Wednesday, March 14, 2007

ICTIRAAF-DOONKA INTANAA KAAGA SOO HAGAAGTAY

Waxa hadhay wax ka yar toddobaad inta uu xidhmaayo arjigii ICTIRAAF DOONKA AH EE EMAILKA LOOGU DIRAAYO RA’IISAL WASAARAHA DALKAN BRITAN.WAXUU XIDHMAAYAA 21 BISHAN… Haddaba inagoo ogsoon halganka loo soo maray qaranimada Somaliland oo dhiig iyo maalba loo huray, inagoo ogsoon marxaladda adag ee siyaasadda iyo nabadda Geeska Afriki maraayo, innagoo ogsoon ahmiyadda uu leeyahay arjigani, marka loo eego hab-dhaqanka siyaasadeed ee dalkan Britan, waxaa looga baahan yahay muwaadiniinta reer Somaliland ee jinsiyadda Britan haystaa, inay arjigana magacooda ku diraan email ahaan, iyagoo boqanaaya halkan kana heli doona fariin cad oo u tilmaamaysa sida ay u buuxinayaan arjiga.

http://petition.pm.gov.uk/somaliland/ (Petition to ask the government of U.K to recognise Somaliland as sovereign state. Arji lagu dalbaayo in dawladda U.K ay aqoonsato qaranimada Somaliland ) Waxaan idiinku baaqayaa inaydun qofba qof gaadhsiiyo iyo inaan loo kala hadhin, waa arrin dhammaan aynu ka simanay doonisteeda, ma aha mid xisbi leeyahay, ma aha mid mucaarid iyo muxaafid kala leeyihiin, ma aha mid gobal leeyahay, ma aha mid reer leeyahay, waa waajib wadani ah oo qof qof inoo saran. Hawl qaran loo qabto oo ka hawl yar kana qiimo badani ma jirto, haddana waxa ka muuqda dhaliil, gaabis iyo hagrasho nacasnimo.

Waxa hadafku ahaa in la helo 10,000 oo qof halka ilaa manta aynu hayno wax ka yar 1800 oo keliya.. Maye dadkii banaanbaxa xooga badan ee dunidoo dhan looga riyaaqay bishii hore uun dhigay, mee kumaakunka degan daafaha London, maye reer Birmingham iyo Coventry, halkay jiraan xamaasadii reer Bristol, maye reer Cardiff iyo Newport, reer Manchester, Liverpool iyo Sheffied, mee jaaliyadaha dada yare ee Leicecter iyo Milton Keynes, Swindon iyo Slough..

Fadlan is tilmaama oo ayaamaha inoo hadhsan guntiga dhiisha iskaga dhiga. U hur laba daqiiqo dalkaaga, muuji jecelka qaranimo ee qalbigaaga ku jira, u dhaqaaq dhinaca computerka oo guji:

http://petition.pm.gov.uk/somaliland/ WAXAAN KA DALBAYAA WEBSITEYEADA SOMALILAND INAY BAAQAN U DAAYAAN INUU KU JIRO BOGGA HORE ILAA LAGA GAADHAAYO 21/03.07 OO TODDOBAAD KELIYI INAGA XIGO .

Ahmed Arwo

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Wales Cardiff, U.K. ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: