Thursday, April 19, 2007

Jawaab celin miisaaniyadda 2007

Ku: Madaxweynaha JSL.
Mudane, Dahir Rayaale Kahin = Hargeysa=
Og: Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada JSL = Hargeysa=
Og: Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha = Hargeysa=
Og: Wasiirka W/Maaliyadda. = Hargeysa=


Ujeeddo: Jawab celin Qoraal LR-JSL/M/GW/ 08/-0091/042007

Mudane Madaxweyne,

Markaan si qoto dheer leh ugu baaraandegnay qaanuun ahaan warqadda summaddeedu ahayd LR-JSL/M/GW/ 08-0091/042007, ee 11/04/2007, ujeedadeenu ahayd dib u celin Go’aan Gole No. GW/KF-QC2/344/ 2007 ee 19/03/2007 waxa cad:-

Inaanu jirin qodob dastuurka Qaranka ka mid ah oo awood kuu siinaya in aad dib ugu soo celisid go’aanka Golaha Wakiiladu ku ansixiyeen Miisaaniyadda Qaranka.
In aad meel fog iska dhigtay ku dhaqanka iyo u hogaansanka Dastuurka, qiimana aanay kula lahayn qodobkii aan la socon karin danahaaga gaarka ah.
In aaanad ku dhaqmayn go’aanka Goluhu ku ansixiyey Miisaaniyadda ee ku salaysan qodobka 55(1) ee dastuurka, si ay kuugu suura gasho inaad isticmaashid kharashkii Goluhu kaaga jaray baahiyo kale oo Qaran.
Inaanu jirin qodob dastuur ah oo go’aanka Goluhu khilaafsan yahay, balse aad leedahay waa in la yeelaa sidaan rabo. Taasoo ka soo horjeedda distuurka una muuqata diktaytarnimo.

Hadaba Mudane Madaxweyne,
Qoraalkaagii waxaa ka soo baxay markaan qodob qodob u eegnay sedan:-
1) Qodobka 94(1) ee dastuurka JSL oo qeexaya sidan: “Golaha Wasiiradu waxay Madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa iyagoo wadajir u go’aamin doona siyaasadda Guud (General Policies) qorashayaasha (Planning) iyo barnaajmiyada dawlada (programs of the state)” Qodobkani maaha mid khuseeya Miisaniyada. Sabab aad adigu u deesatay lama garan karo.
2) Qodobka 55 (1) wuu si gaar ah u tilmaamaayaa awooda gaar ahaaneed ee Golaha Wakiiladu u leeyahay miisaniyada wuxuuna leeyahay “Golaha Wakiiladu waxay ka doodi karaan, waxana ka bedeli karaan Miisaaniyadda, kuna ansixinaya go’aan Gole” . Waana ka Goluhu u adeegsaday wax ka bedelka miisaaniyada.

3) Qod: 90 Dastuurku isaguna wuxuu leeyahay “Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil­saaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsii nta maamulka Dawadda. Si uu u gudan karo xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda” awoodahaas oo aanay ku jirin in uu soo celiyo miisaaniyad Goluhu ansixiyay isagoo adeegsanaya qod:55 (1) Dastuurka.

4) Si la mid ah qod:37 Dastuurku wuxuu ka hadlaa kala xadaynta sadexda awoodood ee qaranka, iyadoo Qod: 38 (1) Dastuurku u gaar yeelay awood xeer dejinta Golaha Baarlamaanka, miisaaniyada oo xeerarka ka mid ahna si gaar ah Qod:55 Dastuurkuna u gaar yeelay Golaha Wakiilada.

5) Sharciga nidaamka Xisaabaadka Qaranka (Regulation for the Account of the state), qodobada 10- 16 Xeer Lr.87/96, inkasta oo xeerkaa lagu dhaqangeliyay Decreto M/wayne Lr.249 ee 15/05/96, haddana waxay waafaqsan yihiin Qod:55(1), iyadoo qodobka 13 ka hadlayo awooda Golaha ee uu miisaaniyada ku ansixinayo, halka qodobka 16 ee xeerkaa uu sheegayo wax ka bedel kasta waxaa lagu soo saarayaa xeer.(eeg 13 &16 Xeer.lr.87/96) .

6) Qod: 77 (5) Dastuurka, wuxuu ka hadlaya mashruuc sharci oo aan ahayn kuwa maaliyada oo ah kuwa labada Gole wada mara, sida ku qeexan Qod:78 (1) oo leh “Mashruuc-sharci kasta aan ahayn kuwa maaliyadda oo Golaha Wakiiladu aqlabiyad ku oggolaado waa in loo gudbiyo Golaha Guurtida, kaas oo markaas:­ Oggolaan kara ama wax-ka-beddel soo jeedin kara. Iyadoo Qod: 77(5) Dastuurku leeyahaysidan: “Madaxweynuhu mashruuc-sharci looga soo gudbiyey Baarlamaanka, wuxuu ku saxeexayaa saddex toddobaad (21 maalmood} gudahood, laga bilaabo taariikhda mashruucaas- sharci soo gaadhay xafiiska Madaxweynaha haddii aanu Baarlamaanka dib ugu soo celin” Waa kan labada Gole wada mara sida ku qeexan qodobkaa hore 78 (1) Dastuurka.
Halka waxaa ku cad in Golaha Wakiiladu adeegsaday awoodooda ku qeexan qod 55aad (1) Dastuurka, qodob Dastuur oo ay ku xadgudbeena aanu jirin. Sidoo kalena qodob dastuur iyo xeer ogolaanaya in dib loogu soo celiyona aan jirin

Ansixinta Miisaaniyadda 2007 waxaa Golaha Wakiiladu u cuskaday, awoodna u siinaya qodobka 55aad ee dastuurk, kaasoo xubintiisa 1aad leedahay Golaha Wakiiladu waxa uu ka doodi karaa, waxna ka bedeli karaa Miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go’aan Gole Awooda ansixinta Miisaaniyadda qodobkani lama wadaajin Golaha kale ee Guurtida mana tilmaamayo in Golaha Wakiiladu Miisaaniyadda u ansixinayo sida Xukuumaddu ugu soo gudbisay , ama Madaxweynuhu jecel yahay.

Sida ku cad qoraalkaaga marka la raaco weedhaada odhanaysa waa in Goluhu Miisaaniyadda u ansixiyaa sidii ay Wasaaradda Maaliyaddu ugu soo gudbisay, daah ma saarna in aad doonaysid inaan la raacin qodobka 55aad xubintiisa 1aad Taasina waxay xaqiijinaysaa in aanad ku dhaqmayn dastuurka ee taadu kuu go’an tahay, sarrayntii dastuurka ee ku qoran qodobka 128aad xubinta 2aad-na meeshaba ka saartay. Iyadoo qodobka 90aad ee dastuurka xubintiisa 14aad waajib kaaga dhigay inaad xil gudashadaada dastuurka ku salaysid.

Wax ka bedelka Goluhu ku sameeyey Miisaaniyadda wuxuu ku saleeyey kala mudnaanta baahiyaha faraha badan ee Qaranka, wuxuuna kharashyo ka jaray meelo uu u arkay in ay ka mudanaan yar yihiin meelaha ay u kordhiyeen oo kala ah Caafimaadka, Waxbarashada , Biyaha, Doorashooyinka , Jaamacadaha, hirgelinta dimuqraadiyadda, iyo meel marinta Qadiyadda Somaliland iyo sidii ay u heli lahayd aqoonsi, qoraalkaaguna ma sheegin wax kuwaa ka mudan, sidaa darteedna sababaynta aad ku diiday waa mid ka hoosaysa astaanta aad u taagan tahay ee ah Madaxweynihii ay doorteen bulshada aan haysan daryeel Caafimaad, Biyo iy Waxbarasho aasaasiya.
Garnaqsiga ku saabsan xaaladda Madaxweynihii hore ee geeeiyooday mudane Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal iyo Golihii hore maanta maaha garnaqsi Golahan u yaal ee waa arrin ay ka garniqi doonaan Ummaddii ina dooratay, taariikhduna ay wax ka sheegi doonto.
Gebagebo.

Goluhu wuxuu tixgelinayaa go’aankiisana ku saleeyey qodobka 55aad farqadda 1aad ee dstuurka, qoraalkaaga iy codsigaaga ah sidii aan idinku soo gudbiyey iigu ansixiya oo dastuurka khilaafsan malaha wax garawshiiyo ah, awoodna uma lihid soo celinta Miisaaniyadda, sidaa soo kale ma jirto qodob dastuurka ka mid ah oo waajibka dhigaya inaan kaa ogolaano codsigaaga. Sidaa darteed inaad raacdid dastuurka oo aad fulisid go’aanka Golaha ee dastuuriga ah .

Haddii aan Goluhu waxbaaba ka bedeli karayn Miisaaniyadda loo soo gudbiyey maxaa looga baahan yahay marka horeba in la yidhaahdo Golahaa ansixinaya oo loo soo gubinayaa.
Waxaan rajaynaynaa in aan dhawrno Dastuurka iyo Sharciga innoo yaal.


Allaa Mahad Leh


(A/Casiis Maxamed Samale)
Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee G/ Wakiiladda, ahna ku simaah Gudoomiyaha.

No comments: