Tuesday, April 17, 2007

Mudaharaad ay Ciidanka qaranku ku sameeyeen Abaanduule Taani Iyo su’aal ah 250 Askari ma difaaci karaan weerar kaga yimaada Puntland?

Askartii ka dagaalantay aaga Dhahar ayaa mudaharaad kala hor timid ka dib markii uu soo gaadhay Abaanduulihii Ciidanka Qaranka Somaliland Taani, isagoo watay maxkamad aan la garanayn sababta uu u soo kaxaystay.
Aduunyada waxa ugu daran nin sariir almania ku jiifa oo Hargeysaba aan dhan u dhaafin oo nin xabadi ka dul sanqadhayso oo col dul kulaalayo ku diganaya – Allow tii roon.

Waxa wax lagu qoslo ah in Wasiir xil lagaga qaado maxaad 250 askari iyo 17 tikniko ah oo aan haysan wax Saad iyo ciidan kale oo ay sugayaan iyagoo dagaal horena galay wax walibana gabaabsi ku yihiin in la yidhaahdo ha ka bixina Dhahar ee jooga oo suga inta la idin laynayo si dagaal dambe aynaan ugu noqon.

Taasi waxay muujinaysaa u jeedada uu ka lahaa madaxweynuhu oo ahayd.
In si uu u hakiyo dagaalka aynu bilownay culays la saaray awgeed (Ethiopia iyo xulafadeeda) uu sameeyo tab dagaalkaasi uu u joogsado, waxaana dhacday in aan wax gurmad ah loo dirin ciidanka aan kor ku soo sheegay muddo shan cisho ah oo ay halkaa joogeen.

Caqliga saliimka ahi ma odhanayo ha la idin laayo e jooga waa hadii aan dan kale laga lahayn ee hadii si qumman loo fekerayo Saad iyo ciidan dheeraad ah ayaa hore loogu diri lahaa.

Hadaba mid gartay oo waa Daahir Rayaale iyo abaandulluhu way fuliyeen amarkii lagu soo rogay ee ahaa in la hakiyo dagaalka aynu bilownay iyagoo diidan inaynu sugno xuduuda Somaliland waa sida dastuurku uu dhigayo-e.
Mid baananse garan, shacab ahaan iyo golayaal ahaan ma garan weyney ka tashada shirqoolada noocan oo kale ah ee lagu manjo xaabinayo maamulkeena aynu rabno inuu taabo qaado.

Kaaga darane, bal afarta jawaan ee uu Daahir iska daba dirayo oo weli la leeyahay bixitaankoodii dib u dhac baa ku yimid ma idiin muujinaysaa in meesha la rabo in laga dhigo tii hore inoogu dhacday ee ciidanka loogu soo celiyey Adhi-cadeeye oo ilaa manta ay tuban yihiin.

Xaal wuxuu iga taagan yahay hadii aan sidan ay wax u socdaan aan wax laga bedelin anigu waxaan rumaysanahay in aanay suurto geleyn in aynu sheegano magaca Somaliland ee aynu iskaga biirno Ethiopia ama Somalia.
Waxaan filayey in Mujtamaca Somaliland manta oo kale ay ahayd inay kacaan oo is hor tubaan xafiiska Madaxweyne ku sheega oo ay yidhaahdaan noo soo dhaaf sedan nagu dhaqi mayside.

Waxase cadaatay oo aan murugadeeda aanan ka jiifayn waa raali ahaanshaha aynu muujinay aynu raali ka ahaano inaynu dhabarka ka jebinno Ciidankeena Sharafta inaga mudan.

ISHIISA LAGA ARKAA USHIISA LAGU TUMAA


Khaleel Mohamed

No comments: