Lagama hadlin suxufiyiinta Haatuf. Lama weydiin inay Maxkamadda horteeda ka cadeeyaan musuq-maasuqa ay soo daabeceen. Waa markii iigu horeysey ee aan maqlo eedaysane aan difaac lahayn oo garyaqaan u doodaa jirin. Siyaad Barre ayaa ka xishooday inuu tan oo kale sameeyo markii maxkamad loo furay rag badan oo lagu soo eedeeyey inay afgembi ku keceen. fadhiga maxkamadu wuxuu qaatay muddo ah 30 daqiiqo. Haba yaraatee, lama soo qaadin nuxurkii dacwadda ee ahaa Musuqa iyo tuugada hantida qaranka. Sawirada Wargeyska Haatuf aynu ku aragno ee isugu jira dokumentiga, baaburta qaranka ee dawlada labada jeer wasiiradu ka iibiyeen ama dhulka danta guud ah ee sida gaarka ah loo sharciyeystay lagama hadal. Waxa lagu dhawaaqay Xukun hore miiska u sii yaaley. Horta Haatuf ha la waayo. Tuugadana halkii ha laga wado. Wasiiradow waa haleeeeeeeey! Garsoorkoow Waa Hantiyeeeeeeeeey!
Jeelka Mandheera oo markii ugu horeysey Maxkamada laga hoos furay waxan filayaa inuu caan ku yahay taariikhda Somaliland. Waxase uu sii caan baxay xilligii Halgankii SNM markaas oo odayaal aan dembi lahayn lagu xidhxidhay dabadeedna ciidan aan badnayn oo SNM ahi u badheedheen guutooyin askartii Siyaad Barre ah oo ka badan 1500 askari iyagoo jebiyey jeelka, maxaabiistiina sii daayey. Maanta hadii aan shacabku u hiilin cadaaladda oo suxufiyiinta Haatuf jeelka lagu eego, adigana eedeeyntu way kugu soo dhowdahay ee ogow. Kuma lihi hub qaado ee waxaan ku leeyahay codkaaga iyo damiirkaaga ku dhiiro inaad is hortaaagto garsoorka la is jiidhsiinayo.
Madaxweynaha marar badan oo wax laga weydiiyey xadhiga Suxufiyiinta Haatuf waxa uu sheegay in aanu isagu waxba ka qabin in lagu dhaqmo Xeerka Saxaafadda balse garsoorku ku doodayaan inay hayaan dembi cadaymihiisa leh oo ay Maxkamadda hor geynayan oo ku lid ah Suxufiyiinta Haatuf. waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka ballan qaaday Ururada xuquuqal-insaanka ee gudaha iyo debeda in sharciga saxaafada ee caalamka u degsan dawladdu ku dhaqmayso. Aniguse, marna ma rumaysto hadalka madaxweynaha maxaayeelay, intan oo dhacdo oo uu dadka iyo goleyaasha ka ballan qaaday inuu wax ka qabanayo midna halkii kama qaadin. Dhacdooyinkan isdaba jooga ahaa bal aan idiin tiriyo intaan ka xasuusto, kuwa aan ilaawana ku dar adigu. Tii Gobollada Sool iyo sanaag ee uu kula heshiiyey Goleyaasha, Xisbiyada, odayaasha in xal loo helo waa halkeedii. Dhacdadii Isbitaalka Hargeysa, tii Dunbuluq, Tii Mudaaharaaka Hargeysa iyo Berbera, markastoo uu ama baxayo ama dalka ku soo noqdo waxyaabaha uu saxaafada ka sheego oo aan gondihiisa dhaafin. Bal kuwii hore iska ilow waxad iminka eegtaa sawirada uu waasiirkiisa Arrimaha dibeddu soo geliyey mareegaha iyo hadalka uu inoo abuurayo. Intii aanu Madaxweynuhu dalka ka ambabixin Waraysi ay u fiicnaan lahayd inaanu afka u kala qaadin waxa uu sheegay inuu ka qaybgelayo munaasabadii Madaxbanaanida dalka Gaana. mar la weydiiyey inuu ka qayb gelayo shirka xarunta Koofi Anaan waxa uu sheegay inaanu shirkaa ka gaadhayn, hadana Wasiirku waa ka inoo soo sawiray. Muxuuse u sheegi doonaa madaxda hadiiba uu kala hadlo gooni-isutaaga somaliland markaa la weydiiyo waxa uu u laalay xeerkii saxaafadda aduunka. Muxuu ku qancin karaa calaamka marka la weydiyo waxa uu uga jawaabi la'yahay codsiyada isdabajooga ah ee loo soo qoray. aniga riwaayad bay ii tahay kalsoonoina kuma qabo isaga iyo wasiirkiisa toona. Adiguse, akhristow haddii aad si kale u aragto waad na soo gaadhi doontaa. Kiiska lagu qaaday suxufiyiinta Haatuf waa kii 1930kii. Waxa meel la iska dhigay xeerkii saxaafadda ee labada gole iyo madaxweynuhuba saxeexeen. maxkamdaha gobolka iyo racfaankuba waxay xeerka saxaafadda ku sheegeen mid aanay aqooni ka muuqan, duuduubna way ku laaleen. Haddana, Xeer-ilaaliyah dawladdu iyadoo aan cidiba la doodayn oo meel banaan uu keilgii maxkamada ka dhigtay, waxa uu marna soo qaadanayey xeerka saxaafadda, marna kii 1930kii. Ma aha nin shahaada iyo khibrad toona u leh sharciga ee waa nin CID ah oo bilado qaatay intii Haatuf jeelka la geeyey.
Madaxweynaha marar badan oo wax laga weydiiyey xadhiga Suxufiyiinta Haatuf waxa uu sheegay in aanu isagu waxba ka qabin in lagu dhaqmo Xeerka Saxaafadda balse garsoorku ku doodayaan inay hayaan dembi cadaymihiisa leh oo ay Maxkamadda hor geynayan oo ku lid ah Suxufiyiinta Haatuf. waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka ballan qaaday Ururada xuquuqal-insaanka ee gudaha iyo debeda in sharciga saxaafada ee caalamka u degsan dawladdu ku dhaqmayso. Aniguse, marna ma rumaysto hadalka madaxweynaha maxaayeelay, intan oo dhacdo oo uu dadka iyo goleyaasha ka ballan qaaday inuu wax ka qabanayo midna halkii kama qaadin. Dhacdooyinkan isdaba jooga ahaa bal aan idiin tiriyo intaan ka xasuusto, kuwa aan ilaawana ku dar adigu. Tii Gobollada Sool iyo sanaag ee uu kula heshiiyey Goleyaasha, Xisbiyada, odayaasha in xal loo helo waa halkeedii. Dhacdadii Isbitaalka Hargeysa, tii Dunbuluq, Tii Mudaaharaaka Hargeysa iyo Berbera, markastoo uu ama baxayo ama dalka ku soo noqdo waxyaabaha uu saxaafada ka sheego oo aan gondihiisa dhaafin. Bal kuwii hore iska ilow waxad iminka eegtaa sawirada uu waasiirkiisa Arrimaha dibeddu soo geliyey mareegaha iyo hadalka uu inoo abuurayo. Intii aanu Madaxweynuhu dalka ka ambabixin Waraysi ay u fiicnaan lahayd inaanu afka u kala qaadin waxa uu sheegay inuu ka qaybgelayo munaasabadii Madaxbanaanida dalka Gaana. mar la weydiiyey inuu ka qayb gelayo shirka xarunta Koofi Anaan waxa uu sheegay inaanu shirkaa ka gaadhayn, hadana Wasiirku waa ka inoo soo sawiray.
Muxuuse u sheegi doonaa madaxda hadiiba uu kala hadlo gooni-isutaaga somaliland markaa la weydiiyo waxa uu u laalay xeerkii saxaafadda aduunka. Muxuu ku qancin karaa calaamka marka la weydiyo waxa uu uga jawaabi la'yahay codsiyada isdabajooga ah ee loo soo qoray. aniga riwaayad bay ii tahay kalsoonoina kuma qabo isaga iyo wasiirkiisa toona. Adiguse, akhristow haddii aad si kale u aragto waad na soo gaadhi doontaa.
Kiiska lagu qaaday suxufiyiinta Haatuf waa kii 1930kii. Waxa meel la iska dhigay xeerkii saxaafadda ee labada gole iyo madaxweynuhuba saxeexeen. maxkamdaha gobolka iyo racfaankuba waxay xeerka saxaafadda ku sheegeen mid aanay aqooni ka muuqan, duuduubna way ku laaleen. Haddana, Xeer-ilaaliyah dawladdu iyadoo aan cidiba la doodayn oo meel banaan uu keilgii maxkamada ka dhigtay, waxa uu marna soo qaadanayey xeerka saxaafadda, marna kii 1930kii. Ma aha nin shahaada iyo khibrad toona u leh sharciga ee waa nin CID ah oo bilado qaatay intii Haatuf jeelka la geeyey.
Sharciga la baal maray, xukunka loogu dhakhsaday Haatuf, Jeelka Mandheera ee maxkamadda laga hoos sameeyey waxay i xasuusinayaan maalmihii murugada lahaa ee kelitalisnimada. haddii aan maanta cadaalada la isbarbar taagin, mar dhow halkaaga ayaa laguugu imanayaa oo wixii hanti aad leedahay lagaala wareegi. Marka qasnada qaranka la faaruqiyo, haatufna la waayo, gurguurasho inta laguugu yimaado oo aqalka dhexdiisa Maxkamad lagaaga furo ayaa go'aanku noqonayaa, " Dil iyo Dacas wareejin." Tan Haatuf lala beegsadayba waa la mid ee ama qoraalkan ku qosol ama waajibkaaga gudo.
Cabdi X. Ciise
Abu Dhabi
No comments:
Post a Comment