Monday, March 19, 2007

Taliyihii Baadhista Denbiyada CID-da Oo Xilkii Laga Xayuubiyey

(Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Taliayaha CID-da ee qeybta Hargeysa Saleebaan Muuse Xasan ayaa xilkii laga qaaday, isla markaana loo magacaabay taliyaha cusub ee CID-da Axmed Aw-cali Shabeel, sida waxa shabakada Hadhwanaagnews.com u xaqiijiyey ilo lagu kalsoon yahay maanta oo nala soo xidhiidhay.
Xilka qaadistani Waxay soo baxday kadib markii uu Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa,C/raxmaan Jaamac Hayaan qoraal uu soo saaray dhawaan ku amray in la soo xidho taliyaha ciidanka baashista Denbiyada ee Bileyska,Saleebaan Muuse Xasan, isla markaana isagoo maxbuus ah la horkeeno.

MaxkamadaWaaran qabashada oo ku taariikhaysan bishan 15/3/2007-ka, waxa uu gudoomiyuhu ku socodsiiyey taliyaha bileyska Somaliland inuu soo qabto,waxaanu ku eedeeyey inuu ku gafay qodobada 245,250 ee xeerka ciqaabta guud iyo 95aad ee xeerka habka ciqaabta.

Gudoomiyaha Maxkamadu waxa uu cuskaday qodobadaasi eedeynta ahi, kadib markii diiday taliyuhu amar ka soo baxay maxkamada gobolka, oo faraya in la sii daayo gaadhi Mark II lambarkiisuna yahay Sl 13370, sidoo kalena uu aflagaado ugu geystay dad muwaadiniina iyo garsooraha xafiiska dhexdiisa, halkaas oo ay marag goob joog ka ahaayeen dad isugu jira askar iyo shacab.

Waa markii ugu horeysay ee ay bulshada Somaliland maqlaan sarkaal ka mida dawlada oo ku gafay sharciga dalka oo loo diro waaran qabasho, isla markaana warbaahinta soo gaadhay inuu boolisku ka dhago adeegay soo qabashadii sarkaalka.haseyeeshee sababtay aakhirkii inuu kuwaayo xilkiisii oo iyana ah talaabo kale oo ay xukuumadu hore u qaaday.

Weriye, Mustafe-janaale

Reporter Hadhwanaagnews.com

Hargeysa, Somaliland

E-mail, janaale94@yahoo.com

No comments: