Thursday, April 26, 2007

Gudida dhaqaalaha ee Wakiilada oo sharci Daro ku tilmaamay Go’aankii uu Madaxweyne Rayaale ku diiday ku dhaqanka Miisaaniyada 2007-ka

Gudida dhaqaalaha ee Golaha wakiilada ee Somaliland ayaa si kuluul u canbaareeyey, isla markaana sharci daro iyo fowdo ku tilmaamay go’aankii uu Madaxweyne Rayaale dib-ugu soo celiyey Miisaaniyada 2007-ka ee golaha wakiiladu ansixiyey.

Sida waxay gudida dhaqaalaha ee Golaha wakiiladu ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xarunta Golaha wakiilada ee magaalada Hargeysa.

Iyagoo tafaasil ka bixiyey sababta ay sharci-darrada u tahay talaabada uu madaxweyne Rayaale dib ugu soo celiyey Miisaaniyada, iyo awooda sharci ee golaha wakiilada u ogolaanayaa inuu wax ka bedel ku sameeyo kadibna ay ansixiyaan.

Iyagoo tafaasil ka bixiyey sababta ay sharci-darrada u tahay talaabada uu madaxweyne Rayaale dib ugu soo celiyey Miisaaniyada, iyo awooda sharci ee golaha wakiilada u ogolaanayaa inuu wax ka bedel ku sameeyo kadibna ay ansixiyaan.

Shirka jaraa’id oo uu warsaxafadeed qorala uu ka akhriyey xoghayaha gudida dhaqaalaha ee Golaha wakiilada Md,Maxamed Nuur Caraale [Duur] waxa uu u dhignaa sidan:-

1. In markii ay gudidu aragtay go’aanka la taliyayeshaa sharciga ee golaha wakiilada oo si cad isugu raacay in aanay dasduurka iyo sharciga waafaqsanayn soo celintii Miisaaniyada ee Madaxweyne Rayaale, waxay gudidu si buuxada u taageertay go’aanka la-taliyaasha sharciga

2. Gudidu waxay shirgudoonka kula talinaysaa inuu jawaab sharciya ka bixiyaan warqada ay madaxtooyadu u soo qortay si ummada loogu fasaxo miisaaniyadii Qaran, iyadoo qaranku u xaniban yahay oo lagu jiro badhtamihii sanad maaliyadeedkii 2007

3. Waxay gudidu isku raacday inay wada qabtaan shir jaraa’id oo kan maanta [shalay] ah.

Maxaa yaala? Waxa yaala miisaaniyadii qaranka oo laisku haysto, waxa yaala sanad maaliyadeedkii oo muran ku jiraa, waxa yaala sharci iyo dastuurkii oo wixii ku yaalay inta laga tagay hadana aynu meel banaan isku haysano, wax inoo garnaqayaa oo aynu ku talo baxnaa aanu jirin, taasina waxay qaranka gelinaysaa khatar. Sharci baan xildhibaan ku ahay madaxweynuhu sharcibuu Madaxweyne ku yahay, hadii ummada shucuurta la taabto haybaduna wey haybaduna way laabmeysaa. Labada wasaaradood ee Caafimaadka iyo waxbarashada oo ay ka shaqeeyan 3428 qof, waxa ka lacag badan qasriga madaxtooyada oo ay ka shaqeeyaan 67 qof.

Miisaaniyadii xukuumada loo ansixiyey nuxurka ay doonta ha la haatee hadana ay dhacday inay soo celisay, waana markii kowaad ee ay taariikhda dhacdo, xukuumada in goluhu u ansixiyaa waxay keenaysaa kalsooni buuxda oo ah mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale hadii loo ansixinwaayo xukuumadaha caqliga leh ee sharciga yaqaana way is casilaan,Intaa ka dib waxay weriyaashu su’aalo weydiiyeen gudidii dhaqaalaha ee shirka jaraa’id qabatay waxaanay u dhaceen sidan:-

Mar la weydiiyey Su’aal ahayd, Madaxweynuhu waxa uu soo celiyey miisaaniyadii wasaarada maaliyaduna waxay soo saartay go’aan ku dhaqanka miisaaniyad sanadeedkii sanadkii hore 2006-ka, iyaduna waxay ku tilmaameen qeyrul-dastuuri labadaasba markaa ka gudi ahaan iyo ka gole ahaanba maxaa idiin xiga ee aad yeelaysaan? Waxa uu ku jawaaabay “Miisaaniyada soo celinteedii shirgudoonka ayaa ka jawaabay, maadaama aanu nahay gudidii u xilsaarnayd dhaqaalaha baadhitaankii aanu ku sameynay ee aan ku aayidnay shirgudoonka ayuunbaa halkan ku soo bandhigaynaa.wasaarada maaliyadu warqadan ay soo saartay waxay tidhi miisaaniyadii 2006-ka ha la isticmaalo, 2006-ka lama wada isticmaalin, meelahaana waxay tidhi kharashyada ka soo noqonoqda oo dhanna ha laga wada isticmaalo, taasi waxay ka dhigan tahay in labadii Miisaaniyadoodba ha la wada isticmaalo, ma jiro sharci odhanayaa ha la wada isticmaalo labada miisaaniyadood hadii uu ansixin waayo oo uu ku soo celiyey golaha wakiilada, waxa la isticmaalaya miisaaniyadii sanadkii hore, hadii ay noqoto in la diido [Miisaaniyada] wax badan oo uu goluhu soo saray ayaa la diiday oo maaha kii koowaad, intii goluhu jiray sagaal xeer ayaa ka soo baxay, sagaalka xeerba wixii gaadhay Madaxweynaha uu soo celiyey.goluhu sharci ayuu gole ku ahaa, intuu isticmaalana waa sharciyada, haddii tii la diido waxaanu talada ku celinaynaa dadkii na soo doortay oo aanu leenahay tanbaanu ku shaqeynaynaa [sharcigii] oo tiini nalagu diid”ayuu yidhi Xidhibaan Maxamed Nuur Caraale oo ka jawaabayey su’asha.

Mar iyana la weydiiyey su’aal ahayd, Waxa jira in arrinta mushaharka ee soo noqnoqotay kadibna la yidhi xeer soo diyaara xadeynayaa mushaharka Madaxweyanaha ilaal hadana maydaankeenin xeerkaas, markaa ma la odhan karaa idinka qudhiina ayaa muranka qeyb ka ah? Waxa uu ku jawaabay “Anagu gudi dhaqaale ahaan goluhu sanad iyo wax yar ayuu joogay, intaa xeer la sameeynayey iyo mid la diyaarinayey ayuunbaa lagu jiray, waanu diyarinay [Xeerka xadeynayaa mushaharka Madaxweynaha] golaha ayaanu horyaala, afar bilood ka hor baana loo qeybiyey.laakin su’asha isweydiinta mudani waxay tahay mushaharka madaxweynuhu wuxuu ahaa $ 412,000 waxaanu ka jarnay $100 kun oo waxaanu u reebnay sadex boqol oo kun weli xiligaa Tony Blair iyo ka jarmalka ayuu ka mushahar badan yahay, hadaba waad aragtaan qeylada ka yeedhay oo sababtay in miisaaniyadiiba na lagu soo celiyo, waxaanu maleynaynaa hadii aanu ka sii yareyno waxay noqonaysaa cirka dab kaa raac.

Waxa kale oo aan idiinku darayaa intii uu goluhu jitay sagaal xeerbuu gudbiyey sagaalkiiba uu soo celiyey, waxaanay dad xoga-gaala ah oo madaxweynaha arkay ii sheegeen inuu yidhi madaxweynuhu markay shirgudoonkii isku dhajiyeen ee ay qaateen, go’aan waxaan ku gaadhay waxay soo saaraan inaanu iga gudbin.Talada madaxweynuhu markay taa tahay anagana waxa nala gudboon iscasilaad 82 xildhibaan ee Golaha jooga waayo dad ayaa na soo doortay, waa in dadkii lagu celiyaa oo ay yidhaahdaan anaga ayaa la xisaabtameyna ee iska fadhiista” Ayuu yidhi Xildhibaan Cali Mareexaan.

Waxa kale oo aan idiinku darayaa intii uu goluhu jitay sagaal xeerbuu gudbiyey sagaalkiiba uu soo celiyey, waxaanay dad xoga-gaala ah oo madaxweynaha arkay ii sheegeen inuu yidhi madaxweynuhu markay shirgudoonkii isku dhajiyeen ee ay qaateen, go’aan waxaan ku gaadhay waxay soo saaraan inaanu iga gudbin.Talada madaxweynuhu markay taa tahay anagana waxa nala gudboon iscasilaad 82 xildhibaan ee Golaha jooga waayo dad ayaa na soo doortay, waa in dadkii lagu celiyaa oo ay yidhaahdaan anaga ayaa la xisaabtameyna ee iska fadhiista” Ayuu yidhi Xildhibaan Cali Mareexaan.

Xigasho: hadhwanaagnews.com

No comments: