Mar haddii dir Soomaaliweyn manta dirir u heensaystay, bal ogsoonaada duulkan dabinka loo qoolayaana doobiyada coolaadeed si xarago leh ayey uga dayaansiine.
Waxa lagama maarmaan ah in raadraac lagu sameeyo geedi socodkii israaca labadii gobol ee Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay in ay gobanimo hantaan si aynu u iftiimino in himiladii halganka laga lahaa hirgashay iyo in ay dhicisowday. Haddayse hanaqaadiweyday waa in la ogaadaa arrimaha ka horyimid. Horaantii labaa midoobay aan midnimadoodii horseedin badhaadhe intii kale ku soo hirato. seddexdii maqnaana weli wey soosocdaan. Weli muran may gelin in shantu isweheshato.
Dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida deegaanadii shanta ahaa ee Soomalidu ku dhaqnayd ee Geeska Afrika waxa ka bilaabmay dhaqdhaqaaqyo gobonimo doon ah. Halgankaa gobonimada waxa ka dhashay ururo siyaasadeed sida xisbiyadii SNL, NUF, USP ee ka hirgalay Somaliland, iyo xisbiyadii SYL iyo HDDM ee koonfurta Soomaliya. Seddexdii Gobol ee kale oo ahaa NFD , French Somaliland (French Somaliland), iyo Killilka shanaad (Ethiopia) iyagana dareenkii halganku wuu ka bilaabmay. Bishi August1940 ciidankii dawladda Talyaaniga ee 1936 qabsaday Ethiopia
\n \nHindisahani ma hirgelin sababu badan awgeed oo Soomaalida iyo Qaramada Midoobayba ku lug lahaayeen. Markuu soo shaacbaxay qorshani magaalada Muqdusho waxa ka dhacay bannaanbaxyo rabshado wata oo dhimasho iyo dhaawacba keenay ayey iskaga horyimaadeen xooggagii ayidsanaa iyo kuwii ka soo horjeeday midnimada Soomaaliyeed. Loolankii waxa ku guulaysatay kooxda danbe oo ku magac dheerayd “Pro-Italia.” Uu hormoodka ka ahaa xisbigii “Partito di Progressivo” ee gacansaarka lalahaa xisbigii “Fascia di Combattimento\u003d Fascist Warlords.” Markii arrintii Soomalida la horgeeyey Golaha Qaramada Midoobay go’aankii wuxu noqday in koonfur Soomaalia muddo toban sannadood ah dawladda Talyaanigu si ku meel gaadh ah u maamusho ka dibna madax bannaani dalkaasi helo bisha December 2, 1960.\n \nDhacdooyinkii is dabajooga ahaa eeTaariikhda lagu duugay kor hor intaanay Somaliland la midoobin Soomaali koonfureed [Walaweyn], sifihi midowga sharci gelintiisa loo maray, iyo sidii waxan midowga lagu magacaabaa haba yaraatee xalaal u noqon waayey; bal taariikhaas oo kooban an halkan ka iftiimino:\n ",1]
);
//-->
ayaa dullaan kusoo galay Somaliland. Taliskii iyo ciidamadii Ingriiska ee Somaliland ku sugnaa waxay dib ugu gurteen magaalada Cadan. Bishii March 1941 ayey Boqortooyadii Ingriisku dib usoo abaabushay duullaan laba geesood ah oo isugu jiray weerar dhulka iyo circa ah; si fudud ayaa ciidamadii Talyaaniga looga xoog roonaaday; maamul milateri ayaa Koonfur Somaaliya iyo Somalilandba ka hirgalay. Sannadkii 1946 Wasiirkii Ingriiska u Qaabilsanaa arrimaha dibedda ee la odhan jiray Mr. Bevin ayaa soo jeediyey qorshe ah in deegaanada Soomalidu ku dhaqantahay la mideeyo lana gaadhsiiyo madax bannaani buuxda.
Hindisahani ma hirgelin sababu badan awgeed oo Soomaalida iyo Qaramada Midoobayba ku lug lahaayeen. Markuu soo shaacbaxay qorshani magaalada Muqdusho waxa ka dhacay bannaanbaxyo rabshado wata oo dhimasho iyo dhaawacba keenay ayey iskaga horyimaadeen xooggagii ayidsanaa iyo kuwii ka soo horjeeday midnimada Soomaaliyeed. Loolankii waxa ku guulaysatay kooxda danbe oo ku magac dheerayd “Pro-Italia.” Uu hormoodka ka ahaa xisbigii “Partito di Progressivo” ee gacansaarka lalahaa xisbigii “Fascia di Combattimento= Fascist Warlords.” Markii arrintii Soomalida la horgeeyey Golaha Qaramada Midoobay go’aankii wuxu noqday in koonfur Soomaalia muddo toban sannadood ah dawladda Talyaanigu si ku meel gaadh ah u maamusho ka dibna madax bannaani dalkaasi helo bisha December 2, 1960.
Dhacdooyinkii is dabajooga ahaa eeTaariikhda lagu duugay kor hor intaanay Somaliland la midoobin Soomaali koonfureed [Walaweyn], sifihi midowga sharci gelintiisa loo maray, iyo sidii waxan midowga lagu magacaabaa haba yaraatee xalaal u noqon waayey; bal taariikhaas oo kooban an halkan ka iftiimino:
1954kii Waxa dawladdii Boqortooyadii Ingriiska iyo Itoobiya heshiis ku duugeen in deegaanada “Hawd and Reserved Area” dhul ahaan ka mid noqdaan dalka Itoobiya.
28kii Feb. 1955kii si rasmi ah ayaa deegankaasi uga mid noqday waddanka Itoobiya. Bannaabaxyo ku lid ah arrinta ayaa laga abaabulay dhammaanba dhulka Soomaalidu ku dhaqantahay ee Geeska Afrika. Qoraalo farabadan ayaa siyaasiyiintii iyo madax dhaqmeedyadii Somaliland u gudbiyeen dawladdii Boqortooyada Ingriiska si loo joojiyo dhul bixinta. Nasiib darro dedaaladaas laguma guulaysan. Inta ka dib, wefti salaadiin iyo siyaasiyiin isugu jira ayaa oo reer Somaliland ah ayaa booqasho ku tegay Ingriiska si ay qadiyadda dhulka “Hawd and Reserve Area” ugala xaajoodaan dawladda Ingriiska hase ahaate waxba kama suurtagelin. Shirkaasi waxa kasoo baxay warmurtiyeedka la magac baxay “The White paper” nuxurkiisuna aha in dawladda Boqortooyada Ingriisku Somaliland siindoonto qarannimo buuxda sannadka 1960.
1957-1959kii waxa Somaliland ka qabsoomay doorashooyinkii golayaasha deegaanada[ Local Authority=lug atoori] iyo golihii u horeeyey ee sharci dejinta[Legislative Assembly.]
February 1960kii waxa Muqdusho ka soo kici timaay oo Hargeysa yimid wefti seddex nin ahaa oo uu hoggaminayey qareen la odhan jiray Dr Gabyow. Ujeeda weftigu waxay ahayd in heshiiska midowga labada gobol loo gogol xaadho meelna la isla dhigo. Inkastoo ay diyaar ahayd shuruudihii israacu waxa ka biya diiday shacbi weynihii reer Somaliand. Nasiib wanaag manta wey noolyihiin dadkii xog ogaalka ahaa wax yaabihii heshiiska ka mid noqon lahaa iyo sidii awooda maamulka loo qaybsan lahaa . Weftigii arrintay u socdeen waxba kama suurto gelin ka dibna Muqdusho ayey dib ugu laabteen.
February 28, 1960kii waxa Somaliland ka hirgashay doorashadii Golaha Wakiilada oo tiradoodu ahayd 33 mudane. Tirada mudanyaashu may ahayn mid ku salaysan tirakoob cilmiyeysan iyo diiwaan gelin midna. Sida wax u qaybsanaayeen waxay ahayd 6 degmo oo mid kasta loo qoondeeyey 5 mudane; caasimadda [Hargeysa] oo laba mudane loogu daray iyo caaismadda labaad[Burco] hal mudane loogu daray=33 mudane isugeynta guud. Dad aqoon yahano isku tilmaama oo u xuubsiibtay tirtiridda iyo majaro habaabinta sooyaalka taariikhda Somaliland yaa had iyo jeer u heelan in ay adduunweynaha ka dhaadhiciyaan in shacbiga Somaliland saami qaybsigoodu yahay hal daloolkeed =1/3; inta wax dhaafsana aanay marnaba xaq u lahayn. Waxa kale oo ay hormood ka yihiin in ay hirgasho aragti odhaanaysa taariikhda Soomaaliyeed waxay la kowsatay aftidii distoorka/sharciyeyntii midowga ee bishii June 20 1961, hoostana ka xarriiqaysa in sooyaalkii taariikheed ee gumaysiga ka horeysay iyo intii gumeysigu ka talinayey labada laga hayaamay oo wax laga soo qaadi karaba anay jirin. Waase been abuur aan sal iyo radtoona lahayn.
April 6, 1960kii Golihii Wakiilada Somaliland wuxu go’aamiyey in dalku gobanimadiisii qaadanayo bisha Juun 26 1960; bisha Juulay 1st 1960 la midoobi doono Koonfur Soomaaliya oo iyana malintaa lafteeda madax bannaanidii kala wareegeysa dawladda Talyaaniga. Waxa inta raaca Bisha April 1960 in shuruudihii midowga oo qodobaysan in warbaahinta lagu qoray; sido kale ayaa shuruudaha Somaliland midnimada u soo bandhigtay loogu faafiyey “Bulletino Officiale” oo Muqdushu ka soo baxday 1961.
April 16, 1960kii Golihii Wakilada ee Somaliland iyo Golihii Wakiilada ee Soomaaliya ayaa war murtiyeed wadajir ah kaga dhawaajiyey in labada dal midoobayaan bisha Juulay 1st 1960.
May 2-12 1960kii waxa lagu qabtay magalada madaxda Ingriiska shirkii distoorka Somaliland waxana la muddeeyey in 26 Juun 1960 ay Somaliland noqontoonto dawlad madax banaan. Distoorka waxa la socday oo ku lifaaqnaa sideed heshiis oo loo mudeeyey in Dawladda Ingriiska iyo Xukuumada Somaliland ku kala saxeexdaan magalada Hareygsa maalinta madax bannaanida loo cayimay [26 Juun 1960]. Heshiisyadu waa laba geesood[Bilateral Agreements] oo dexmaray laba dal cid dafiri kartaana majirto.Sida taariikhda ku heshiisyada waxa lagu saxeexay Magaalada Hargeysa maalintii 26ka Juun 1960.
June 23, 1960kii waxay Boqoradda Ingriisku kaga dhawaaqaday qasriga Boqortooyada ee Buckingham Palace in dhulkii la odhan jiray Maxmiyaddii Ingriiska ee Somaliland noqonayso qaran madax bannaan bisha Juun 26 1960 [ maalinta la cayimay]. Waa iga su’aale qaranimadii Somaliland ee maalinta loo cayimay ma xukuumad koonfur Soomaaliya ka jirtay ayaa lagu wareejiyey? Mise dawlad dadka reer Somaliland u codeeyeen ayaa Ingriisku xilkii qaranimada u dhiibay? Su’aasha waxan u keenay: Gebi ahaan Ummadda koonfur Soomaaliya ku dhaqan intoodii dhimatay iyo kuwa hadda nooliba waxay aaminsanyihiin in Jamhuuriyad Soomaaliya la yidha circa ka soo dhacday saacadu markay ahayd 12.01 habeenimo bishii Juulay 1, 1960. Inkiraada iyo isyeelyeelka heerkaas ayey Walaweyn ka gaadhay. Waa hal ay ka masoobeen oo marnaba lama soo marsiin karo jiritaanka Somaliland.
June 26 1960 dalkii Soomaaliyeed ee u horeeyey ee gobanimadiisii gaadhay wuxu noqday DALKA SOMALILAND ka naxow nafta waa. Dawladdaa Somaliland ka dhalatay 35 dawladood oy ka mid ahaayeen shanta dawladood ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay joogtada ka ah ayaa aqoonsi u fidiyey. Dhambaalada tahniyada gobanimada waxa ka mid ahaa dhambaal uu soo diray wasiirkii Arrimaha Dibeda ee dalka Maraykan Md. Christian Hertet iyo qaar kaloo badan.
June 27, 1960 Golihii Wakiilada Somaliland wuxu cod aqlabiyad ku ansixiyey xeerkii “MIDOWGA SOMALILAND IYO SOMALIA.” Waxa caado ah in xeerarka qaran dhaqan gelinayo warbaahinta lagu faafiyo. Xeerka Midowga Somaliland iyo Somalia waxa lagu qoray “The Official Gazette” ka soo baxday Hargeysa. xiligaa ka koobnayd Golihii Wakiilada, Madxweynihii, Ra’iisul Wsaarihii, iyo Wasiiradii sidaas ayey Muqdusho ugu ambabaxday.
Hadaba sida ku cad xeerarka caalamiga ah ee laba qaran wada galaan, Xeerka midowga Somaliland iyo Somalia dhaqangalkiisu waxa uu dhamaystirmi karaa oo keli aha: marka Golihii Wakiilada Soomaaliyana sidiisa u ansixiyaan xeerkii midowga ee Somaliland soo bandhigtay; ama labada dhinac isku waafaqaan sifo kale oo lagu dhaqan gelinayo midowga. Haddii Sidaa wax baalmarsan amase madmadow kaleba meesha soo galo, macnaheedu waxa weeye heshiiska labada dhinac dhexmaray waa waxba kama jiraan iyo hal bacaad lagu lisay. Su’aasha aynu is wediin waxay tahay: Xeerkii midowga ee dawladdii Somaliland Muqdusho keentay Golihii Wakiilad Somalia sidii uu ahaa ma ku ansixiyey ka hor intaan israaca wadajir lagu dhawaaqin? Jawaabtu waa maya. Su’aasha labaad: Siday waxa u dhaceen maxaase ansixinta is hortaagay? Siday wax u dhaceena waa tan soosocta:
Koonfur Soomaaliya waxa ka jiray loolan siyaasadeed beelaysan oo labada beelood ee Hawiye iyo Daarood ayaa ku hirdamayey awood qaybsiga oon marnaba dadka reer Somaliland haba yaratee waxba loogama qoondayn sida ku cad gorgortankii ay koonfuri la timid markii labadii dawladood is hor fadhiisteen.
La soco qaybta labaad
Ahmed Ali Ibrahim Sabeyse
28.02.2007.
No comments:
Post a Comment