Wednesday, April 18, 2007

RAAD SHIMBIREED.

Waxa maskadu diiday fasilaadda la sheegay, oo loo arko fashil ku arooraaya agaasinkii hore ee boqoolka cutubyada ciidan ee ay hoggaaminayaa raxan Wasiiro ahi. Waxa caqligu diiday dhowr arrin oo curad ah oo mar kaliya wada dhacay:

Waxa fajac ah ammuraha aan madax iyo minjo kala lahayn ee laga sheegeeyo degmada Dhahar ee Gobalka Sanaag. Waxa arrintu u eegtay raad shimbireed aan la garanayn dhan uu u socdo. Weedhaha Madaxtooyada ayaa ah qaar lama filaan ku noqday bulshada Soomaliland qurbe iyo gudaba. Waxay ahyd mid aad uga fog waxii lagu seexday. Waaguna waxuu dhegaheena soo gaadhsiiyey weedho xaraf waliba yahay gantaal jidhkeena mudaysa. Waa la qaadan waa, waa dhagar, waa khiyaamo qaran, waa ceeb aan dhayal ku hadhin, waana wasakh aan biyo kaa maydhin.

Waxa maskadu diiday fasilaadda la sheegay, oo loo arko fashil ku arooraaya agaasinkii hore ee boqoolka cutubyada ciidan ee ay hoggaaminayaa raxan Wasiiro ahi. Waxa caqligu diiday dhowr arrin oo curad ah oo mar kaliya wada dhacay:

1- Waxa la sheegay in Taliyihii Ciidanka uu labis madani ah ku joogo Hargeysa.

2- Waxa ciidanka jiida bari loo igmaday Toban Wasiir oo ay ku jiraan Wasiirka Waxbarashada, Qorshaynta iyo Debedda, Gudaha iyo Difaaca. Waa arrin curad ah ciidan wasiiro wataan, iyo taliyihii ciidanka oo goobta ka maqan.

3- Waxa ka mid ah in Wasiirka lagu eryey inuu ka goostay xidhiidhkii uu Taliyaha kula soo hadlaayey. Ma taliyahay ahyd inuu goobta joogo, oo uu Wasiirka la soo hadlo, mise wasiirka madaniga ah een darajo ciidan wadanbaa soo waramaaya. Habka noocan ihina dunida waa ku cusub yahay, waana hab ay alifeen Riyaale iyo dawladiisu, loona galinaayo buuga taariikhda dagaalka .

4- Maxaa darsinka Wasiirada ah geeyey goob dagaal oon ammaankeeda la xasilin.Qorshe xumida ayey ka mid tahay. Sidoo kale talo Wasiiradan oo dham arrin dagaal ka talinayaan waa khilaaf ma weydo. Dhinaca kale waxay culays gaar ah saartay ciidanka ka werwersanaa ammaankooda, waxayna qayb ka ahayd tahay fashilkan ku yimid ciidanka.

5- Haddii arrintu ahayd xuduud tag, maxaa Dhahar oo cirifka ugu fog ku taal keli looga dhigay goob dagaal. Maxaa loo furi waayey aagag kale. Maxaa loo dhaafay carada dheer ee ka sokeysa Dhahar.

6- Maxaa u diiday Madaxtooyadu inay arrinta hoos u xaliso, intay ceebta Qaranka meel kasta kaga baaqayso. Maxaa u diiday in arrinta lagu daayo raxanta wasiirada ah ee goob joog ah.

7- Fashilka iyo ceebta la soo gudboonaatay qaranku, waa mid aan ka horreyn, carooga Wasiirka Warfaafintu afuufay, isagoo idaacad gude iyo debedba si ku taagsi ah u akhriyey baaqa ka soo baxay Madaxtooyada.

8- Iyana waa curad ee goormaa Wareegtada Madaxweynaha akhriyi jiray Wasiirka Warfaafintu, afhayeenkii cusbaa muu arrintan ku margaday, mise darajada cusub ee Wasiirka oo loo raaciyey Afhayeenka Dawladda ayaa u horseedi doonta, inuu noqdo Wasiirka Koowaad sidii warbaahintu hore ugu saadaalisay, aan ka sugno ayaamaha soo socda oo arrintan iftiimin doona.

9- Waxa la sheegayaa saad la’aan iyo taageero ka daahday inay keentay go’aanka soo bixinta. Miyaan sideedaba xeeladda dagaal loo daynin cidda goobta dagaal joogta. Sidee go’aan eri loo gaadhaa, haddaan laba ogeyn waxa dhaliyey soo bixitaanka, illayn waa kan Madaxweyahu yidhi, xidhiidhkiiba wuu goosatay! Weli waxaa inaga maqan wejigii kale.

10- Waxa qaladka aan marna looga saarayn xaydaabka Madaxtooyada, talooyinka iyo baaqyada ka soo baxaaya oon marna tuseen fikrad lagu diirsado. Bal u fiirso guddiga loo xilsaaray amuurtan, Waa Madaxweyne Xigeen, laba Wasiir oo ka soojeeda degaanka Hargeysa iyo Boorame iyo Sheekh Xasan. Kuma jiraan rag ka soo jeeda jiida la tegaayo, kuma jiraan rag aqoon iyo khibrad ciidan leh. Miyaan laga dhandhansanayn in talo xumada lagu jabay tahay mid ka soo birqamaysa Madaxtooyada.

Waxa faalooyinka qaar sheegayaan farogelin iyo cadaadis ka yimid debedda. Taasi ma noqonayso mid maydha ceebta manta ummadda ku habsatay, waayo waxay ahayd arrin la filaayey, loona baahnaa in xisaabteeda lagu daro qorshaha. Tan kale ee ah meesha nabadbaa loo tegay ee dagaal looma tegin, iyana waa hadal tiro, kas gaabka lagu maaweeliyo. Waxaynu ogayn socdaalkii Madaxweynaha ee Laascaanood, waxii ka dhashay, sidoo kale ayaa seddex doorasho oo dalka ka dhacay, laga baaqday in la gaadhsiiyo gobalada manta 20tanka Wasiir iyo xildhibaan u tafoxayteen, waana la filaayey in arrintani keeni karto dagaal, kaga yimaada dhinaca kale. Miyena ahayn kolkii Madaxweynahu tegay Laascaanood in si gardarro ah loogu soo duulay. Tana haddaan xisaabta lagu darin, waa talo xumada dhalisay fashilka.

Aan ku gunaanado su’aal aynu dhammaan jawaabteeda doono. Cadde Muuse, Madaxa Puntland, maxuu dalka dagaalku ka socdo, si kalsooni ah uga dhoofay?. Maxuu ogaa? Yaa damaanada siiyey? Dhinaca kale, maxaa Somaliland looga dareemi waayey dhaqdhaqaaq culus, haddii arrintu ahayd sida Madaxtooyadu sheegtay inaan dib ciidanka loo soo celin, oo xuduudka la soo xidho.Haddaba aan faalo kale u dayno raxanta wasiirada ah, taliska ciidanka iyo degaanka Dhahar inay raad shimbireedkan wax inooga bayaamiyaan. Waa ammuur culus oo u baahan in la lafo guro, lana raad guro, oo gunteeda la taabto. Aynu wadajir u doona xanuunka ina haya iyo dawadiisa. Aan ogaan in runtu tahay tan keliya ee wax lagu saxo. Qaran waxaaa lagu hogaamiyaa run si kasta oo ay u qadhaadhay. Iyadaa keenta talada suuban. Beentu waxay kuu horseeda jab iyo guuldarro.Qaladkaaga ood garataa, deedna qaadataa, waa faa’iido kuu gacan galin karta furaha guusha.

Digtoonaan, samir iyo saadaal wacan.

Ahmed Arwo Cardiff, U. K

samotalis@gmail.com
ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: