Saturday, April 21, 2007

KHIYAAMO QARAN AYEY KU EEDEEYEEN; DIL TOOGASHO AHNA WEY KU RIYOONAYAAN

Marka hore, sida aydun ula socotaan, Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Wasiirkii hore ee Gashaandhiga, waxa lagu eedeynayaa kiisna loogu samayn rabaa innuu a) xidhiidhkii isgaadhsiineed uu ka goostay Madaxweynaha ahna Taliya Guud ee Cidanka Qaranka b) fal amar diidow ah ku dhaqmay c) bixiyey amar khaldan d) iskii uu ciidankii uga soo saaray degaanka Dhahar e) adhaxda ka jebiyey Ciidankii Qaranka, iyo f) sumcad xumo iyo ceeb u soo jeiiday haybaddii iyo karaamadii qarannimo ee Somaliland sida ku cad labadii warsaxaafadeed ee ka soo baxay Madaxtooyada. MACAL CUNE LA ARKI DOONEE!!

Marka, xidgta , eedeyntaas culus ee been abuurka ahi ee kor ku xusan, waxay ka turjumaysa ama muujinaysa sida xaq darada ah ee Ina Riyaale iyo Kooxdiisa habowsan, ay isugu dayayaan ama ugu hawlan yihiin inay Wasiirkan daacada ahi ee firfircooni iyo wax qabadka lagu yihiin ee sida sharaftu ku jirto hawlahiisa u gadan jiray, ay ku soo oogaan Dembiga Khiyaamo Qaran iyo Qaran Dumis taasoo ciqaabteedu uu yahay Dil Toogasho ah, waa haddii ay u meel marto’e taasoo ay ku hungoobi doonaan kana qaadi doonaan dhibaatooyin badan oo aaney xisaabtaba ku darsan.

Intaas waxa ii dheer, in Wasiirka in mudo ahba lagu hayey a) shirqool hoose iyo shaqo curyaamin taasoo soo shaac baxday xiligii hawlgalka aaga Dhahar ee lagu qaaday minjo xaabin cad oo xidhiidhsan min Cerigaabo ilaa Hargeisa (Madaxtooyada) taasoo, ay isla ogaayeen Riyaale, Nuux Ismaaciil Taani, iyo qaar la wada yaqaan oo ka mid ah wasiiradii sida macno darada ah loo soo dhoobay Gobolka Sanaag b) in lagu deg degay xil ka xayuubintii wasiirka oo weliba si aan munaasaba ahayn oo ka baxsan sharafta iyo nidaamka hab dowliga loola dhaqmay c) in Wasiirka xilka laga xayuubiyey isagoo goob dagaal ku jira kuna dhex jiray hawlgalyo ciidan ama dagaal , iyo d) in la isku dayey in si badheedh ah loo dhooqeeyo dadnimada, sharafta, haybada, iyo caadadnimada Wasiirka ee lagu wada yaqaan taasoo looga dan lahaa in sumcadiissa shaqsi ahaaneed iyo siyaasad ahaaneedba la waxyeeleeyo.
Hadaba, waxaan ku talinayaa maadaama, waxyaabahan lagugu eedeynayoWasiirka iyo weliba kiiska foosha xun ee loo sameyn rabo uu yahay, Khiyaamo Qaran iyo Qaran Dumis oo ciqaabtiisu tahay Dil Togosho ah, waa:
In Wasiirku aanu dhayalsan heerka lala gaadhay, khatarta ka iman karta, iyo danaha gaar ahaaneed ee laga leeyahay shirqoolkan foosha xun ee cadaawada weyni ku jirto.

In Wasiirku uu si cad oo adag uu isaga leexiyaa dembigan been abuurka ee aanu geyin ee loo haysto.

In Wasiirku aanu hagran oo cidna ka haybadeysan; waana inuu si toos ah oo aan mad madow ku jirin uu banaanka u soo wada dhigto, macluumaadka uu og yahay oo dhan iyo waxyaabaha jira ee isaga maqaarsaarka looga dhigi rabo isagoo aan u eegayn inay waxyaabahaasi, ay sir dowladeed tahay maadaama kiis xun iyo dil loo haysto. WIXII LA QARIYO, QUDHUN BAA KU JIRA!
In Wasiirku uu si cad uga hadlo awoodaha qarsoon ee xaaranta ahi iyo hab dhaqanka xun ee Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Qaranka kaasoo aad moodo inuu ka awood sareeyo Wasiirkii walba ee loo soo magacaabo Wasaarada Gashaandhiga loona baahan yahay in arrintiisa loo fiirsado si deg ahna wax looga qabto. WAA HALKA SARTU KA QUDHUNTAY EE CIIDANKA QARANKU KA DHUTINAYO!

Ugu dambeyn, waa in Wasiirku aanu u arkin erigiisu ama xil ka xayuubintiisu iyo ka hadalkeedu inu la mid noqon doono mida looga bartay wasiiradii hore ee marka xilka laga qaadoo waxyaabo badan soo bandhigi jiray inkastoo aan iyaga aan lagu eedeyn jirin Khiyaamo Qaran iyo Qaran Dumis lanana tiigsan jirin Dil Toogasho ee lagu badanaa eedeyn jiray waxyaabo basil ah sida wadashaqeyn la’aan, xil gudasho la’aan, iwm.

Sidaas daraadeed, waa in Wasiirku uu si cad oo adag uu uga hadlaa fadeexadan baaxada weyn ee dalka iyo calaamkaba loo mariyey ee khatarteeda lehi ee been abuurka ahi ee lagula soo galgalanayo xilkiisii qaranna si aan munaasab ahayn looga qaaday inkastoo uu xiligaas joogay goob dagaal waajibaadkiisna gudanayey kuna guda jiray hawlgalyo ciidan iyo nacab dhexdii.

Waa in Wasiirku uu si adag oo munaab ah isu difaaca oo uu wada sheega, waxa meesha jira oo uu weliba kiiska ku cadeeya kuwa isaga dembiga Khiyaamada Qaran iyo Qaran Dumis la doon doonaya ee Dil Toogasho ah la tiigsan raba!!.

Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Abti, heerkii ugu dambeeyey ayaa lagula gaadhay; waxbana nacabku kuulamey hadhine, waa inaad adna si adag isu difaacda oo aad iyaga la degtaa.

Guul iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.
(farah.jama@alumni.uottawa.ca).

No comments: