Monday, April 09, 2007

Wariye reer Puntland ah oo sheegay in Ciidanka Somaliland uu ku sii siqayo degaano ka tirsan Puntland

Wariyaha Idaacada Simba uga soo waramo Boosaaso Cabdi Risaaq Sheekh Aduun ayaa sheegay in xiisado colaadeed iyo is abaabul ciidan laga dareemayo Magaalooyinka Garowe,Boosaaso iyo Gaalkacyo kadib markii la xaqiijiyay in Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku sii siqayaan degaano ay hore uga arimin jireen Maamulka Cadde Muuse.

Wariye Sheekh aduun oo xiganayay ila kala duwan oo wareed wuxuu tibaaxay in dagaalka uu khasaaro badan dhaliyay,sidoo kalana jiidaha dagaalka laga maqlayo xabado goos goosa.

Guji halkan si aad u sii akhridid

No comments: