Monday, April 09, 2007

BAAQ MUWADIN SOMALILANDER AH OO KU SOCDA REER SOMALIA

Marka hore, waxaan idinla socodsiinaya in baaqani uu guud ahaan ka turjumayo sida ay Reer Somaliland uga xun yihiin daalinnimada Dembile Dagaal Abdullahi Yusuf iyo Kooxdiisa Majeerteeniya ee dalka Somalia ku soo hogaamiyey quwado shisheeye gaar ahaan dalka Ethiopia kaasoo dano dhul baladhaasi, khayraad boob, iyo gumeysi ka leh dalalka Soomoomaaliyeed ahna cadowgii keliya ee aanu leenahay ee soo jireenka ahaa ee tan iyo 1884 (hal qarni iyo rubuc) ilaa iyo maanta uu guumeysi xun ku haysto ummad iyo dal dhan oo Soomaaliyeed (Somali Galbeed) iyo (Haud & Reserve Area), tan iyo 1954kii.

Marka xigta, waxa aan idinla socodsiinayaa in Reer Somaliland, ay si weyn uga murugeysan yihiin falalka waxashnimada ah ee Dowlada KMG iyo Ethiopia ay sida wadajirka ah ay ugu fulinayaan Beelaha Hawiye iyo guud ahaan Somalia; waxaaney hore iyo hadaba si ba’an u cambaareynayaan kuwan inoo eg ee Soomaali iyo Muslimka sheegta ee gaalada la soo saftay ee sida joogtada ah ee naxarisdarada, axmaqnimada, iyo waxashnimada ah madaafiicda waaweyn ee goobta iyo diyaaradaha dagaalka ugu garaacaya magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha maatada tabaaleysan ee biri mageydada ah ee aan waxba galabsan sidaasna loogu geystay xasuuq aan loo aabo yeelin, Isir gumaad qorsheysan, baarakac baaxad weyn, iyo qaxootinimo.

Waxa kale oo ay Reer Somaliland si weyn uga tiiraanyeysan yihiin, cunaqabateynta dhaqaale ee lagu hayo Beelaha Muqdisho gaar ahaan xayiraada ka jirta Dekeddii weyn iyo Gegida Diyaaradaha ee Muqdisho, cashuuraadka maangalka aan ahayn ee xaaraanta iyo dulmiga ah ee hab beeleed oo dadban loogu soo rogay ganacsatada Muqdisho taasoo ah dhaqaale boob iyo dhaqaale curyaamin qorsheysan, xayiraada ilaha kale ee dhaqaalaha ee u xidhan laguna naas nuujinayo dad aan degaanka u dhalan, ganacsatada lagu soo rogay inaaney goobo kale oo ka mid ah degaankooda aaney wax kala soo degi karin waxa ka dhoofsan karin taasoo la xidhiidha cunaqabateynta guud ee lagu hayo Beelaha Muqdisho, burburinta qorsheysan ee lagu fulinayo hantida iyo suqyada magaalo madaxda Muqdisho, bahdilaada baahsan iyo dilalka qorsheysan ee lagu hayo intii Beelaha Muqdisho haybada ku lahayd, xadhiga iyo jidh dilka baahsan, wadaadada lagu shaambadeynayo inay argigixiso yihiin ee laga iibinayo cadowga Ethiopia kaasoo isna Muslimiintaas aan dembiga lahayn dib uga iibiya Mareekanka sidaana aan la aqoon geeri iyo nolol halkay ku dambeeyeen, biliiqada iyo dhaca joogtada, iyo guud ahaan kufsiga balaadhan ee hab beeleysan loogu geysanayo maatada jilicsan.
Intaas waxa ii dheer, in Reer Somaliland ay si weyn uga xun yihiin dhamaan Soomaalidii ay huwanta munaafiqiintu iyo gaaladu ku xasuuqay Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Galkacyo, Gobolka Gal-Mudug gaar ahaan degaanka Bandiiradley iyo nawaaxigeeda, Gobolka Bakool gaar ahaan Diinsoor, Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan reer miyigii iyo maatada diyaaradaha Mareykanku ay ku gumaadeen Raas Kambooni, Dhobley, Af Madow, iyo nawaaxigeeda, iyo goobo kale oo farabadan; waxaana ay Ethiopia hore ugu gumaaday kumaankun Soomaali ah degaanada Luuq, Dolow, Beled Xaawo, iyo nawaaxigeeda; waxaana maanta la qorsheeyey in ciidamada cadowga ee Ethiopia ee dalka la soo dhoobay ee uu Dembile Dagaal Cabdillahi Yusuf iyo Dowlada KMG-da, iyo Dembile Dagaal Cade Muuse iyo Maamul Goboleedka Qabiileystaha ah ee Majeerteeniya, ay dhowaan heshiis la galeen cadowga Ethiopia si ay ciidankeeda u soo dejiso magaalooyinka nabdoon ee Garoowe, Bosaso, iyo xitaa magaalada Laas Qorey ee ka tirsan Gobolka Sanaag ee dalka Somaliland taasoo ah daandaasi iyo gar daro cadaan ah oo ay huwantaasi ku jabi doonaan. Taasi, waxay si cad u muujinaysa inay Ethiopia degaano badan ay ku gumaaday shacbi farabadan oo Soomaaliyeed oo aan la tiro koobi karin cid ka hadashaana aaney jirin haatana ay u suuro gashay inay dalka Somalia oo dhan wada qabsato kana taliso kuna taameyso inay xasuuqyo iyo gumaadyo kuwi hore ka xun ay Soomaali ugu geysato degaano kale oo iyada u sii qorsheysnaa.

QUDHAANJOY KU QUUSO!

Hadaba, waxa loo baahan yahay in caqliga la kaashado oo dagaaladan sokeeye ee burburka macno darada ah iyo hoosaasinta ahi meel la iska dhigo oo loo soo jeesto waxa hortiina iyo hareerahiina ka dhacaya lagana tashado sidii looga tabaabusheysan lahaa lana iskagana moosi lahaa fatahaada colaadan gamuurtay iyo khataraha iyo waxyeelooyinka, ay wadaan cadowgan huwanta ah ee sida qaawan ee xaq darada iyo sharci darada ahi ummada iyo dalka Somalia ku soo duuley ee dhulboobka, guumeysi doonka, iyo khayraad boobka ahi.

Sidaas daraadeed, waxan halkan Reer Somalia uga baaqaya maadama ay Dowlada KMG ku dhisan tahay Qaab Beeleed, waxna lagu qaybsaday nidaamka 4.5, inay si deg ah Shantii Beelood (Hawiye, Daarood, Digil & Mirifle, Dir, iyo Beesha Shannaad) u fuliyaan arrimahan hoos ku xusan oo ah habka keliya ee ugu fudud ee ugu khasaaraha yar ee lagu fashilin karo laguna burburin karo qorshaha cadowga inoo dhiiga eg iyo ciidamada shisheeye ee huwanta ah guud ahaana lagu badbaadin karo shacbiga laguna xoreyn karo dalka Somalia:

In Guurtida Hawiye, Daarood, Digil & Mirifle, Dir, iyo Beesha Shannaad, ay mid waliba Shir Beeleed oo u gaar ah si deg deg ah u qabato hal mooqifna isku raacaan oo ay si cad u shaaciyaan inay kalsoonidii kala noqdeen Dowlada KMG uguna baaqaan caalamka in la laga hortago xasuuqa iyo gumaadka shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan maatada jilicsan; dalka Ethiopia-na, ay bilaa shuruud ciidamadeeda kala baxdo dalka Somalia sida ugu dhakhsaha badan.
In Shantan Beelood, ay mid waliba ugu baaqdo xubnaha kaga jira Dowlada KMG, inay si deg deg ah isu casilaan, kuwa go’aanka Guurtidoodana ka dhego adeygana, ay cadeeyaan inay yihiin daneysteyaal aan sinaba u metelin beeshooda.

In Shantan Beelood ee ay ku qotonto Dowlada KMG, ay mid waliba dhinaceeda si deg deg ah ugu dhawaaqdo a) Xabad Joojin Heer Degaan ah oo bilaa shuruud ah b) Si wadajir ahna, ay ugu dhawaaqaan Xabad Joojin heer Qaran, iyo c) Si wadajir ah, ay u aqoonsadaan qadyada iyo jiritaanka Somaliland sidaasna lagu soo afjaro dhamaan colaada sokeeye ee gamuurtay ee ka jirta Somalia iyo cadaawada u dhaxaysa dalka Somaliland iyo Somalia sidaasna lagu baajiyo dhiiga Islaameed ee hada sida macno darada ah u daadana iyo midka beri daadan doona, Eebe kama dhig’e.

In si wadajir ah la isugu af garto lana qaban qaabiyo Shirweyne Qaran oo Dibu Heshiineed oo loo wada dhan yahay marka laga reebo kuwa daneystayaasha Reer Somaliland ee isku magacaabay DIR WAQOOYI kuwaasoo lugooyo iyo kala qaybsanaan mooye aan wax faa’ido ah u lahayn shacbiga iyo dalka Somalia; waana inay Maxaakimta iyo Kooxihii kaleba ay uga qayb gelaan Shirweynahan qaab beeleed laguna qabto magaalada Hargeisa ama Burco ee dalka Somaliland.

In la dhiso Dowlad xaq iyo cadaalad ku qotonta oo loo wada dhan yahay oo si hagar la’aan ah oo rasmi ah u aqoonsato Jamhuuriyada Somaliland.
Dhinca kale, maadaama ay Ethiopia iyo calaamkuba ku doodayo inaaney Ethiopia ku soo duulin Somalia dalkana aaney qabsan oo ay dalka ku soo gashay sharci iyo rabitaanka Dowlada KMG, been ma’aha oo wey ku gar joogtaa marka loo eego sharciga caalaamiga ah (international law), hase yeeshee, haddii aydun shanta qodob ee kor ku xusan aydun sidooda u fulisaan, waxa burburaysa Dowladi KMG taasoo mesha ka saareysa sabab ay Ethiopia u sii joogto dalka Somalia ee aan laga rabin iyo sabab kale oo ay ku marmarsiyoon kartoba.

GUUSHU HALKAASAY KA DHOWDAHAY!

Haddii, se aydun fulin waydaan shantaas qodob ee aan sida nasteexada iyo walaaltinimada aanu idiinku soo bandhigay ee muhiimka ah ee badbaadada ummadda iyo dalka ah, waxa markaas idinla gudboonaanaya inaydun laba daran mid doorataan kuwaasoo kala ah:

In aydun ayidaan una hogaansantaan dulmiga, guumeysiga, iyo gunnimada la idinla damacsan yahay ee uu horseedka ka yahay Dembile Dagaal Abdullahi Yusuf iyo Dowlada KMG ee umulo dooxa ahi ee Golaha Wasiiradeedu iyo Baarlamaankeeduba, ay si cad oo muran ku jirin ugu afduuban yihiin cadowga shisheeye gaar ahaan guumeystaha madow ee Ethiopia sidaasna ummadiina iyo dalkiina lagu qabsado laguna xalaaleysto taasoo weliba aydun ka nabad geli doonin Mareekanka iyo xulufadooda ee wada argagixisada idinku shaabadeeyey ee gumaadkiina ugu marmarsoonaya “Somalia waxa ka jira Al Qaida” ee idinku fulinayana mashruuca waxashnimada ah ee lagu sheegay “La Dagaalanka Argagixisada” ama “War on Terror” oo aan la ogeyn halka uu ku dhamaan doono, Eebe kama dhigo’e, iyo in idinkoo aan is wada raacsaneyn oo qaarba meel aan la garaneyn u jeedaan oo kala daadsanaanta dhexdiina ka jirta iyo dadaalka loogu jiro isu soo uruurintiina iyo midnimadiina uu si cad cadowgu uga hortegayo kana faa’ideysanayo inu khilaaf bacdal khilaaf uu idiin shirqoolo taasoo ay weliba idiin dheer tahay, in idinkoo xaalkiinu sidaas yahay oo dhaqaale curyaamin, xasuuq, iyo isir gumaadba uu idinku socdo, ay dantu idinku kelifto inaydun kacdoon hor leh sameysaan oo si ba’an uga dhiidhidaan dhagaraha la idiin geysanayo lana halgantaan cadowga sida hadaba aad ka yeesheen waxashnimada la idinku hayo taasoo idinku qaadan karta halgan dheer oo qadhaadh oo uu dhiig badani ku daato, baarakac hor leh, qaxootinimo balaadhan, macaluul dalka ka bilaabanta, iyo hub yaraan idin la soo gudboonaata haddii, aan inta gori goor tahay aan laga sii tabaabusheysan taasoo sii xoojin karta dar darta uu cadowgu idinku hayo soona dhoweynaysa qabsashadiina iyo danaha dhul boobkaa qorsheysan, khayraad biliiliqeysiga, iyo gumeysi buuxa kaasoo sidookale loogu fulin karo qoomamka kale ee Soomaaliyeed iyo guud ahaan dalalka Soomaalida oo dhan, Eebe kama dhigo’e..

Waxa kale oo aan idinla socodsiinayaa inkastoo ay faa’ido koobani ku jirto mucaaridka isku urursaday Eritrea, Yemen, Europe, iyo Mareekanka; iyo shirarka iyo mudaharaadyada ee goob walba oo muhiim ah lagu qabtay, hadana waxaasoo dhami, waxay ka turjumayaan saansaan halgan daba dheeraan kara oo gobanimo doon ah kaasoo haddii, aan lagu xoojin kacdoon xoogan oo wadajir ah iyo halgan hubeysan oo mideysan ama loo wada dhan yahay oo dalka gudahiisa oo dhan ka dhaca, aaney macno weyn sameyn doonin aqoonyahano marba meel ku shira.

Hadaba, waxaan idin leeyahay, dar darta la idinku hayo daraadeed wakhtigu idiin saamixi maayo halgan dheer oo aydun gashaan idiinkoo fursad kale oo ka dhib yar haysta maadaama shacbigii gaar ahaan maatada dhinac walba laga rifaayo oo ay weliba mudo dheer qaadan karto sidii la isula heli lahaa shacbigii oo dhan oo meel ka soo wada jeeda si wadajir ah dagaal u gala maadaama aaney qaarkood xanuunku soo gaadhin, isla mar ahaantaasna, uu cadowgu ku sii fulinayo kala qaybi oo xukun iyo xasuuq xun iyo isir gumaad waxashnimo ah dalkiina haatan la haysto wadamada deriska ahi oo dhamina ay isu kiin gaashaanbuureysteen sida dalka Kenya oo marna xadka xidhata, marna maatada qaxootiga ka hor istaagta halkii ay ku badbaadi kareen sida ku cad sharciyada caalamka, marna dadka Soomaaliyeed soo raafta waxna jeelasheeda ku xidha waxna u gacan gelisa Dowlada KMG, Ethiopia, iyo Mareekanka iyadoo ku shaabadeysay inay dadkaas masaakiinta ah ee aan waxba galabsan ee xitaa dumar iyo caruuri ay ku jiraan, inay ka mid yihiin Maxaakiim iyo Argagixiso!! WAA IN UU CAQLIGU SHAQEEYO! Odhaah Soomaaliyeed, ayaa tidhaahda walba, “Cudurka gala fardaha haddii, laga gubo dameer dawo lama gaadhayo….”

Sidaa daraadeed, waxaan qabaa oo Reer Somaliland ila qabaan oo aan halkan indiinka baaqaya, in si geesinimo leh oo hagar la’aan ah oo walaaltinimo ku jirto oo deg deg ah aydun u qaadataan hirnagelisaan shanta qodob ee muhiimka ah ee aan kor ku sheegay kuwaasoo ah sida keliya ee ugu fudud ee jab, hoog, iyo halaag lagaga bixi karo looguna badbaadin karo shacbigan tabaaleysan ee mudada dheer mid Muslim sheegta iyo mid Gaal sheegtaba ay sida xun ugu tumanayeen indho xumadaana ka soo reebeen ahna wadada keliya ee ugu dhibka yar ee maanta idiin banaan ee shacbiga lagu nabadeyn karo, dhiig badan oo daata lagu baajin karo, dalkana lagu xoreyn karo. Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar.

Guul iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

(farah.jama@alumni.uottawa.ca).

No comments: