Wednesday, April 25, 2007

Maxamed Dheere oo dhintay iyo Moorgan oo dhaawacmay.


Nairobi, April 25, 2007 (HawiyeNews.com) — Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo horey u ahaa Gudoomiyaha gudiga Siyaasada gobalka Shabeelaha Dhexe, isla markaana lagu tiriyo nin cabsan siyaasada qalafsan ee Oday Cabdulaahi Yuusuf ayaa la sheegay inuu geeriyooday.
Maxamed Dheere oo ku dhaawacmay dagaalka Muqdisho ka socday, ayaa dhaawaciisa loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya .

Illo wareed oo ku dhow dhow Maxamed Dheere ayaa HawiyeNews u sheegay in Maxamed Dheere uu geeriyooday kadib markii dhakhaatiirtii Kenyaanku wax ka qaban kari waayeen xaaladiisa caafimaad.

Maxamed Dheere ayaa la sheegay inuu galay dagaala Xoogaga Hawiye ay ugu sifeynayaan ciidamada Itoobiya, isagoo garab taagnaa ciidamada cadowga Itoobiya.

Dhinaca kale, Moorgan ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay dagaalka Muqdisho ka socda, isagoo rasaas la sheegay inay madaxa kaga dhacday, isla markaana dhaawaciisa la geeyay Kenya .

Moorgan ayaa wali miirdoorsan iyadoo dhaqaatiirta ay sheegeen hadii uu badbaado uusan xasuus dambe yeelan doonin maadaama maskaxda wax ka gaadheen.

Moorgan waxa sidoo kale la sheegay in dareemayaashiisa ay dhinteen, taasina aad looga cabsi qabo sii noolaashahiisa.

Hadaba qasaaraha Dowlada soo gaadhay iyo ciidamada Itoobiya ayaa kaliftay inay deg deg ula soo xidhiidhaan odoyaasha Hawiye iyagoo ka codsaday inay xabad joojin ay kala saxiixdaan.

Email: hawiyenews@gmail.com

No comments: