Sunday, April 01, 2007

INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN

Anigoo ku hadlaaya magaca jaaliyadda Somaliland ee Wales, iyo magaca reer Carwo, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoyska,ehelka , ubadka, iyo tafiirta meel kasta oo ay joogaanba ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee HAYBE CUMAR MAGAN, La-taliyahii Madaxweynah arrimaha gaashaandhiga, oo lagu aasay magaalada Gabiilay Khamiistii 29/03/2007.

Marxuum Haybe waxuu ahaa nin hawsha qaran ka hormariyaa waxwalba, isagoo ilaa Halgankii SNM u taagnaa dhismaha iyo aasaaska qarannimo ee Somaliland. Waxuu kaalin cad ka qaatay marxalad kasta oo ay soo martay amboqaadka iyo dhismaha dawladnimo ee Somaliland. Illaahay ha ugu naxariistee, waxuu ahaa nin cibaado badan, af-gaaban oo naxariis badan.Marna ma dhigi jirin dikir, wardi iyo tasbiix.

Waxaan Illaahay uga baryayaa Marxuum Haybe inuu ku abaal mariyo janatul fardoos, tafiirtiisa, iyo Reer Magan, tafiirtooda, asxaabtiisa, ehelkiisa kale, qaraabadiisa iyo xigaalkiisna,waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan

Axmed Carwo
Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Wales,
Cardiff, U.K

No comments: