Sunday, April 22, 2007

Eretrea oo ka baxdey Ururka IGAD

(Waridaad) - Dowladda Eteriya ayaa ku dhawaaqday inay isaga baxday xubinimadii urur goboleedka IGA, kadib markii ay sheegtay in dhowr jeer uu qaatay ururkaasi go'aano aysan raali ka aheyn dowladda Ereteriya kuwaasoo wax u dhimaya nabada gobolka Geeska Afrika, waa sida lagu yidhi hadal qoraal ah oo la soo dhigay Website wararka u faafiya wasaaradda arrimaha gudaha Ereteriya, isla markaana lagu sheegay inuu hadalkaasi ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda dowladdaasi.

Ereteriya oo ka mid aheyd dowladdaha xubinta ka ah urur goboleedka IGAD ayaa sidoo kale ku eedeysay ururkaas inuu bogaadiyay marar badan dowladda Itoobiya oo iyadu xusuuq iyo barakicin xoogan ka geysatay dalka Soomaaliya, iyadoo la rumeysan yahay in madax jabka ugu weyn ay ka qaaday dowladda Ereteriya shirkii ugu dambeeyey ee wasiiradda arrimaha dibedda ururkaasi IGAD uu ku yeeshay magaalada Nairobi kaasoo lagu ammaanay dowladda Itoobiya laguna tilmaamay mid ka hortagtay urur argagigixiso oo khatar ku ahaa geeska AFrika inay u babac dhigtay oo ay baacsatay.

Sidoo kale, qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Ereteriya ayaa lagu caddeeyey inay ka baxday dowladdaasi ka mid ahaanshaha urur goboleedka IGAD, illaa iyo amar dambe, iyadoo sheegtay in ururkaasi uu wax ka qaban waayay qalalaasaha gobolka geeska Afrika isla markaana uu noqday mid si gaar ah ugu fashilmay arrimaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Ereteriya ayaa iyadu dagaal xoogan oo dhinaca xuduudaha ah ka dhaxeeyaan dowladda Itoobiya oo ay la gashay dagaalo ba'an oo lagu hoobtay, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyey ka dhex jiray labadaas dowladood xafiiltan xoog leh oo dhinaca siyaasada geeska Afrika ah, iyadoo la rumeysan yahay in dowladdaha kale ee Afrikaanka ahna ay-kala safteen maamulka Meles, taasoo ay sii dheertahay taageerada Mareykanku u fidiyo Itoobiya.

No comments: