Sunday, April 01, 2007

BAYAAN BEELO REER AWDAL AH

Haddii aannu nahay labada beelood ee kala ah H/C iyo M/Case, kana mid ah saddexda beelood ee beesha Gadabuursi ee Gobolka Awdal waxay dawladda u sheegayaan, gaar ahaan labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada in ay dadweynuhu u baahan yihiin oo keliya caddaalad iyo xaqsoor, dawladda lafteeduna waxay u baahan tahay in ay ummaddeeda u samayso caddaalad iyo xaqsoor, si ay u hesho kalsoonida shacbiga, wadashaqayn run ah oo aan beeni ku dahsoonayn oo ka dhexaysa dawladda, gaar ahaan xukuumadda iyo shacbigeeda, haddii kale…..?

Sidaa darteed, annaga oo qoraalkayaga taas sal uga dhigayna, waxaannu labada gole qaran ee Guurtida iyo Wakiillada la socodsiinaynaa in Komishanka dhowrkii sannadood xubinta Awdal metelaysay beel keliya ahayd, taas oo ah beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Somaliland, si caddaalad iyo xaqsoor loo helana loo baahan yahay in xubinta qaran iyo tan gobolba laga dhigo labada beelood kale ee aan kor ku soo xusnay, loona kala qaybiyo.

Haddaba, haddii ay xukuumaddu samayn waydo caddaalad oo tamarteedu noqoto, in reer Awdal ay moodo beel keliya, waxaannu leenahay ma aha ee goleyaashu haddii aanay reer Awdal aqoon u lahayn waa saddex beelood oo siman, labana ay degan yihiin ubucda, lana hilmaami Karin. Waxaannu labada gole qaran ka codsanaynaa in caddaaladda la sugo Komishankana ay xubnaha Awdal ka soo baxaan labada beelood ee kale.

Mar labaad waxaannu masuuliyiinta labada gole si gaar ah uga codsanaynaa in awrkii Awdal ee dhinac uun ka rarnaan jiray, dhinacii murxay oo aannu xadhig dambe qaban karayn, loona baahan yahay in maanta si fiican loo raro, xaqsoor iyo caddaaladna lagu raro.

Caddaaladdu waa xaqsoorka ummadda. Caddaaladda dawlad kasta waxa laga dheehan karaa xaqsoorka ay u samayso ummadday masuulka ka tahay, xaqsoorkaasina wuxuu keenaa in ay ummaddu la jaanqaado dawladeeda, taas oo dalka u keenta horumar dhab ah, si taas loo helana waa waxa shacbigu u dhiso dawlad leh hay’ado iskaba (iskantaroola) mid walbana ay leedahay awoodeeda sharciyeed oo u gaar ah, ilaalisana hay’adba ta kale ee ay dawladnimada wadaagaan, kuna xadgudbin midhaha ay beeluhu wadaagaan.

Haddaba, annaga oo ah duqayda hoos ku saxeexan oo ka mid ah beelaha kala ah Maxamed Case iyo Habar Carfaan oo ka tirsan beelaha Gadabuursi, waxaannu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Golaha Wakiillada Somaliland sida taxadirka iyo feejignaanta leh ee ay isku hortaageen magacaabidda xukuumadda ee xubnaha Komishanka oo aan ku dhisnayn xaqsoor caddaaladeed, balse markasta dhinac uun ka rarnayd, marka Gobolka Awdal oo kale laga eego.

Sidaa darteed, waxaannu goleyaasha Somaliland la socodsiinaynaa in Komishanka dhowrkii sannadood ee hore ay beel keliya lahayd, heer qaran iyo heer gobolba, si xaqsoor siman oo caddaaladeed loo helana loo baahan yahay in Komishanka lagu qoro, iyada oo loo qaybinayo labadaa jago. Sida oo kale xubnaha goleyaasha qaranka kaga jira labadaa beelood waxaannu ku adkaynaynaa in ay xilka iyo waajibaadka ka saaran xuquuqda beelahooda si hufan uga raadshaan goleyaasha dhexdooda, si gaar ahna waxaannu masuuliyiinta goleyaasha qaranka uga codsanaynaa in ay hoos u eegaan xaqsoorka beelaha ku dhaqan Gobolka Awdal oo had iyo jeer aad moodo in awrku dhinac u dheeliyayo, taas oo keeni karta in uu habac galo isfahamka iyo wadashaqaynta ka dhexaysa dawladda iyo labadeeda beelood.

Magacyada guddiga cuqaasha labada beelood ee bayaanka saxeexay:

1- Caaqil Ibraahim Geeddi
2- Suldaan Daahir Cismaan Cilmi
3- Caaqil Dugsiiye Cumar Gadiid
4- Caaqil Cabdillaahi Aadan Maxamed
5- Duq X. Ismaaciil Xasan Cawaale
6- Caaqil Cismaan Barkhad Xirsi
7- Caaqil Cilmi Faarax Wacays
8- Caaqil Dayr Yuusuf Xuseen
9- Duq Muuse Cismaan Dhegaweyne
10- Caaqil Muuse Xuseen Faatax
11- Caaqil Abshir Muxumed Ducaale
12- Caaqil Cabdi Aadan Aare
13- Idiris Axmed Bookh
14- Tukaale Riiraash
15- Abiib Daahir Jimcaale
16- Farxaan Muuse Cige.

Source: Jamhuuriya

No comments: