Monday, April 16, 2007

Warsaxaafadeedka Xil-ka-qaadista Wasiirka Gaashaandhigga oo faahfaahsan

(Waridaad) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkiisii Difaaca, isla markaana magacaabay Guddi hoggaaminaysa hawlgalka gobolada Bari.

Warsaxaafadeedka lagu faafiyey xil-ka-qaadista Wasiirka oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isaga oo faahfaahsan wuxuu u qoran yahay sidan:

"Amar ka soo baxay saaka xafiiska Madaxweynaha JSL Wuxuu Xilkii kaga qaaday Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Aadan Mire Waqaf , markuu iska dhago tiray amarka, kana goostay xidhiidhkii isgaadhsiineed Madaxweynaha JSL oo isla markaana ah Commander in Chief –ka Ciidanka Qaranka iyo taliska guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland Arrimaha ku wajahan hawl galada ciidan ee gobolka Sanaag, isagoo bixiyay amaro qaldan oo jaah wareerin iyo dhabar jab ku ah qaranimada Somaliland".

Wuxuu Madaxweynuhu u magacaabay xilka fulinta hawl galada gobollada Bari madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo saddex wasiir oo kala ah wasiirka Duulista Hawada Mudane Cali Waran Cadde, Wasiirka Golayaaha Qaranka Cabdi Xasan Buuni iyo Wasiiru dawlaha Biyaha iyo Macdanta Mudane Axmed Xasan Ducaale ‘'Macalin'' , xubnahan oo Berri u bixi doona gobolka Sanaag''.

Alla Mahad leh,

Axmed X. Daahir Cilmi

Wasiirka Warfaafinta JSL iyo

isla markaana ah Afhayeenka Xukuumada Somaliland

No comments: