Friday, April 20, 2007

Riyaale's Farce Part I & II

Maanta maalin ay uga fursad wanaagsantahay Somaliland inay xuduudda soo taabato oo ay degto oo ay ku nagaato ma jirto. Markay guuxii iyo uugaankii ku soo fool lahaa hayn waayeen waa kuwii saq dhexe ka huleelay maleeshiyadii maryaha hunka ah xidhnayd ee Majeerteeniya.

Markii cabbaar canaan iyo cago juglaynba la iskusoo daray ee la yidhi haddaad mar danbe dhabarka soo jeedisaan xabbad iyo xadhig ayaa idin leh, ayay mar kale iyagoo cago jiid ah isa soo miidaamiyeen. Maxaase ka raacay! Laba jiho, seddex jihoo oo kala gadisanbay ka soo weerareen. Balse ciidankeenna geesiga ah ee sooma jeestaha ah ee Soomaliland ayaa hal halaystay. Isagoo leh ma lafbaa? Ma mudbaa? Ma murmuraa? Ma baruuryo la shiilaa? Ayuu halamsaday. Hambadii soo hadhayna waa kuwa xadka boobay ee midba meel ka dhacay een dib loo arag. Mayd iska daaye xataa dhaawacoogii way qaadan kari waayeen. Ciidanka libaaxyada ah ee Somaliland kalamay hadhine way la daba galeen oo way ku hirkiseen. Ilaa ay xadkii Somaliland ee ’60-kii ay is dul taageen. Waa markii u horeysay ee ciidanka Somaliland xuduudka bariga Sanaag is dul taago. Waa Taariikh aan hore u dhicin intii ay Somaliland gobonimadeedii ay lixdankii muquunada (hadiyad) u bixisay ay la soo noqototay. Ayaa sharaftaa iyo ayaanka qayb u helay? Waa wasiirkii gaashaandhigee Somaliland, Mud. Aadam Maxamed Mire (Waqaf).
Waa ta sababatay odayaashii iyo wax garadkii Reer Qardho qaraarkan inay soo saaraan markay arkeen ciidankii Somaliland oo dul taagan:

“Warar ka soo baxay dhinaca Magaalada Qardho ayaa sheegaya in Shacabka ku dhaqan magaalooyin ay ka mid yihiin Qardho iyo tuulooyinka ku teedsan ay cabsi xooggan soo wajahday ayna maamulkooda ka codsadeen inay faraha kala baxaan waxay ugu yeedheen farogelinta meelaha ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland maadaama aanu maamulkoodu lahay wax awooda oo iska hortaagta duullaan kaga yimaadda Dhinaca Somaliland.Shirkan oo ka dhacay magaalada Qardho oo ay isugu yimaadeen madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka beelaha dega magaalada Qardho ayaa sida la sheegay wuxuu ka dambeeyey ka dib markii Ciidamada Somaliland si dhib yar ku gaadheen wadada halbawlaha ah ee isku xidha Guud ahaan Puntland, iyada oo hakad kala galay wakhtigaa isku socodka gaadiidka isaga goosha Puntland dhexdeeda, taas oo dadka deegaankaa u xaqiijisay inaanay waxba ka horjoogsan karin inay soo galaan magaalada Qardho oo iyana laamiga ku taal “.
Waxaanad toos uga akhrisan kartaa haddii aad rabtid halkan:

http://www.sanaagweb.com/news_som.asp?id=378

Beribaa waxa dhacday in nin iyo hawaynaydiisii is af dhaafeen. Kadibna gacantaa la iskula tagay. Hawaynaydiiba saygeedii (ninkeedii) intay ka xoog roonaatay ladagtay oo beerka ka degtay. Kadibbaa ninka ilmaadeeradii xifaaleeyeen. Iyagoo la kaftamaya ayay yidhaahdeen, “ waar hebelow siday islaandaadu kuu ladagtay?”.

Wuxuu yidhi, “ seddex shaybaa iskula kay kulmay, anoo xalay si xun u seexday, kabtoo ila simbiririxootay iyo islaantoo suldaarada taqaanay”!

Waxaan uga golleeyahay, ciidankeennu wuu guulaystaye maxaa sababay in dib loo soo raro, oo halkii uu ka guuray dib loogu soo celiyo?.Seddexbaa iskula kulmay, taliyihii ciidankoo Hargeysa iska dhex xaashxaashayay, oo anad moodinba taliye ciidankiisu dagaal ku jiro, shidanaaba shidan! Madaxweyne xagga Meles Zenawi laga amro, oo Addis Ababa ku faroor xidhan (xasuusta waakii hore inoo yidhi: Zenawi wuxuu igu yidhi ……) iyo wasiir canaan ka yaab ah, oo is yidhi haddaad ciidanka sidan ah, saad iyo gurmad li’ba ku eegto, armoo la gumaadaa? Bi’iwaaye inta goori goor tahay, inta raggu gu’i lahaa badbaadi oo meel nabdoon gee. Ka dibna soo tasho, soona sahay ururso, dibna isku soo abaabul. Wasiirka xaggayga Bilad Geesibaan ugu tolay, ee ka naxow dib u fiirso. Saacaad kali ah marxaladda wasiirku galay, bal adigu is dhig. Gurmadkii, saadkii iyo isgaadhsiintiibana madaxdii kaa saraysay kaala aamusto. Markaa bal maxaad yeeli lahayd? Haddii wasiirku xidhiidhkii isgaadhsiintuu goesytaydu dhabtahay sida madaxtooyadu faafisay, imisa wasiir oo kale ayaa Dhahar ku sugnaa isla waqtigaa aynu hadal hayno?

Waxaa halkaa inooga soo baxay inaan ciidanka xadbuu sugayaa la lahaa aan waxaba loo tabaabushayn waxna loo diyaarin. Ee woxoo dhamiba ahaa qawda maqashii waxna ha u qaban. Riwaayadda qaybteedii hore waynu daawanay.Waxana la yidhaa ‘ Riyaale’s Farce Part One’ Waxa inoo hadhay qaybtii labaad oo ah “ Riyaale’s Farce Part Two”, oo ay wadaadkii wax tumaatiyi ogaa iyo wasiirkii warankiisu caddaa ay inoo jili doonaan.

Haddii ay Riyaale ka dhabtahay xadbaan sugayaadu, muxuu guddi ka kooban saraakiil milatari ah oo ruug caddaa ah u xuli waayay? Ilayn waa hawlgelo milatari (military operations) waxa loo baahanyahaye, doorasho looma cararayo eh, intuu kolba raxan wasiiro ah iska daba dirayo???

Haddii ay Riyaale xadbaan sugayaadu ka dhabtahay, maxay ciidanka seddex sano iyo badh ka qabanayaan Adhicaddeeye iyo jiidda Safka-hore ee dhanna loo waday waayay???

Meeshan wax kalaa ka salag-salag leh. Waxaan u malayn inuu ku cimri dheresanayo si loogu kordhiyo, doorashona anay u dhicin. Ilayn waakii guddoomiyaha Guurtiduna, Saleebaan, ishaarada innoo bidhaamiyee lahaa : dalku dagaalbuu ku jiraaye! Kharashkii JNA-da oo la xasilanayaana meesha kama madhna oo dabadeed laga shaasheeyay.

Waxa kaloo dhici karta in la inala sugayo inta ay Soomaliya miyirsanayso ee dabiibka iyo dawooyinkuba u dhamaanayaan.

Horaan tigidhadii u goosannay. Waxaan sugnaaba waa riwaayadda qaybteedii labaad. Daawasho wacan. Kuraastana xajista.

Mohamoud H Nugidoon

Ottawa, Canada

mgabiley@yahoo.ca

No comments: