheegay in sharciga yaalla uu yahay ka xaqa ah” taasoo run ah oo xita Habar Kuuley ee Abgal, ay og tahay habooneydna inu Afhayeenka Xisbigu ka fiirsado, waxa uu dadefeynayo iyo waxa uu jiidhsiin rabo Ummaddan aragtida dheer lehi ee feejigan.

Tusaale No. 7: “Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe wuxuu eed u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo uu ku sheegay casaabad la dagtay waddanka isla markaana wuxuu henjabaad ugu diray in maamuus ka xayuubin lagu samayn doono bishii august waa sannadkii 2005-tii, haddana bishii March horaanteedii ayuu khudbad uu ka jeediyey dugsiga xannaanada xoolaha oo laga furaayey degmada Madheera wuxuu ku sheegay in xubno seddexda xisbi ku jira oo golaha wakiiladda ka tirsani ay ku wadaan madaxweynaha maamuus ka xayuubin "xubno seddexda xisbiba ku jira ayaa ku wada madaxweynaha waxay ugu yeedheen impeachment, waxaanu leenahay waa shar wadayaal kuwaasi waxaanay duminayaan somaliland ee madaxweynaha kuma socdaan, waan u digayna waxaananu leenahay shaqadiinii ma garanaysaane shaqadiina garta" ayuu yidhi faysal cali waraabe” taasoo run ah oo xitaa Habar Kuuley ee Abagaal, ay og tahay habooneydna inuu Afhayeenka Xisbigu ka fiirsado, waxa uu dadafeynayo iyo waxa uu jiidhsiin rabo Ummaddan aragtida dheer lehi ee feejigan.

Tusaale No. 8: “Dad badan oo reer hargeysa ah ama reer somaliland ah ayaa markay siyaasadda ku qaxwaynayaan isweydiiya Faysal Cali Waraabe hadaladiisa iska hor iyo daba imanayaa ma ka siyaasad xumaa, ma laaluush ayuu labada dhinac ka qaata, ma ka garaad gaabnibaa, mise aqoontiisa siyaasadeed ayaa intaasi biday bal adiguba saar!! waxaanay reer hargeysa ugu magac dareen Guddoomiye faysal cali waraabe " Canbaro Baqashay" taasoo run ah oo xitaa ay og yihiin Hooyo Cambaro iyo Dib Jirka Hargeisa habooneydna inuu Afhayeenka Xisbigu arrinta baadhitaan ku soo sameeyo kana fiirsado, waxa uu dadafeynayo iyo waxa uu jiidhsiin rabo Ummaddan aragtida dheer lehi ee feejigan.

Tusaale No. 9: “Canbaro Baqashay: waxay ahayd islaan wax ka iibin jirtay halgamayadii Ururkii SNM wakhtigii lagu jiray duurka, waxaana wakhti wakthiyada ka mid ah geeriyooday ilaahay ha u naxariistee mujaahidkii weyna ee Maxamed Cali, markaasay dhalinyaradii iyo mujaahidiintii SNM ee ay wax ka iibin jirtay u sheegeen oo ay yidhaahdeen canbaro Baqashey maanta waxaa dhintay Maxamed Cali Aaskiisibana la tagayaa markaa arroorta waxba ha ku soo tallo galin, canbaro waxay ku maqnayd xisaabta berri ee shaaha iyo furinka ay iibin doonto, aroornimadii ayaa ileen canbaro may joogine ay la timid waxay iibin jirtay badka, waxaanay aragtay xeryahii mujaahidiinta oo madhan ileen aroortii ayay ku jarmaadeen aaska maxamed Caliye, waxaanay tidhi halkee loo guuray, waxaa lagu yidhi sawtii shallay lagu sheegay ee lagu yidhi maxamed Cali ayaa dhintay waxay la soo istaagtay "Hoogayeye ma maxamed calaa dhintay" faysal kolba marxaladda jirta bil ka dib ayuu baraaruga waana sababta ay reer hargeysa ugu magac dareen Canbaro baqash” taasoo run ah oo xitaa, ay ogaayeen FAQASH-tu una diyaar ahaayeen inay deldelaan Hooyo Cambaro marka ay gacanta ku dhigaan habooneydna inuu Afhayeenka Xisbigu taariikhdii Halganka dib u jaleecdo kana fiirsado, waxa uu dadafeynayo iyo waxa uu jiidhsiin rabo Ummaddan aragtida dheer lehi ee feejigan.

Tusaale No. 10: “Isweydiintu Akhristow Waxay Tahay Xisbiga UCID Ma wuxuu ku danbeeyey Shandad Ninkii lahaa kolba dukaan ka iibiyo bal adba isweydiiyo muxuu Xisbiga UCID Mustaqbalkiisa siyaasadeed ku danbayn ma ku sii jiri karaa hadafka isbed bedelaya ee Guddoomiye Faysal Cali waraabe ula magac baxay Canbaro Baqash Waa Su'aal u taalla intii taageerada u haysay Xisbiga UCID” su’aashaasoo meesha ku jirta shacbiga Somaliland-na, ay la yaaban yihiin siyaasad xumida iyo sal fudeydka Guddoomiye Feysal Cali Waraabe iyo hagardaamooyinka uu ku hayo Dimoqraadiyada curdinka ah, iyo hab dhaqankiisa guracan ee uu mudada dheer si cad iyo si dadbanba uu ku taageerayey Riyaale iyo Xukumaddisa taasoo Ummadda iyo Dalka dhaxal siisay Keli Talisnimo abuuranta, cadaalad daro, dulmi, horumar la’aan, iyo saboolnimo baaxad weyn raagaadisayna halganka loogu jiro aqoonsiga dalka una dhaqmaayo sida mas’uul iyo xisbi muxaafid ah ama sida Weere adhi soo dhex galay oo uu Danta Guud iyo Geedi Socodka Somaliland uu marba dhinac kaga imanayo taasoo cid walba u muuqata kuna dambeyn doonta buur siyaasadeed oo shaqsi ahaaneed iyo mid xisbi ahaaneedba.

hadaba, meesha cidlada ah ee uu Afhayeenka Xisbiga UCID ee Yurub ama guud ahaan Xisbiga UCID, ay ka boodeen si ka fiirsasho la’aan ah taasoo ay ugu wacan tahay sal fudeydnimada mas’uuliyiinta iyo siyaasad xumada lagu yaqaan Xisbiga UCID, waa labadan (2) “paragraph” ee hoos ku xusan:
“Xisbiga UCID ayaa wakhtiyadii ugu danbeeyey u muuqday mid afka uun ka jira balse aan lahayn wax mihnad siyaasadeed ah, xisbiga waxaa ka baxay masuuliyiintii ugu waaweynayd ee u ahayd xisbiga haadan lagu soo hirto, ka soo bilaw aas aasayaashii xisbigaasi waa Guddoomiyaha golaha wakiialdda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo horena uga noqday xisbiga UCID afhayeenka xisbigaas, iyo weliba Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, labada masuulba xisbigaasi way ka baxeen, waxaa iyaguna raacay rag kale oo sumcad siyaasadeed iyo magacba lahaa oo uu ka mid yahay Ganacsadaha weyn ee reer Hargeysa isla markaana degaan ah aan ka soo jeeda gobolka Togdheer Khadar Ambassador”, iyo
“Waxyaabaha ugu waaweyn ee loo aanaynaayo ama loo tirin karo in masuuliyiintii ugu faca, filnaanshaha iyo fiiradda dheerayd inay markeliya ka wada baxaan xisbiga ayaa ah guddoomiyaha Xisbigaasi Faysal Cali Waraabe oo dheelaya siyaasad aan falsafadeeda la fahmi karin, isagoo sida ilma yar oo socod hadaaq barad ah kolba maalin hadafka siyaasadeed ee Xisbiga UCID meel u jeedinaya”.

Run ahaantii, xisbi siyaasadeed si toos ah iyo si dadbanba, waa looga bixi karaa. Sida tooska ah ee xisbi looga baxona, waa la wada yaqaan oo taasi faahfaahin uma baahna; Sida dadban ee xisbi looga baxona, waxa ka mid ah marka uu mas’uul xisbiga ka tirsani uu cagligiisa iyo damiirkiisa kaashado oo ka baydho mooqifka guracan ee uu xisbigiisu ka duulayo ee ka hor imanaysa Danta Guud iyo maslaxada Ummadda iyo Dalka iyo marka uu isna Wakiil ka tirsan Golaha Wakiilada uu si xor ah ugu footeeyo mooshin xalaal ah ama uula safto kuwa mooshiinkaas haboon meel marin raba taaasoo keenta in loo arko inu mas’uulkaasi xisbigiisa dhabarka ka toogtay ama ka tanaasulay xisbiga keentana in lagu qaado anshax marin iyo cayris rasmiya.

Sidaas daraadeed, in labadaas “paragraph” ee kor ku xusan ay wax ka jiraan, waxa kuu cadeynaya dhacdooyinkan:

War-Saxaafadeedka deg dega ah ee Afhayeenka Xisbiga UCID ee Yurub soo saaray kaasoo loogu talo galay in si kulul iyo aflagaado aan meesha qaban loo dadafeeyo guud ahaan badheedhaha shabakada lana midka ah saalada muuqata ee sakaaradi is tidhi waad qarisay.

Shirka deg dega ah ee ay isugu yimaadeen mas’uuliinta Xisbiga UCID kaasoo si dadban loogu muujinayo inaan xisbiga laga bixin taasoo ka turjumeysa dhoola tus qaawan iyo qarin haan gunta ka daloosha; waxaanad arrimaha badheedha ku cad aad ka dhuuxi kartaa dhibka iyo burburka meesha yaala War-saxaafadeedka cinwaankiisu yahay, “Go’aamo ka soo Baxay Shir Ballaadhan oo Dhex maray Guddoomiya iyo Xildhibaannada Xisbiga UCID kaasoo aad ka akhrisan karto mareegtan:

www.somalilandcenter.com/content/view/3550/73/

Hadaba, su’aalaha meesha yaala waxa weeye:
Muxuu Afhayeenku iyo Xisbiga UCID, ay sida khaldan ee kulul ee anshaxa, habka iyo dhaqan siyaasadeedka ka baxsan ugu jawaabay shabakada http://www.sooyaal.com/ oo uu guud ahaan isugu dayey inuu dadafeeyo Badheedha shabakada ee macquulka ah?

Muxuu Afhayeenku iyo Xisbiga UCID, ay uga faa’ideysan waayen baroobagaande ahaan afarta (4) “paragraph” ee ugu horeeya badheedhaha http://www.sooyaal.com/ ee wada faanista gaarka aha iyo xayeysiiska dadban u ah Xisbiga UCID ee ay shabakadu ugu deeqday uuguna fidisay Ummada iyo Dalka, bilaa kharash?

Muxuu Afhayeenku iyo Xisbiga UCID, ay uga abaalka dhaceen faanistaas gaarka ah iyo xayeysiiskaas bilaashka ah?

Muxu Afhayeenku iyo Xisbiga UCID, ay uga fiirsan waayeen mooqiifka iyo dhacdooyinka guracan ee ku cad lixda (6) “paragraph” ee badheedhaha shabakada ugu dambeeya kuwaasoo wada ah run cad oo aaney cidina asaraari karin?

Hadal iyo dhamaantii, waxa Afhayeenka Xisbiga UCID ee Yurub aanu halkan ku cadeynaynaa inaanu siyaasi ahayn siyaasadana u bisleyn taasoo ku cad War-safadeedkiisa micno darada ah ee uu shabakada http://www.sooyaal.com/ si cad oo anshaxa ka baxsan loogu aflagaadeeyey, iyo Guddoomiya Xisbiga UCID oo isna qasbaaya siyaasada oo aan siyaasi hore ahayn welina aan u bislaan siyaasada si joogto ahna hagardaamo ku haya dimoqraadiyada iyo Danta Guud ee Ummada iyo Dalka mar walbana isagu lugta iska toogta; waxaana haboon dib u jaleecaan ama ay ogaadaan in doorashadii dhoweyd ee Golaha Wakiilada, ay footka balaadhan ku heleen arrimahan oo keliya sida a) Kalsooni darada shacbigu ka qabo Riyaale iyo Xukumaddiisa b) Hungada shacbigu ka qabo Xisbiga UDUB ee talada dalka haya, iyo c) Wedhahii aan eexashada lahayn ee tartarka doorasha lagu cel celinayey ee ahaa: “Ha loo footeeyo Xisbiyada Mucaaridka”, “Ka cun oo ka footee”, iwm.

Hadaba, haddii Guddoomiye Feysal Cali Waraabe iyo Xisbiga UCID, ay dadkooda dhinac ka raaci waayaan oo ay wax ka bedeli waayaan mooqifkooda guracan ee ka hor imaneysa Nabadgelyada, Danta Guud, maslaxada Ummadda iyo Dalka, qadyada, iyo Jiritaanka Somaliland una dhaqmi waayaan sida xisbi iyo mas’uulin mucaaradka ah oo ay ku sii dhaqmaan sida xisbi iyo mas’uuliin muxaafid ah ama sida Xisbiga UDUB, in labadoodaba xisbiba doorkan bada lagu shubi doono waxaana dhacaysa in foodka oo dhan ay isku fuuqsadaan Xisbiga KULMIYE ee wadaniga ah ee xoogan kaasoo ay hada shacbiga Somaliland u badan yihiin una heelan hanashada xukunka ay sida cad ugu bisil yihiin hada iyo horeyba.

Guul iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

(farah.jama@alumni.uottawa.ca)

No comments: