Saturday, April 21, 2007

WARBIXIN KU SAABSAN SOCDAALKII CANADA EE GUDOOMIYAHA UCID EE NORTH AMERICA

UCID-OTTAWA Maanta oo ay bisha April tahay 14 waxa Ottawa wafdi ku yimi Gudoomiya Ucid ee North America Mr Kayse Cali Geedi,waxa aad u soo dhaweeyay Gudoomiyaha Ucid ee Ottawa Cabdi Kariim Xaaji Ibraahim Nuur,taageerayasha iyo bulshada kale ee reer Somaliland,Madasha kulankaa oo ay ka muuqatay farxad iyo soo dhawayn aad u baladhan waxa barnaamijka xidhiidhanaysay Farduus (Sitiin),waxa goobta xog waran iyo warbixinn dheer ka soo jeediyay Mr Cabdi Kariim Xaaji Ibraahim kana war bixiyay Ucid iyo ottawa Sheegayna in uu xisbiga Ucid yahay ka ugu dad ku soo biiris badan bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Ottawa,iyo horumarka ee bulshada kaga jiraan taageerayasha Ucid.waxa kale oo madashaa khubadihisi qiirada lahaa iyo qosolkaba ka soo jeediyay Dr Mahamoud Tani.inta ka dib waxa madashada lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha UCID ee North Amerika Mr Kayse Cali Geedi,Hadaba Mr Kayse oo ka hadlay arimo faraban oo isugu jira xaalada dalka ee maanta uu marayo ,isagoo aad u soo jiitay dadkii goobta isugu yimi ee isugu jiray taageerayasha xisbiga UCID iyo bulshad weynta kale ee reer Somaliland,Kayse waxa halkaa ka jeediyay hadalo dadkii kalena ku soo jiiday inay UCID wadda noqdaan isagoo isticmaalayay aftahannimo iyo kaftan hufan oo soo jiidasho wata,hadaba waatan khudbadii sii oo dhani.

Somaliland waxay ubaahantahay

Somaliland waxay ubaahantahay isbedel xaga siyaasada, dhaqaalaha, tacliinta iyo caafimaadka. Waxaana keeni karo isbedalkaa Aqoonyahanada dalka u dhashay. Sida aynu wada ognahay Aqoonyahanadu kuwa ugu badani waxay ku noolyihiin dalka debediisa amaba qurbaha. Markaa Aqoonyahanada jooga dalka debediisa waxa ku samaynkaraan dalka isbedal wayn maxaa yeelay aqoontii bedelka keenilahayd ayey leeyihiin.

Siyaasada

Somaliland waxay ubaahantahay in ay bedelweyn ku samayso siyaasadeeda gudaha iyo debada. Somaliland waxay ubaahantahay in ay Xuduudaheeda soo xidho. Dadka aan ahayn reer Somaliland ee ku nool wadanka waa in barmaamij u khaasa loo sameyaa. Dalka Somaliland waa in shaqooyinka la siiyaa reer Somaliland oo laga hormariyaa dadka kale ee aan ahyn Somalilander. Baayac mushtarka waa in lasiiyaa liisanada dadka reer Somalilanderska oo laga hormariyaa dadka kale ee aan udhalan Somaliland. Tan macnaheedu waxa weeye waa in dheefta dalka uu helaa dadka u dhashay. Reer Somaliland waa in ay lahaadaan xuquuq khaasa oo ka duwan tan ay leeyihiin dadka aan ahayn reer Somaliland. Somaliland waa in ay lahaataa siyaasad cad oo debedeed. Siyaasadani waa in ay faa’iido u lahaataa Somaliland, dadka iyo dalkaba (The foreign policy of Somaliland must give benefit Somaliland and must be based the interest of Somliland not the interest of other nations).

Waa in aynu xidhiidhfiican la samaynaa walaalaheen Koonfureed marka ay inoo aqoonsadaan dalgooniya oo madaxbanaan. Bacdamaa aynu khibrad weyn u leenahay si maamul fiican iyo kaladanbeeyn loo sameeyo waa in aynu caawinaa. Waa in aynu tusnaa amaba barnaa sida maamul loo samaysto adigoo shisheeye kamadaxbanaa. Waa in aynu
walaaleheen Koonfureed caawinaa si ay cagahooda isugutaagilahaayeen kana madaxbanaanaalahaayeen shisheeye.
Dhaqaale

Waa in aynu dhisnaa dhaqaale ku dhisan khayraadka laga helo dhulkeena kana durugnaa dhaqaale ku dhisan waxay ina siiyaan dawlada shisheeyuu. Waa in aynu ka fogaanaa amaaho aynu ka qaadano dalal shisheeye maxaayeelay dalal badan wax burburiya amaaho ay qaataan iyaga oo aan xitaa iska bixin karayn lacagta lacagta la’amaahdo ladul saaro (interest). Dhaqaalaha Somaliland waa in uu ku dhisnaadaa waxa ka soo baxa dulka Somaliland. Waa in aynu abuurnaa sidii loo saarilahaa khayraadka ku jira dalkeena sida Macdanta, Kaluunka, Shidaalka iyo sidii Xoolaha loo daryeelilahaa sida Xoolaha kale aduunka loo daryeelo. Waa in Xoolaha Somaliland ay helaan biyo ku filan, waxay cunaan gu iyo jilaal iyo daryeel caafimaad. Hadaanu nahay reer UCID waxaan ku boorinaynaa dawlada Somaliland in ay wadamada aduunka waydiisato sidii looga caawiyi lahaa dhisida wadanka Somaliland ee la burburiyey. Tusaale, sidii looga caawin lahaa dhisita dhismaha xafiisyadii dawlada, wadooyinka, eeriboodada, dekadaha iyo wixii kale la mid ah.
Tacliinta
Tacliintu waa waxa bulsho bedel ku sameeysa. Hadaad histariga aduunka dib u fiirsato waxaad ogaankartaa in aan wadana horo umarin ilaa ay dadkiisu tacliin yeeshaan waayo dadka ayaa dal dhisa. Hadii ayna aqoonfiican lahayn dadka wadan ku nooli dee dalkii horo umamarinkaraan. Markaa hadaanu nahay xisbiga UCID waxaanu ku boorinaynaa dawlada Somaliland in ay tacliinta xooga saarto si wadanku horo ugu maro. Waa in dhaqaale badan loo gooyaa tacliinta macaliinta lacag fiican la siiyaa oo ay ku noolaan karaan. Waa in uskuulada dib loo habeeyaa si ay aduunka ula jaanqaadaan.

Caafimaadka

Caafimaadku wuxuu jiraa meelaha ugu liidata Somaliland markaa waxa loo baahanyahay in dawladu xakameysaa dadkan wada sheeganaya dhakhtarada iyaga oo aan ahayn dhataro. Dawladu waa in ay samayso habxakameeya dhakhatarada, famarsiiyada dadka ka shaqeeya kuwaas oo sheegta in khibrad u leeyihiin iyaga oo ulahayn. Markaa Dawlada Somaliland khaasatan wasaarada caafimaadku waa in ay samaysaa hab xagameeya dhakhtarada, dadka farmasiiyada ka shaqeeya iyo dawooyinka dalka soo gelaya ee lagu isticmaalo dalka Somaliland. Dawladu waa in ay siisaa liisan dhakhtarada, dadka farmasiiyad ka shaqeeya iyo kuwa dawooyinka soo dejiya.


Kayse Ali Geedi

Gudoomiyaha North America

No comments: