Monday, April 16, 2007

Warsaxaafadeed Maanta Ka Soo baxay Madaxtooyada Somaliland

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

Warsaxaafadeed
Sidii uu Madaxweynuhu hore u sheegay Warsaxafadeed shalay uu ka soo saarayt arrinta ka taagan Sanaag berri waxa Madaxweynaha JSL uu hore u ansixiyey in Ciidamada Somaliland ay ku nagaadaan Magaalada Dhahar oo ka mid ah Xuduudka JSL oo aan Ciidmadu halkaasi ka soo bixin, hashe yeeshee nasiib darro waxa dhacday in Wasiirkii Gaashaandhigu uu go’aan khaldan qaatay oo isagu Ciidmadii halkaa ka soo saaray isagoon wax amara Madaxweynaha ka haysan. Isla markaana waxa uu ku kacay Wasiirku in uu xidhay wax allaale wixii xidhiidh ahaa ee uu ku soo wargelin lahaa Madaxweynaha JSL iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka iyada oo sida la ogyahay Ciidamada Somaliland ay halkaa guul ka soo hooyeen, waxana jirta oo marag ma doon ah in go’aankaasi uu qaaday Wasiirka Gaashaandhigu ee uu Ciidamada halkaasi kaga soo saaray in uu yahay mid khaldan oo meel ka dhac ku ah Qaranimada Somaliland. Sidaa awgeed ayaa Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday khaladkaa uu Qaranka ka galay Wasiirku darteed in shaqada looga eryo, arrintaana baadhis deg deg ah lagu sameeyo.

Wararka ay qortay Haatuf iyadoo caadeysatay had iyo jeer been abuur iyo kicin in ay dadka ku beer laxawsato waxa ay dadweynaha u sheegtay in Madaxweynuhu amray in Ciidanka laga soo saaro Dhahar, taas oo ah mid waxba kama jiraan aah.

Madaxweynuhu JSL, waxa uu u xilsaaray wefti uu hogaaminayo Madaxweyne ku Xigeenku oo kooban saddex Wasiir, laba xildhibaan iyo La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhiga in ay sida ugu dhakhsha badan ugu baxaan Gobolka Sanaag arrintaasina uu Madaxweyne Xigeenka u xilsaaray in uu la wareego Xilka Hogaaminta Xaaladda Barriga Sanaag.

Allaa Mahad Leh

Siciiid Caddaani Mooge
La taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha

No comments: