Wednesday, March 14, 2007

Wasiirow, Jooji. Meeday Idaacaddii qaranku ?

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Md. Axmed Xaaji Daahir warsaxaafadeed uu dhowaan sii daayey ayaan ku xusuustay Idaacad qaran oo dalka oo dhan laga dhegeysan karo oo dawladdu shacabka
u ballan qaaday inay hirgelin doonto. Miisaniyadihii 2005ta iyo 2006dii labadaba waxa lagu muujiyey kharash loo qoondeeyey Idaacad cusub oo dalka la gaadhsiiyo. Madax badan oo Madaxweynuhu ka mid yahay ayaa marar badan ballan qaaday dhismaha idaacaddan. Xafladii uu Axmed X. Daahir xilka
Wasaarada kagala wareegey saaxiibkii Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ahaa wasiirkii hore ee wasaarada waxay labadooduba isaga dambeeyeen oo ku bushaareeyeen in qalabkii cusbaa ee Idaacaddu uu diyaar yahay oo uu weliba yaalo dhismaha ama hoolka xafladu ka dhacaysey gudihiisa. Wasiirkii hore ayaa ugu hambalyeeyey wasiirka cusub inuu isagu nasiib u yeeshay furitaanka idaacadda cusub. Muddo badan ayaa hadda laga joogaa, rajana lagama qabo, dadka badankiisuna waxay hadaladaa ku qoreen buugga kaydka ee ay ku uruuriyaan Beenta Dawladda.
Hada aan markale anigu si gaar ah ku weydiiyee, wasiirow, Idaacadii ma biishkaa cunay ?

Wasiir Axmed X. Daahir waxa loo xilsaaray Warfaafinta Qaranka oo koobta Idaacadaha, Tvyada iyo Saxaafadda. Waa muraayada lagala socdo hadba halka dalkaasi marayo gudo iyo dibedba. Waa masuuliyad u baahan xirfad, dadaal, samir, khibrad,dulqaad,geesinimo iyo wadaninimo. hadaba, wasiirka ma lagu xushay sifooyinkan !

" waa maya". oo maxaa cadeynaya !" dee wasaaradii hore ee Qorsheynta ee uu xilka ka hayeyba waa kii ku ceeboobey". oo maxaa maxaa markhaatiya !" dee waqcado isdaba jooga ayaa jirey". Kow, waxa uu jebiyey sharciga shaqada ee muwaadinka ka dib markii uu Amina Weris ku Colaadiyey Silaanyo ee uu u diidey shaqadii ay imtixaanka ugu tartantay oo uu uga eexday nin u dhashay Kiiniya. Markii uu wakiilkii UNta u fadhiyey Hargeysa ka dalbaday inuu Kharash dheeraad ah siiyo ee la isla seegay ayuu wasiirku amray inuu dalka ka baxo isagoo aan cid la tashan".Waar waa daacayad ee naga daa ! "Xagay ka tahay sow tii UNtu waraaqaha soo qortay ee wakiilku hadlay ee dunidaba lagu shaaciyey". Waar dareen mar isoo gaadhey waa jiraye, oo weliba waxan maqlay intuu wasaaradan u soo wareegeyna laba gabdhood oo shaqaalihiisa ka mid ah ayuu ku yidhi Xijaabka iska roga'e waxan ku weydiiyo, Maxaa hadaa ina Riyaale ninkan ku doortay ! "Ma garanayo". oo ninyow, xagee ninkani ka yimid markii hore?

" waxa la lahaa xeryaha qaxootiga ee kanada ayuu mar joogi jirey. markii dambena waxa uu ahaa jaadle". oo ileyn wasiiraduba waa NSS iyo jaadle iyo mid sir qaran xaraashay iyo mid guulwade ahaa iyo mid ........iyo mid............ oo ileyn waa waxan loo weerarayo Wakiiladan shahaadadaha waaweyn sita ee afka loogu taagayo in dhoweyd.

Wasiika Warfaafintu dhowaan Warsaxaafadeed uu baahiyey waxa ka maqnaa xilkii laga rabey inuu ummadda wax uga sheego oo ay ugu weyneyd waxa uu ugu hiilin waayey saxafadda uu madaxda u yahay. Maxkamadii habeenka madow lagu qaaday suxufiyiintii Haatuf iyadoo laga talaabsaday Xeerka Saxaafada ee u degsan Somaliland wasiirku kuma soo qaadin hadalkiisa. wasiirku meel kale ayuu isku qaaday isagoo ku tilmaamay hoggaanka mucaaridka Iyo golaha wakiilada cadow burburinaya Somaliland. Inkastoo Warsaxaafadeedku dheeraa, marna ma soo qaadin Idaacadan aan daba joogo iyo Doorka wasaaradiisu ka qaadatay Ictiraafka uu sheegay inuu Madaxweynuhu ku hawlanyahay. Wasiirku haddii aanu la qabin madaxweynaha wuxuu odhan lahaa dhibaato ayaa inoogu jirta saxaafada oo la shirqoolo'e inaga daa. Isagoo og shuruudaha deeq-bixiyayaashu dalalka kula shuruutamaan ayaanu wasiirku waxba ka odhan. Xafiiska Nairobi ee dalalka deeqda bixiya waxa ka soo baxay war sheegaya inay dib uga fiirsanayaan kaalmadii ay u gudbin jireen Somaliland inyar ka dib markii Haatuf sharciga la jiidhsiiyey.

Laba arrimood oo uu ku guuldareystay ayaa malahayga iminka soo kicyey wasiirka. Tan hore waxay tahay isaga iyo raxan kale oo wasiiro ah oo in dhowydba ku dhex jirey Gobolka Awdal ka dib markii laga dareemay dadweynaha gobolku in ay soo dhoweynayaan isbedel siyaasadeed oo ku yimaada hogaanka dalka. Tan labaad oo ah iyadoo iminka ay cadaatay wada shaqayn iyo kalsooni ka dhex abuurantay wakiilada. Mooshinadii ugu dambeeyey ee wakiiladu ansixiyeen waxa si wada jir ah wakiiladu isugu af garteen inay meel ka wada istaagaan wixii maslaxad qaranka u ah. Golaha Guurtida oo iyana ku baaqay in la dhexdhexaadiyo khilaafka siyaasadeed ee soo dhex galay Wakiilada iyo dawladda. Madax-weyne ku xigeenka oo isna ku dhawaaqay in dawladdu wada tashi iyo gogol u fidinayso cid kastoo danta ummadda xil ka saaran yahay. Arrimahan ayaa kaga nixiyey Wasiirka iyo kuwa hadaladan uu ku celiyey kaga horeeyeyba.

Wasiirow, siyaasada gabowdey ee aad sheegtay waxaanu ka door bidaynaa tan cusub ee ah, "Qaataye-Qaado". Mujaahidiinta aad ku tilmaantay in aanu xiskoodu dhammayn waxaanu kaga kalsooni badanahay kuwa isu qaba inay fayo qabaan balse damiirka ka dhintay. Wasiirow, sidu sidii hore maaha. Isbedel baa jira. sii xidh-xidho wakiilada iminka waa ka go'antahay in bililiqada jeelka la isku geeyo'e. Haddi aad rabto inaad is badbaadiso nooga waran Idaacaddii cusbayd iyo halka ay ku dambeysey.

Cabdi X. Ciise
Abu Dhabi

No comments: