Sunday, March 18, 2007

Xisbiyada UCID Iyo KULMIYE Oo Kullan Jil-Baha Is-Daray

Hargeysa, March 18, 2007 (Haatuf)Labada xisbi ee mucaaridka ah (UCID iyo KULMIYE) ayaa shalay gelinkii dambe kulan saacado badan qaatay jilbaha is-daray, waxaana la sheegay inay kulankaas ku falanqeeyeen arrimo la xidhiidha mowduucyada xasaasiga ah ee muddooyinkan dambe khilaafku ka taagnaa sida komishanka doorashooyinka qaranka oo uu khilaafka ugu weyni ka taagan yahay, taas oo ay labada xisbi ee mucaaridku ku kala aragti duwanaadeen qaabka loo waajahayo dhismaha komishan cusub.

Inkasta oo kulanka labadan xisbi dhexmaray aanay saxaafaddu goob-joog ka ahayn, haddana waxay warar xog-ogaal ahi tibaaxeen inay kulankaas ka soo qayb-galeen guddiyada sare ee kala hogaamiya labada xisbi oo ay ka mid yihiin Gudoomiyeyaasha labada xisbi Axmed Siillaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, sidoo kale waxa la sheegay inay kulankaas ka soo qayb-galeen mudaneyaasha Aqalka Wakiilada kaga jira labadaa xisbi, waxaana kulankaa laysku dhaafsaday hadalo ku saabsan sidii ilaa intii suurta-gal ah laysugu soo dhawayn lahaa aragtiyaha labada xisbi, isla markaana wixii ay ku kala aragti duwanaadaan laysugu ixtiraami lahaa.

Wararku ma sheegin wax go’aamo ah oo ka soo baxay kulankaas, waxaase la sheegay in laysla qaatay inay kulamada iyo dooduhu halkaas ka sii socdaan si aanay u dhicin inay labada xisbi kala fogaadaan iyo in laga feejignaado inuu meesha ka baxo iskaashigii ay labada xisbi ee mucaaridku hore u gaadheen. Hase yeeshee, waxay tibaaxaha hordhaca ah oo kulankaas ka soo baxay sheegeen inaan meel lagu tiirin qoddobkii khilaafku ka taagnaa ee arrinta Komishanka, waxaase la sheegay inay wada-hadalada dhexmaray labada xisbi ay ka mid ahaayeen waxyaalihii laysla soo qaaday sidii xal loogu heli lahaa loogana wada-hadli lahaa khilaafka cakiran ee ka dhashay arrinta Komishanka, khilaafkaas oo si weyn u saameeyay Axsaabta iyo goleyaasha dawladdaba.

Xigasho: haatuf

1 comment:

NM said...

My goodness its all in somali, this is going to take me at least a few hours to decipher :(