Saturday, April 21, 2007

Wasiirkii hore Gaashaandhiga Somaliland Oo ka hadlay Dagaalkii Somaliland iyo Majeerteeniya iskana Difaacay Eedeymihii Rayaale u Soo jeediyey.

Hargeysa(HWN) Wasiirkii hore Gaashaandhiga Somaliland Md, Aadan Maxamed Mire (Waqaf) ayaa sheegay halgalkii ay Ciidamada jiida hore Qaranka Somaliland ka fuliyeen Bariga Gobolka Sanaag ee ay ku qabsadeen Degmada Dhahar u ahaa hawlgalkii ugu horeeyey ee ay Ciidanka qaranku xuduudihiisa isku dultaago, isla mar ahaantaana talaabadan markii aanu qaadeynay waxaanu u arkeynay dad sameeyey badbaado ciidan qaran.Sida waxa uu wasiirkii hore Gaashaan dhigu ku sheegay shir jaraa’iid oo uu saaka ku qabtay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo uu wasiirku shirkiisa jaraa’iid ku tilmaamay inay ayaan daro ahayd iyada oo aam warbixin ka soo direy ayuu yidhi xaalada iyo duruufaha abuurmay in hadana muddo saacado yar ka dib inaan ka maqlo idaacada BBC-da isla galabnimadii warsaxafadeed eedeymo xanbaarsab oo u muuqanayey in lagu degdegay.

Ugu horeyn Aadan Maxamed Mir (Waqaf) oo ka hadlay arrintii warsaxaafadeedkii Madaxweyne Rayaale xilka kaga qaaday waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ula yaabay oo fajiciso igu noqotay laba warsaxaafadeed oo Madaxweynaha Jamhuuriyadd Somaliland soo saaray oo sheegaya xilka qaadi iyo eri oo ku sababaysan sidan:-

1. Amarro khaldan oo dhabar jebin iyo jaho wareer ku ah Qaranimada Somaliland.

2. Isgaadhsiin la xidhay oo xidhiidhkii lumay.

3. Ciidan la dhaqaajiyay amar la’aan.

Waxaan umadda Somaliland u soo bandhigayaa xaqiiqada dhabta ah maadama karaamadaydii, sharaftaydii iyo muwaadinimadaydii meel lagaga dhacay, aniga oo hawl qaran ku maqan oo weliba jooga goob dagaal, masuuliyad culusna qaranka u hayay ayaa iyada oo aan xaaladda dhabta ah ee jirta la ogaan lana sugin.Warbixinteeda xaalladda abuurantay, in si sahlan oo karaama beel ah loo yidhaado waxa ku qoran labadaa warsaxaafadeed ee ka fog xaqiiqada dhabta ah ee ka abuurantay goobtaas oo si loogu buunbuuniyay warbaahinta.Ma jecli in aan waxaan jirin sheego kana waramo sir ciidan oo aan u gudbiyo warbaahinta, balse qaabka bah dilka ah ee loogu talo galay in lagu dhaawaco sharaftayda oo laga leexiyo meeshii lahayd wixii halkaa ka dhacay oo aan indhaha laga qarsan karin, ahaydna in la sugo warbixinteedii.

Haddaba iswaydiintu waxay tahay maxaa dhacay?Sideese wax u dhaceen?Ujeedaduse maxay ahayd?”

Wasiirkii hore wasaarada Gaashaan dhiga Aadan Maxamed Mire (Waqaf) waxa uu sheegay ciidankii tagey inaanu ahayn kii xuduudaha sauagayey, balse uu ahaa hawlgalkiisu mid Xadidan “Waxaan rabaa in aan umada u iftiimiyo qaabka loo dhigay oo ah ciidanka halkaa tegay oo aan la socday in uu yahay kii sugayay xuduudaha Jamhuuriyaddda Somaliland in aanu ahayn, balse uu xilkiisu ahaa hawlgal xadidan oo ku jahaysnaa hawl kooban.Marka aynu ka hadlayno difaaca xuduudaha iyo sugitaankoda waxa ay ila tahay in ay ka balaadhantahay sidan loo dhigay oo ay leedahay istaraajiyad qeexan oo leh qorsheheeda, sugideeda iyo meel marinteeda oo aan ahayn wax afka laga yidhaahdo ee u baahan waxyaala farabadan si loo gaadho yoolkaas oo islmarkaas ay jirto siyaasad cad oo ku wajahan fidinta maamulka gobolada bariga Sanaag iyo Sool” Ayuu yidhi

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Haddii aan dib ugu noqdo iswaydiintii wixii dhacay, waxa noo yimid Dhahar wefti ballaadhan oo wasiirra ah oo ay la socdaan haya’do oo markay magaalada Dhahar soo galeen lagu dejiyay hudheel hadana mudo ka bacdi qaar ka mid ah wefdigii loo soo raray guri uu leeyahay Wasiirka Ciyaaraha”

Md, Waqaf waxa uu farta ku fiiqay inay ciidankii maamulka majeerteeniya ee soo weeraray ay dhegta dhiiga u dareen oo ay jabiyeen oo ay sadexdii goobood ee laga soo wareerayba ay guula ka gaadheen, isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Iyada oo sidaa lagu suganyahay, ayaa goor ay tahay saddexdii iyo dheeraad ee galabnimo ayaa waxa nagu bilaabmay dagaal ah saddex jiho oo nalaga soo weeraray.Ciidankeena oo si fiican u diyaar garoobay ayaa weerakaas difaacay jebiyayna sadexdii goobood ee cadawgu naga soo weeraray, khasaara ballaadhana u gaystay cadawga.

Dagaalkaasi waxa u soconayay muddo 3:30 badh saacadood ah oo aan kala go lahayn. Intii dagaalku socday waxa noo suurta gashay in wasiiradii iyo martidii kale ee la socotay aanu meel isugu keeno magaalada ka mida makhribka hortiina u daadgurayno wasiiradaas iyo wixii la socdayba gaadiid iyo dadba bartii taliska ciidanka dagaalka ku jira. Intaa ka bacdi, markii aanu si hor dhac ah u qiimaynay xaalada abuurantay, khasaaraha na soo gaadhay oo ah 1 dhimasho iyo 3 dhaawac ah oo mid halis yahay. Ciidankii degaanka ee difaaca xagga hore kaga jiray kana tirsanaa ciidanka Qaranka ayaa intay tuutihii iska bixiyeen qaarkood la soo safteen cadawgii intii kalena ku dhex milmeen magaaladii oo isu bedeshay goob dagaal oo khatarteeda lahayd”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “Waxaan goor habeennimo ah wasiiradii ku sugnaa barta taliska kulan kula yeeshay aniga oo u sheegay xaaladda abuurantay oo ay dheerad isgaadhsiintii oo dhan ee xiligaas oo la jaray tii raadiyaha caadiga ahaydna uu ismaqalkeedii xumaaday roob awgeed. Isla markaas, dood ka bacdi, waxaanu isla qaadanay wasiiradii aag bedelasho anaga oo sababaynay waxa kelifay oo ah sidan hoos u qoran:

1. Cimilada xilligaas halkaas oo ahayd roob dhinac kasta iska soo qabsaday dhulkuna ahaa meel aan gaadiidku ka hawgeli karin xilliga roobka.

2. Taakulaynta ciidanka oo aad uga fogaatay

3. Hawl muhiim u ah ciidamada oo ahayd in ay goobta ku sugnaadaan si ay u fududayso hawlgalkooda oo sidii la rabay u dhici wayday.

4. Cadawga oo isu habar wacday kuna muusannaabay qaab beelaysan oo abaabulkiisa leh oo ay kelliftay xaaladdii jabka iyo halaaga ee uu kala kulmay degaalka.

5. Ciidankii degaanka iyo kuwii magaalada qaar ka mida oo la soo halwgalay cadawga.

6. Culayska amniga wasiirada, gaadiidka iyo dadka la socday oo nooga baahday ilaalin iyo badbaadin dheeraad ah.

7. Taakulaynta cadawga iyo gurmadkooda oo ka imanaysay goob jirta 32Km. oo keliya.

8. Wasiirkii degaanka ka socday iyo odayaashiisii oo xaaladu markay abuurantay waxba ka qabanwayaya oo weliba jaha wareerna geliyay xaaladii oo hanan kari waayay dadkoodii”

Wasiirkii hore gaashaan dhiga Waqaf oo ka waramayaa ka soo bixitaankii degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag iyo sababahihii keenay waxa uu yidhi “Waxaas oo duruufa ah iyo qaar kaleba markay ka dhalatay xaalada taagnayd waxaanu go’aansanay in aag bedelasho la sameeyo si loo badbaadiyo guulihii la gaadhay iyo naf iyo qalabba wixii goobta ku sugnaa.Waxa aan u soo jeedinayaa amaana iyo bogaadin ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugnaa goobta dagaalku ka dhacay sida geesinimada iyo wadaniyada leh ee ay u difaaceen dalkooda una jebiyeen cadawgii sida kediska ahayd u soo weeraray. Waxaan si gaar ah u xusayaa Mujaahid Korneel Maxamed Cabdi (Shiine) oo si hawlkarnimo ah oo amaanteeda iyo abaal marinteeda leh uga hawlgalay midho dhalka guushaas iyo hogaaminteeda.”

Ugu dambaynta waxa uu yidhi Md. Waqaf isaga oo shacbiga Somaliland la hadlaya “Waxaan ummadd reer Somaliland xasuusinayaa in u halwgalkani ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ciidanka Somaliland xuduudiisa isku dul taago. Aniga oo Wasiirkii Gaashaandhiga ahaa oo la jooga ciidankiisa dagaalna qabsaday, waxa igu waajib ahaa in aan sameeyo wixii xeel dagaal ah iyo la jaan qaadka xaallaada abuurantay ee duruufaha kor ku xusani keeneen iyada oo la tebeyayay cidii ciidan ahaan ay tooska u khusyanaysay, gaar ahaan iyo guud ahaanba.-Markaanu tallaabooyinkaasi qaadaynay waxaanu isu arkaynay dad sameeyay badbaado ciidan, qalab, gaadiid Iyo guud ahaan Qaranimadii Somaliland. Waxase ayaan darro ah in iyada oo aanu warbixin ka soo diray xaaladdii iyo duruufihii abuurmay in hadana muddo saacada yar ka dib ah aanu ka maqallo Idaacada BBC-da war saxaafadeedkii koowaad isla galabnimadii oo xanbaarsanaa eedo aan meesha qabanin oo muuqanayay arrin lagu deg degay.

Mar labaad anaga oo aad uga xun eedahaas aanan geyin, ehella u ahayn, igana suurta gelin ayaa waxaan u bandhigayaa in ay ka garsooraan cid kasta oo aqoon u leh xaaladdaha Milateriga oo duruufaan oo kale ay keenaan iyo ummadaydu inay ka garsoorto dhacdadaas ku koobnayd hawshaas ciidda guusha soo hooysay iyo cidda dhabar jabka ku ah Qaranimada Somaliland. Waxaan ummadayda Somaliland u soo jeedinayaa in ay ilaashadaan nabadgelyadood, midnimadooda iyo wada jirkooda qarannimo oo ku fara adaygaan qaabka dawladnimo ee aynu dhisanay. Waxa kasta oo isbedel ahi ku yimaadaan qaabka nidaam ee in noo dejisay.

Waxaan ciidanka Qaranka u rajaynayaa guul, isku duubni, kala danbayn oo lagu gaadho mid tayo, tababar taakulayn iyo u diyaar garaw difaac qaranimada oo ah xirfada hogaamineed ee ciidan looga baahnaa”

Weriye, Musrafe-janaale

Reporter Hadhwanaagnews.com Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com

No comments: